الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

66

1لامام المغنين. تسبيحة مزمور‎. ‎اهتفي لله يا كل الارض‎.
1Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
2‎رنموا بمجد اسمه. اجعلوا تسبيحه ممجدا‎.
2Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.
3‎قولوا لله ما اهيب اعمالك. من عظم قوتك تتملق لك اعداؤك‎.
3Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
4‎كل الارض تسجد لك وترنم لك. ترنم لاسمك. سلاه
4Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
5هلم انظروا اعمال الله. فعله المرهب نحو بني آدم‏‎.
5Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah, Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
6‎حول البحر الى يبس وفي النهر عبروا بالرجل. هناك فرحنا به‎.
6Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
7‎متسلط بقوته الى الدهر. عيناه تراقبان الامم. المتمردون لا يرفعنّ انفسهم. سلاه
7Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa, Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha, Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)
8باركوا الهنا يا ايها الشعوب وسمّعوا صوت تسبيحه‎.
8Dadyahow, Ilaaheenna ammaana, Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
9‎الجاعل انفسنا في الحياة ولم يسلّم ارجلنا الى الزلل‎.
9Kaasoo nafteenna nolol ku haya, Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
10‎لانك جربتنا يا الله. محصتنا كمحص الفضة‎.
10Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
11‎ادخلتنا الى الشبكة. جعلت ضغطا على متوننا‎.
11Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
12‎ركبت اناسا على رؤوسنا. دخلنا في النار والماء ثم اخرجتنا الى الخصب
12Dad baad madaxa naga saartay, Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
13ادخل الى بيتك بمحرقات اوفيك نذوري
13Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
14التي نطقت بها شفتاي وتكلم بها فمي في ضيقي
14Bushimahaygu ay ku hadleen, Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
15اصعد لك محرقات سمينة مع بخور كباش اقدم بقرا مع تيوس. سلاه
15Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran Iyo wanan iyo fooxood, Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)
16هلم اسمعوا فاخبركم يا كل الخائفين الله بما صنع لنفسي‎.
16Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
17‎صرخت اليه بفمي وتبجيل على لساني‎.
17Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
18‎ان راعيت اثما في قلبي لا يستمع لي الرب‎.
18Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,
19‎لكن قد سمع الله. اصغى الى صوت صلاتي‎.
19Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.
20‎مبارك الله الذي لم يبعد صلاتي ولا رحمته عني
20Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.