1 Daeth gair yr ARGLWYDD ataf a dweud,
1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid, isagoo leh,
2 "Fab dyn, tro dy wyneb at fynyddoedd Israel, a phroffwyda wrthynt,
2Wiilka Aadamow, wejigaaga buuraha dalka reer binu Israa'iil u jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg.
3 a dweud, 'Fynyddoedd Israel, gwrandewch air yr Arglwydd DDUW. Fel hyn y dywed yr Arglwydd DDUW wrth y mynyddoedd a'r bryniau, wrth y nentydd a'r dyffrynnoedd: Yr wyf fi'n dod yn eich erbyn �'r cleddyf, a dinistriaf eich uchelfeydd.
3Oo waxaad tidhaahdaa, Buuraha reer binu Israa'iilow, bal Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku leeyahay buuraha, iyo kuraha, iyo webiyada, iyo dooxooyinkaba, Bal ogaada, aniga qudhaydu seef baan idinku soo dayn doonaa, oo waxaan wada baabbi'in doonaa meelihiinna sarsare.
4 Anrheithir eich allorau a dryllir eich allorau arogldarth, a thaflaf eich clwyfedigion o flaen eich eilunod.
4Meelihiinna allabariguna cidla bay wada noqon doonaan, oo sanamyadiinna qorraxdana waa la wada burburin doonaa, oo raggiinna la laayayna sanamyadiinna waan ku soo hor tuuri doonaa.
5 Bwriaf gyrff pobl Israel o flaen eu heilunod, a gwasgaraf eich esgyrn o amgylch eich allorau.
5Oo meydadka reer binu Israa'iil waxaan hor dhigi doonaa sanamyadooda, oo lafihiinnana waxaan ku kala firdhin doonaa meelihiinna allabariga hareerahooda.
6 Lle bynnag y byddwch yn byw, fe anrheithir y dinasoedd ac fe fwrir i lawr yr uchelfeydd, fel bod eich allorau wedi eu hanrheithio a'u dinistrio, eich eilunod wedi eu dryllio a'u malurio, eich allorau arogldarth wedi eu chwalu a'ch gwaith wedi ei ddileu.
6Oo meel alla meeshaad deggan tihiinba magaalooyinka waa laga dumin doonaa, oo meelaha sarsarena cidla bay wada noqon doonaan, si ay meelihiinna allabarigu u burburaan oo ay cidla u noqdaan, oo ay sanamyadiinnuna jajabaan oo ay u wada dhammaadaan, oo sanamyadiinna qorraxdana loo wada jaro, oo shuqulladiinnana loo wada tirtiro.
7 Bydd clwyfedigion yn syrthio yn eich mysg, a chewch wybod mai myfi yw'r ARGLWYDD.
7Oo kuwa la laayayna dhexdiinnay ku soo daadan doonaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
8 "'Ond gadawaf weddill; oherwydd bydd rhai ohonoch yn dianc rhag y cleddyf ymysg y cenhedloedd, pan wasgerir chwi trwy'r gwledydd.
8Laakiinse qaar baan reebi doonaa, si aad wuxoogaa seefta kaga baxsaday quruumaha dhexdooda u lahaataan, markaad waddammada ku kala dhex firdhi doontaan.
9 Ymysg y cenhedloedd lle caethgludwyd hwy, bydd y rhai a ddihangodd yn fy nghofio � fel y drylliwyd fi gan eu calonnau godinebus pan oeddent yn troi oddi wrthyf, a chan eu llygaid pan oeddent yn godinebu gydag eilunod; yna byddant yn eu cas�u eu hunain am y drygioni a wnaethant ac am eu holl ffieidd-dra.
9Oo kuwii idinka baxsadaa waxay igu xusuusan doonaan quruumaha dhexdooda halkaasoo loo kaxaysan doono iyagoo maxaabiis ah, waayo, anigu waxaan ku calool xumaaday qalbigoodii dhilloobay oo iga tegey, iyo indhahoodii sanamyadooda dhillanimada la daba galay, oo iyaga qudhoodu waxay isku nici doonaan xumaatooyinkii ay ku dhex sameeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo dhan.
10 A ch�nt wybod mai myfi yw'r ARGLWYDD; nid yn ofer y dywedais y byddwn yn gwneud y drwg hwn iddynt.
10Oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay iyo inaanan waxtarla'aan u odhan, Belaayadaas ayaan iyaga ku samayn doonaa.
11 "'Fel hyn y dywed yr Arglwydd DDUW: Cura dy ddwylo a chura �'th draed, a dywed "Och!" o achos holl ffieidd-dra drygionus tu375? Israel, oherwydd fe syrthiant trwy gleddyf a newyn a haint.
11Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sacabbada isku dhufo oo cagta dhulka ku dhufo, oo Hoogay! u dheh waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan ee ay reer binu Israa'iil sameeyeen aawadood, waayo, waxay ku baabbi'i doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo.
12 Bydd yr un sydd ymhell yn marw o haint, yr un agos yn syrthio trwy'r cleddyf, a'r un a adawyd ac a arbedwyd yn marw o newyn; ac yna fe gyflawnaf fy llid yn eu herbyn.
12Kii meel fog joogaa belaayo buu u dhiman doonaa, oo kii meel dhow joogaana seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada la weeraraya weli ku hadhaana abaar buu ku dhiman doonaa, oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammaystiri doonaa.
13 A chewch wybod mai myfi yw'r ARGLWYDD, pan fydd eu clwyfedigion ymysg eu heilunod o amgylch eu hallorau ar bob bryn uchel, ar holl bennau'r mynyddoedd, dan bob pren gwyrddlas a than bob derwen ddeiliog lle buont yn offrymu arogl peraidd i'w holl eilunod.
13Oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii raggooda la laayay ay ku ag daadsanaadaan sanamyadooda ku hareeraysan meelahooda allabariga, oo kor saaran kur kasta oo dheer, iyo buuraha dhaladooda oo dhan, iyo geed kasta oo cagaar ah hoostiisa, iyo geed kasta oo alloon la yidhaahdo oo weyn, kuwaasoo ah meelaha ay carafta udgoon ugu bixiyeen sanamyadooda oo dhan.Anigu gacantayda ayaan iyaga ku fidin doonaa, oo dalkana meel cidla ah ayaan ka dhigi doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa meel ka sii daran cidlada ku taal xagga Dibla meelaha ay deggan yihiin oo dhan, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
14 Byddaf yn estyn fy llaw yn eu herbyn, a gwnaf y tir yn anrhaith diffaith o'r anialwch hyd Dibla, lle bynnag y maent yn byw; a ch�nt wybod mai myfi yw'r ARGLWYDD.'"
14Anigu gacantayda ayaan iyaga ku fidin doonaa, oo dalkana meel cidla ah ayaan ka dhigi doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa meel ka sii daran cidlada ku taal xagga Dibla meelaha ay deggan yihiin oo dhan, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.