1 Gwae'r rhai a wn�nt ddeddfau anghyfiawn a deddfu gormes yn ddi-baid;
1Hoog waxaa leh kuwa amarro aan xaq ahayn soo saara, iyo kuwa wax qalloocan qora,
2 i droi'r tlodion oddi wrth farn, ac amddifadu'r anghenus o blith fy mhobl o'u hawliau; i wneud gweddwon yn ysbail iddynt a'r rhai amddifad yn anrhaith.
2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.
3 Beth a wnewch yn nydd y dial, yn y dinistr a ddaw o bell? At bwy y ffowch am help? Ple y gadewch eich cyfoeth,
3Oo bal maxaad samayn doontaan maalinta ciqaabta, iyo wakhtiga baabbi'intu meesha fog ka iman doonto? Bal yaad u magan geli doontaan? Sharaftiinnana xaggee baad kaga tegi doontaan?
4 i osgoi crymu ymhlith y carcharorion a syrthio ymhlith y lladdedigion? Er hynny, ni throdd ei lid ef, ac y mae'n dal i estyn allan ei law.
4Waxay ku dhex foororsan doonaan maxaabiista, oo waxay ku dhex dhici doonaan kuwa la layn doono. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
5 "Gwae Asyria, gwialen fy llid; hi yw ffon fy nigofaint.
5Hoog waxaa leh ka reer Ashuur oo ah ushii cadhadayda iyo hangoolka dhirifkaygu gacanta ugu jiro.
6 Anfonaf hi yn erbyn cenedl annuwiol, a rhof orchymyn iddi yn erbyn pobl fy nicter, i gymryd ysbail ac i anrheithio, a'u mathru dan draed fel baw'r heolydd.
6Isagaan u diri doonaa inuu quruun cibaadalaawayaal ah ku kaco, oo waxaan ku amri doonaa amar ka gees ah dadka aan u cadhooday, inuu maalkooda dhaco, oo uu maxaabiis kexeeyo, oo uu iyaga ugu tunto sida dhoobada jidadka dhex taal.
7 Ond nid yw hi'n amcanu fel hyn, ac nid yw'n bwriadu felly; canys y mae ei bryd ar ddifetha a thorri ymaith genhedloedd lawer.
7Habase ahaatee isagu saas kuma talo jiro, oo qalbigiisuna saas kuma fikiro, laakiinse waxaa qalbigiisa ku jira inuu baabbi'iyo oo jaro quruumo aan yarayn.
8 Fe ddywed, 'Onid yw fy swyddogion i gyd yn frenhinoedd?
8Waayo, isagu wuxuu leeyahay, Amiirradaydu dhammaantood sow boqorro ma aha?
9 Onid yw Calno fel Carchemis, a Hamath fel Arpad, a Samaria fel Damascus?'
9Kalnoo sow ma aha sida Karkemiish? Xamadna sow ma aha sida Arfaad? Samaariyana sow ma aha sida Dimishaq oo kale?
10 Fel yr estynnais fy llaw hyd at deyrnasoedd eilunod, a oedd �'u delwau'n amlach na rhai Jerwsalem a Samaria,
10Sidii ay gacantaydu u gaadhay boqortooyooyinkii sanamyada, oo ay taswiirahoodii la xardhay ka sii badnayeen kuwa Yeruusaalem iyo Samaariya,
11 ac fel y gwneuthum i Samaria ac i'w delwau hi, oni wnaf felly hefyd i Jerwsalem a'i heilunod?"
11iyo sidii aan Samaariya iyo sanamyadeedii ku sameeyey oo kale, miyaanan Yeruusaalem iyo sanamyadeedaba ku samayn doonin?
12 Pan orffen yr ARGLWYDD ei holl waith ar Fynydd Seion a Jerwsalem, fe gosba ymffrost trahaus brenin Asyria a hunanhyder ei ysbryd am iddo ddweud,
12Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba.
13 "Yn fy nerth fy hun y gwneuthum hyn, a thrwy fy noethineb, pan oeddwn yn cynllunio. Symudais ffiniau cenhedloedd, ysbeiliais eu trysorau; fel tarw bwriais i lawr y trigolion.
13Waayo, isagu wuxuu yidhi, Tan waxaan ku sameeyey xoogga gacantayda iyo xigmaddayda, maxaa yeelay, miyir baan leeyahay, oo waxaan durkiyey dadyowga soohdintooda, khasnadahoodiina waan dhacay, oo sidii nin geesi ah oo kale ayaan kuwii carshiyada ku fadhiyey u soo dejiyey.
14 Cefais hyd i gyfoeth y bobl fel nyth; ac fel y bydd dyn yn casglu wyau wedi eu gadael, felly y cesglais innau bob gwlad ynghyd; nid oedd adain yn symud na phig yn agor i glochdar."
14Oo gacantayduna waxay maalkii dadka u heshay sidii buul shimbireed oo kale, oo sida loo soo ururiyo ukumo laga tegey ayaan u soo ururiyey dhulka oo dhan, oo lamana arag mid baal dhaqaajiyey, ama afka kala qaaday, amase ciyey.
15 A ymffrostia'r fwyell yn erbyn y cymynwr? A ymfawryga'r llif yn erbyn yr hwn a'i tyn? Fel pe bai gwialen yn ysgwyd yr un sy'n ei chwifio, neu ffon yn trin un nad yw'n bren!
15Miyuu faasku ka faanaa kan isaga wax ku gooya? Minshaartuna miyey iska sii weynaysaa kan iyada ku shaqeeya? Waa sida haddii ulu iska gilgisho kuwa iyada kor u qaada, amase sida hangool kor u qaada kan aan qori ahayn?
16 Am hynny bydd yr Arglwydd, ARGLWYDD y Lluoedd, yn anfon clefyd i nychu ei ryfelwyr praff, a than ei ogoniant fe gyfyd twymyn fel llosgiad t�n.
16Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Sayidka ciidammadu wuxuu kuwiisa cayilay ku soo diri doonaa macaluul, oo sharaftiisa meesheedana waxaa lagu shidi doonaa olol ah sida olol dabeed.
17 Bydd Goleuni Israel yn d�n a'i Un Sanctaidd yn fflam; fe lysg ac fe ysa ei ddrain a'i fieri mewn un dydd.
17Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba,
18 Fe ddifoda ogoniant ei goedwig a'i ddoldir, fel claf yn nychu, yn enaid a chorff.
18oo wuxuu dhammayn doonaa ammaanta duuddiisa iyo beertiisa midhaha badanba, iyo naf iyo jidhba, oo waxay noqon doontaa sidii markii calanqaade taag darnaado.
19 A bydd gweddill prennau ei goedwig mor brin nes y bydd plentyn yn gallu eu cyfrif.
19Oo geedaha duuddiisa ku hadhayna waxay noqon doonaan in yar oo ilma yaru tiradooda qori karo.
20 Yn y dydd hwnnw ni fydd gweddill Israel, a'r rhai a ddihangodd yn nhu375? Jacob, yn pwyso bellach ar yr un a'u trawodd; ond pwysant yn llwyr ar yr ARGLWYDD, Sanct Israel.
20Oo waxay maalintaas noqon doontaa in kuwa dadka Israa'iil ka hadhay iyo intii dadka Yacquub ka baxsatayba ayan mar dambe ku tiirsan kii iyaga wax ku dhuftay, laakiinse waxay si run ah ugu tiirsan doonaan Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo dadka Israa'iil.
21 Bydd gweddill yn dychwel, gweddill Jacob, at Dduw sydd yn gadarn.
21Qaar hadhay baa soo noqon doona, xataa qaar hadhay oo dadka Yacquub waxay u soo noqon doonaan Ilaaha xoogga badan.
22 Canys, er i'th bobl Israel fod fel tywod y m�r, gweddill yn unig fydd yn dychwel. Cyhoeddwyd dinistr, yn gorlifo mewn cyfiawnder.
22Israa'iilow, in kastoo dadkaagu u badan yahay sida cammuudda badda, qaar yar oo qudha ayaa soo noqon doona, oo baabba' la soo amray ayaa caddaalad la qarqi doona.
23 Canys bydd yr Arglwydd, ARGLWYDD y Lluoedd, yn gwneud dinistr terfynol yng nghanol yr holl ddaear.
23Waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu baabbi'id la amray ku samayn doonaa dhulka dhexdiisa oo dhan.
24 Am hynny, fel hyn y dywed yr Arglwydd, ARGLWYDD y Lluoedd: "Fy mhobl, sy'n preswylio yn Seion, paid ag ofni rhag yr Asyriaid, er iddynt dy guro � gwialen, a chodi eu ffon yn dy erbyn fel y gwnaeth yr Eifftiaid.
24Haddaba sidaa daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkayga Siyoon degganow, kan reer Ashuur ha ka baqin. Ushiisuu kugu dhufan doonaa, oo hangoolkiisuu kuu qaadan doonaa sida Masriyiintu sameeyeen oo kale,
25 Canys ymhen ychydig bach fe dderfydd fy llid, a bydd fy nigofaint yn troi i'w difetha hwy.
25laakiin, weli wakhti yar baa hadhay, dabadeedna dhirifkaygu wuu idlaan doonaa, oo cadhadayduna way ku dhammaan doontaa baabba'ooda.
26 A bydd ARGLWYDD y Lluoedd yn ysgwyd chwip yn eu herbyn, fel y gwnaeth yn lladdfa Midian wrth garreg Oreb, ac yn codi ei wialen dros y m�r fel y cododd hi dros yr Aifft."
26Oo Rabbiga ciidammaduna wuxuu iyaga ku ciqaabi doonaa karbaash u gala sida layntii reer Midyaan oo ka dhacday dhagixii weynaa ee Xoreeb agtiisa, oo sida ushiisu u kor ahayd badda ayuu kor ugu qaadi doonaa sidii Masar loogu qaaday oo kale.
27 Yn y dydd hwnnw symudir ei faich oddi ar dy ysgwydd, a dryllio'i iau oddi ar dy war. Esgynnodd o Rimmon,
27Oo maalintaas rarkiisa ayaa garbahaaga laga qaadi doonaa, oo harqoodkiisana surkaagaa laga dejin doonaa, oo harqoodkuna wuxuu u baabbi'i doonaa saliidda aawadeed.
28 daeth at Aiath, tramwyodd drwy Migron, rhoddodd ei gelfi i'w cadw yn Michmas;
28Cayaad buu yimid, oo Migroon buu dhex maray, oo wuxuu alaabtiisii dhigtay Mikmaash.
29 aethant dros Maabara ac aros dros nos yn Geba. Dychrynodd Rama, arswydodd Gibea Saul.
29Way gudbeen meeshii laga gudbi jiray, oo waxay ku dhaxeen Gebac. Raamaah way gariirtay, Gibecaahdii Saa'uulna way carartay.
30 Bloeddia'n groch, Bath�galim; gwrando arni, Lais; ateb hi, Anathoth.
30Magaalada Galliimay, codkaaga kor u qaad! Layishay, maqal! Adaa hoogay, Canaatooday!
31 Y mae Madmena ar ffo, a phobl Gebim yn chwilio am nodded.
31Madmeenaah way carartay, oo dadkii Gebiim degganaana waxay isu soo urursadeen inay baxsadaan.
32 Heddiw y mae'n sefyll yn Nob, ac yn cau ei ddwrn yn erbyn mynydd merch Seion, bryn Jerwsalem.
32Maantadan wuxuu soo joogsan doonaa Nob, oo wuxuu gacantiisa ku ruxayaa buurta magaalada Siyoon oo ah kurta Yeruusaalem.
33 Wele yr Arglwydd, ARGLWYDD y Lluoedd, yn cymynu'r prennau yn frawychus; torrir ymaith y rhai talgryf, a chwympir y rhai uchel.
33Bal eega, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu laamaha u gooyn doonaa si aad loogaga cabsado, oo kuwa waaweynna waa la jari doonaa, oo kuwa dhaadheerna waa la ridi doonaa.Oo jiqda duuddana bir buu ku jari doonaa, oo Lubnaanna waxay ku dhici doontaa mid xoog badan gacantiis.
34 Tyr � bwyell lwyni'r goedwig, a syrth Lebanon a'i choed cadarn.
34Oo jiqda duuddana bir buu ku jari doonaa, oo Lubnaanna waxay ku dhici doontaa mid xoog badan gacantiis.