1لامام المغنين. على ذوات الاوتار. لداود. اسمع يا الله صراخي واصغ الى صلاتي.
1Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.
2من اقصى الارض ادعوك اذا غشي على قلبي. الى صخرة ارفع مني تهديني.
2Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya, Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.
3لانك كنت ملجأ لي. برج قوة من وجه العدو.
3Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.
4لاسكنن في مسكنك الى الدهور. احتمي بستر جناحيك. سلاه.
4Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga, Oo waxaan magan geli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)
5لانك انت يا الله استمعت نذوري. اعطيت ميراث خائفي اسمك.
5Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay, Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.
6الى ايام الملك تضيف اياما سنينه كدور فدور.
6Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa, Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.
7يجلس قدام الله الى الدهر. اجعل رحمة وحقا يحفظانه.
7Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa, Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa, Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.
8هكذا ارنم لاسمك الى الابد لوفاء نذوري يوما فيوما
8Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa, Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.