Welsh

Somali

Ezekiel

46

1 "'Fel hyn y dywed yr Arglwydd DDUW: Y mae porth y cyntedd nesaf i mewn, sy'n wynebu tua'r dwyrain, i fod ar gau am y chwe diwrnod gwaith, ond ar agor ar y dydd Saboth ac ar ddydd y newydd-loer.
1Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Barxadda gudaha iriddeeda xagga bari u sii jeeddaa waa inay lixda maalmood ee la shaqeeyo xidhnaataa, laakiinse maalinta sabtida waa inay furnaataa, oo maalinta bishu dhalatona waa inay furnaataa.
2 Y mae'r tywysog i ddod i mewn trwy gyntedd y porth, a sefyll ger pyst y porth; ac y mae'r offeiriaid i aberthu ei boethoffrwm a'i hedd-offrymau. Y mae i addoli wrth riniog y porth ac yna mynd allan, ond ni chaeir y porth hyd fin nos.
2Oo amiirku waa inuu ka soo galaa jidka balbalada oo iridda dibadda, oo waa inuu iridda tiirkeeda ag istaagaa, oo wadaaddadu waa inay qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiinada diyaariyaan, oo waa inuu iridda marinkeeda ku sujuudaa, oo markaas waa inuu dibadda u baxaa, laakiinse iridda tan iyo fiidkii waa inaan la xidhin.
3 Ar y Sabothau a'r newydd-loerau y mae pobl y wlad i addoli gerbron yr ARGLWYDD wrth fynedfa'r porth hwn.
3Oo maalmaha sabtida iyo maalmaha biluhu dhashaanba dadka dalka degganu waa inay albaabka iriddaas Rabbiga hortiisa ku sujuudaan.
4 Bydd y poethoffrwm a ddygir gan y tywysog i'r ARGLWYDD ar y Saboth yn cynnwys chwe oen di-nam a hwrdd di-nam.
4Oo qurbaanka la gubo oo uu amiirku maalmaha Sabtida ah Rabbiga u bixin doono waa inuu ahaadaa lix wan oo yaryar oo aan iin lahayn iyo wan weyn oo aan iin lahayn.
5 Bydd effa o fwydoffrwm gyda'r hwrdd, ond gyda'r u373?yn bydd yn gymaint ag a ddymuna; bydd hin o olew am bob effa.
5Oo wan kasta oo weynba waa in lala bixiyaa qurbaanka hadhuudhka oo eefaah ah, oo wananka yaryar qurbaankooda hadhuudhkana nin waluba waa inuu intuu bixin karo bixiyaa, oo eefaah kastana hiin saliid ah waa inuu la bixiyaa.
6 Ar ddiwrnod y newydd-loer y mae i offrymu bustach ifanc, chwe oen a hwrdd, y cyfan yn ddi-nam.
6Oo maalinta bishu dhalatona waa in la bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn, iyo lix wan oo yaryar iyo wan weyn, oo waa inay kulligood wada ahaadaan kuwo aan iin lahayn.
7 Y mae i ddarparu effa o fwydoffrwm gyda'r bustach, effa gyda'r hwrdd, a chyda'r u373?yn gymaint ag a ddymuna; bydd hin o olew am bob effa.
7Oo dibi kasta waa inuu la diyaariyaa eefaah ah qurbaan hadhuudh oo wan kastana waa inuu eefaah la diyaariyaa, oo wananka yaryarna waa inuu in alla intay gacantiisu karto la diyaariyaa, oo eefaah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.
8 Pan ddaw'r tywysog i mewn, y mae i ddod trwy gyntedd y porth, a mynd allan yr un ffordd.
8Oo amiirku markuu galo waa inuu jidka balbalada oo iriddaas ka soo galaa, oo haddana waa inuu isla iriddaas jidkeeda ka baxaa.
9 "'Pan fydd pobl y wlad yn dod o flaen yr ARGLWYDD ar y gwyliau penodedig, y mae'r sawl sy'n dod i mewn i addoli trwy borth y gogledd i fynd allan trwy borth y de, a'r sawl sy'n dod i mewn trwy borth y de i fynd allan trwy borth y gogledd. Ni chaiff neb ymadael trwy'r porth y daeth i mewn trwyddo, ond mynd allan trwy'r porth gyferbyn.
9Laakiinse dadka dalka degganu markay iidaha Rabbiga hortiisa yimaadaan, kii jidka iridda woqooyi ka soo galaa, waa inuu jidka iridda koonfureed ka baxaa, oo kii jidka iridda koonfureed ka soo galaana waa inuu jidka iridda woqooyi ka baxaa, oo waa inuusan jidkii iriddii uu ka soo galay dib ugu noqon, laakiinse waa inuu dhanka isaga ku toosan ka baxaa.
10 Bydd y tywysog hefyd yn eu plith, yn mynd i mewn pan �nt hwy i mewn, ac yn mynd allan pan �nt hwy allan.
10Oo amiirku waa inuu iyaga dhex galaa markay galaan, oo markii ay baxaanna waa inuu baxaa.
11 "'Ar y gwyliau a'r adegau penodedig, bydd effa o fwydoffrwm gyda bustach, effa gyda hwrdd, ond gyda'r u373?yn gymaint ag a ddymunir; bydd hin o olew am bob effa.
11Oo iidaha iyo maalmaha waaweyn ee la amray qurbaanka hadhuudhku waa inuu ahaadaa dibigiiba eefaah, iyo wankiiba eefaah, oo wananka yaryarna waa inuu la bixiyaa intuu bixin karo, oo eefaah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.
12 Pan fydd y tywysog yn darparu offrwm gwirfodd i'r ARGLWYDD, yn boethoffrwm neu'n heddoffrymau, fe agorir iddo'r porth sy'n wynebu tua'r dwyrain. Bydd yn aberthu ei boeth-offrwm neu ei offrymau hedd fel y gwna ar y Saboth. Yna fe � allan, ac wedi iddo fynd allan fe gaeir y porth.
12Haddaba amiirku markuu diyaariyo qurbaan ikhtiyaar ah ha ahaatee qurbaan la gubo amase qurbaanno nabaadiino oo Rabbiga ikhtiyaar loo siiyo, waa in iridda xagga bari u sii jeedda loo furaa, oo isagana waa inuu qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiino u diyaariyaa siduu maalinta sabtida yeelo oo kale, oo markaas waa inuu baxaa, oo markuu baxo dabadeed waa in iridda la soo xidhaa.
13 "'Bob dydd yr wyt i ddarparu oen blwydd di-nam yn boethoffrwm i'r ARGLWYDD; yr wyt i'w ddarparu bob bore.
13Oo adigu waa inaad maalin kasta Rabbiga qurbaan la gubo ugu diyaarisaa wan gu jira oo aan iin lahayn oo waa inaad subax kasta kaas diyaarisaa.
14 Yr wyt hefyd i ddarparu bob bore fwydoffrwm yn pwyso chweched ran o effa, gyda thraean hin o olew i fwydo'r blawd; y mae cyflwyno bwydoffrwm i'r ARGLWYDD yn ddeddf dragwyddol.
14Oo kaas waa inaad subax kasta u diyaarisaa qurbaan hadhuudh ah eefaah lix meelood loo dhigay meesheed iyo hiin saliid ah oo saddex meelood loo dhigay meeshiis in burka wanaagsan lagu daro, oo kaasu waa qurbaan hadhuudh oo had iyo goorba joogta ah oo amar daa'imis ah Rabbiga u ah.
15 Felly darpara'r oen, y bwydoffrwm a'r olew bob bore yn boethoffrwm cyson.
15Oo sidaas subax kasta waa in qurbaan la gubo oo had iyo goor joogta ah loo diyaariyaa wanka, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo saliiddaba.
16 "'Fel hyn y dywed yr Arglwydd DDUW: Os bydd y tywysog yn rhoi rhodd o'i etifeddiaeth i un o'i feibion, fe � hefyd i'w ddisgynyddion; bydd yn eiddo iddynt hwy trwy etifeddiaeth.
16Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirku hadduu wiilashiisa midkood hadiyad siiyo, taasu waa dhaxalkiisa, oo wiilashiisaa lahaan doona, oo waa hantidooda ay dhaxal ahaan u leeyihiin.
17 Ond os bydd y tywysog yn rhoi rhodd o'i etifeddiaeth i un o'i weision, bydd yn eiddo i'r gwas hyd flwyddyn ei ryddhau, ac yna bydd yn dychwelyd i'r tywysog; ei feibion yn unig a gaiff gadw ei etifeddiaeth.
17Laakiinse hadduu dhaxalkiisa hadiyad ka siiyo addoommadiisa midkood, wuxuu iska yeelan doonaa ilaa sannadda xorriyadda oo dabadeedna waxay u noqon doontaa amiirkii, laakiinse dhaxalkiisa waxaa iska lahaan doona wiilashiisa oo qudha.
18 Nid yw'r tywysog i gymryd o etifeddiaeth y bobl, a'u troi allan o'u tir; o'i eiddo ei hun y rhydd etifeddiaeth i'w feibion, fel na fydd yr un o'm pobl yn cael ei wahanu oddi wrth ei etifeddiaeth.'"
18Oo weliba amiirku waa inuusan dadka dhaxalkooda wax uga qaadan si uu iyaga hantidooda uga bixiyo, laakiinse amiirkii waa inuu hantidiisa wiilashiisa ka dhaxalsiiyaa, si aan dadkaygu nin kastaba hantidiisa uga firdhin.
19 Yna aeth y dyn � mi trwy'r mynediad wrth ochr y porth i'r ystafelloedd cysegredig a wynebai tua'r gogledd, ac a berthynai i'r offeiriaid; a gwelais yno le yn y pen gorllewinol.
19Markaasuu i dhex mariyey iriddii kadinka dhiniciisa ku tiil, oo wuxuu i geeyey qolladihii quduuska ahaa oo wadaaddada oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo bal eeg, meel baa ku tiil dhankooda dambe ee galbeed.
20 Dywedodd wrthyf, "Dyma'r lle y bydd yr offeiriaid yn coginio'r offrwm dros gamwedd a'r aberth dros bechod, ac yn pobi'r bwydoffrwm, rhag iddynt ddod � hwy i'r cyntedd nesaf allan a throsglwyddo i'r bobl yr hyn sydd sanctaidd."
20Oo wuxuu igu yidhi, Tanu waa meesha ay wadaaddadu qurbaanka xadgudubka iyo qurbaanka dembiga ku karin doonaan, oo ay qurbaanka hadhuudhka ku dubi doonaan, si ayan barxadda dibadda ugu bixin oo ayan dadka quduus uga dhigin.
21 Yna aeth � mi i'r cyntedd nesaf allan a'm harwain i bedair cornel y cyntedd, a gwelais gyntedd ymhob un o'r pedair cornel.
21Oo haddana wuxuu ii soo bixiyey barxaddii dibadda, oo wuxuu ka dhigay inaan barxadda afarteedii rukun ku soo wareego, oo bal eeg, barxadda rukunkeed kastaba barxad baa ku tiil.
22 Ym mhedair cornel y cyntedd nesaf allan yr oedd cynteddoedd bychain, deugain cufydd o hyd a deg cufydd ar hugain o led; yr oedd pob un o'r cynteddoedd yn y pedair cornel yr un maint.
22Oo barxadda afarteeda rukunba waxaa ku yiil barxado kala xeraysan oo dhererkoodu afartan dhudhun yahay oo ballaadhkooduna soddon dhudhun yahay, oo afartaas barxadood ee rukummada ku tiil isku qiyaas bay ahaayeen.
23 Y tu mewn i'r pedwar cyntedd yr oedd rhes o feini oddi amgylch, ac aelwydydd wedi eu gwneud yn agos at y meini o amgylch.
23Oo hareerahooda oo dhanna waxaa laga dhisay meel safan oo afartoodaba way ku wareegsanaayeen, oo safafka ku wareegsanna waxaa laga hoos sameeyey meelo wax lagu kariyo.Markaasuu igu yidhi, Kuwanu waa meelaha wax lagu kariyo, oo ay midiidinnada daartu allabariga dadka ku karin doonaan.
24 A dywedodd wrthyf, "Dyma'r ceginau lle bydd y rhai sy'n gwasanaethu yn y deml yn coginio aberthau'r bobl."
24Markaasuu igu yidhi, Kuwanu waa meelaha wax lagu kariyo, oo ay midiidinnada daartu allabariga dadka ku karin doonaan.