1 Fel hyn y dywed yr ARGLWYDD: "Dos i waered i du375? brenin Jwda, a llefara yno y gair hwn:
1Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad u dhaadhacdaa guriga boqorka dalka Yahuudah, oo halkaas eraygan kaga hadal,
2 'Clyw air yr ARGLWYDD, frenin Jwda, sy'n eistedd ar orsedd Dafydd, tydi a'th weision a'th bobl sy'n tramwy trwy'r pyrth hyn.
2oo waxaad tidhaahdaa, Boqorka dalka Yahuudah ee carshiga Daa'uud ku fadhiyow, bal erayga Rabbiga maqal, adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga irdahan soo galow, wada maqla.
3 Fel hyn y dywed yr ARGLWYDD: Gwnewch farn a chyfiawnder; achubwch yr ysbeiliedig o afael y gormeswr. Peidiwch � gwneud cam na niwed i'r dieithr, na'r amddifad na'r weddw, na thywallt gwaed dieuog yn y lle hwn.
3Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaalad iyo xaqnimo sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, oo ha dulminina, hana xumaynina, hana wax yeelina qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka toona, oo meeshanna dhiig aan xaq qabin ha ku daadinina.
4 Os yn wir y cyflawnwch y gair hwn, daw trwy byrth y tu375? hwn frenhinoedd yn eistedd ar orsedd Dafydd, yn teithio mewn cerbydau ac yn marchogaeth ar feirch, pob un �'i weision a'i bobl.
4Waayo, sida xaqiiqada ah idinku haddaad waxyaalahan samaysaan, markaas boqorro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha gurigan soo geli doona, iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo addoommadooda iyo dadkooduba.
5 Ond os na wrandewch ar y geiriau hyn, af ar fy llw, medd yr ARGLWYDD, y bydd y tu375? hwn yn anghyfannedd.
5Laakiinse haddaad erayadan maqli weydaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nafsaddaydaan ku dhaartaye guriganu cidluu noqon doonaa.
6 Oherwydd fel hyn y dywed yr ARGLWYDD wrth du375? brenin Jwda: Rwyt i mi fel Gilead, a chopa Lebanon; ond fe'th wnaf yn ddiffeithwch ac yn ddinas anghyfannedd.
6Waayo, Rabbigu wuxuu ku leeyahay reerka boqorka Yahuudah, Adigu waxaad ii tahay sida Gilecaad iyo sida Buur Lubnaan dhaladeeda oo kale, laakiinse sida xaqiiqada ah waxaan kaa dhigi doonaa cidla, iyo sida magaalooyin aan ciduna degganayn oo kale.
7 Neilltuaf ddinistrwyr yn dy erbyn, pob un �'i arfau; fe dorrant dy gedrwydd gorau, a'u bwrw i'r t�n.
7Oo waxaan kuu diyaarin doonaa kuwa ku baabbi'inaya oo midkood kastaaba hubkiisii sito, oo geedahaaga la doortay oo kedarka ah way jari doonaan, oo dab bay ku dhex tuuri doonaan.
8 Bydd cenhedloedd lawer yn mynd heibio i'r ddinas hon, a phob un yn dweud wrth ei gilydd, "Pam y gwnaeth yr ARGLWYDD fel hyn �'r ddinas fawr hon?"
8Oo quruumo badan baa magaaladan soo ag mari doona, oo midkood kastaaba wuxuu deriskiisa ku odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan magaaladan weyn ugu galay?
9 Ac atebant, "Oherwydd iddynt gefnu ar gyfamod yr ARGLWYDD eu Duw, ac addoli duwiau eraill, a'u gwasanaethu."'"
9Oo iyana waxay ugu jawaabi doonaan, Maxaa yeelay, axdigii Rabbiga Ilaahooda ah ayay ka tageen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ilaahyo kale.
10 Peidiwch ag wylo dros y marw, na gofidio amdano; wylwch yn wir dros yr un sy'n mynd ymaith, oherwydd ni ddychwel mwyach, na gweld gwlad ei enedigaeth.
10Kii dhintay ha u ooyina, hana u barooranina, laakiinse waxaad aad ugu ooydaan kii dhoofa, waayo, isagu mar dambe ma soo noqon doono, oo dalkiisii hooyo ee uu ku dhashayna ma uu arki doono.
11 Oherwydd fel hyn y dywed yr ARGLWYDD am Salum, mab Joseia brenin Jwda, a deyrnasodd yn lle Joseia ei dad: "Aeth allan o'r lle hwn, ac ni ddychwel yma eto;
11Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay Shalluum ina Yoosiyaah oo ahaa boqorkii Yahuudah, kaasoo boqor ka noqday meeshii aabbihiis Yoosiyaah, oo meeshan ka baxay, Isagu mar dambe halkan kuma soo noqon doono,
12 bydd farw yn y lle y caethgludwyd ef iddo, ac ni w�l y wlad hon eto."
12laakiinse wuxuu ku dhiman doonaa meeshii ay isaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen, oo dalkan mar dambe ma uu arki doono.
13 Gwae'r sawl a adeilada'i du375? heb gyfiawnder, a'i lofftydd heb farn, gan fynnu gwasanaeth ei gymydog yn rhad, heb roi iddo ddim am ei waith.
13Waxaa iska hoogay ninka gurigiisa xaqdarro ku dhistaa, oo qolalkiisana caddaaladdarro ku dhista, oo intuu deriskiisa adeegsado aan mushahaaro siin, oo aan shuqulkiisii waxba u siin,
14 Gwae'r sawl a ddywed, "Adeiladaf i mi fy hun du375? eang ac iddo lofftydd helaeth." Gwna iddo ffenestri, a phaneli o gedrwydd, a'i liwio � fermiliwn.
14oo yidhaahda, Anigu waxaan dhisan doonaa guri ballaadhan iyo qolal waaweyn, oo daaqado samaysta, oo saqafkiisa hoose ka dhiga qoryo kedar ah, oo rinji cas mariya.
15 A wyt yn d'ystyried dy hun yn frenin oherwydd i ti gystadlu mewn cedrwydd? Oni fwytaodd dy dad, ac yfed, gan wneud cyfiawnder a barn, ac yna bu'n dda arno?
15Ma waxaad u malaynaysaa inaad boqor tahay qoryo kedar ah oo aad ku loollamaysid aawadood? Aabbahaa isagoo wax cunaya oo wax cabbaya miyuusan caddaalad iyo xaqnimo samayn jirin? Oo markaas isagu sow ma nabdoonayn?
16 Barnodd ef achos y tlawd a'r anghenus, ac yna bu'n dda arno. "Onid hyn yw f'adnabod i?" medd yr ARGLWYDD.
16Isagu miskiinka iyo saboolka baahan buu u garsoori jiray, oo markaasuu nabdoonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, In lay aqoonsado sow taasu ma aha?
17 Nid yw dy lygad na'th galon ond ar dy enillion anghyfiawn, i dywallt gwaed dieuog ac i dreisio a gwneud cam.
17Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan.
18 Am hynny, fel hyn y dywed yr ARGLWYDD am Jehoiacim fab Joseia, brenin Jwda: "Ni alarant amdano, a dweud, 'O fy mrawd! O fy ngh�r!' Ni alarant amdano, a dweud, 'O Arglwydd! O Fawrhydi!'
18Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, Isaga looma barooran doono, iyagoo leh, Hoogay walaalkayow, amase Hoogay walaashayay! Oo isaga looma barooran doono iyagoo leh, Hoogay sayidow, amase Hoogay isagu sharaf badnaaye!
19 Fel claddu asyn y cleddir ef � ei lusgo a'i daflu y tu hwnt i byrth Jerwsalem."
19Isaga waxaa loo xabaali doonaa sida dameer loo xabaalo oo kale, oo inta la jiido ayaa irdaha Yeruusaalem dibadda looga bixin doonaa.
20 Dring i Lebanon, a gwaedda; yn Basan cod dy lef; bloeddia o Abarim, "Dinistriwyd pawb sy'n dy garu."
20Lubnaan u kac oo halkaas ka qayli, oo Baashaan codkaaga kor ugu qaad, oo Cabaariim ka qayli, waayo, kuwii ku jeclaa oo dhan waa la wada baabbi'iyey.
21 Lleferais wrthyt yn dy wynfyd; dywedaist, "Ni wrandawaf." Dyma dy ffordd o'th ieuenctid, ac ni wrandewaist arnaf.
21Markaad barwaaqaysnayd waan kula hadlay, laakiinse waxaad tidhi, Innaba ku maqli maayo. Oo tan iyo yaraantaadiina sidaasaad ahayd, oo codkaygana ma aadan addeecin.
22 Bugeilia'r gwynt dy holl fugeiliaid, ac i gaethiwed yr � dy geraint; yna fe'th gywilyddir a'th waradwyddo am dy holl ddrygioni.
22Dabaysha ayaa wada qaadi doonta daajiyayaashaada oo dhan, oo kuwa ku jecelna maxaabiis ahaan baa loo wada kaxaysan doonaa. Sida xaqiiqada ah markaas waad ceeboobi doontaa oo waxaad ku sharaf jabi doontaa sharnimadaadii aawadeed oo dhan.
23 Ti, sy'n trigo yn Lebanon, ac a fagwyd rhwng y cedrwydd, O fel y llefi pan ddaw arnat wewyr, pangfeydd fel gwraig yn esgor!
23Kuwiinna Lubnaan deggan oo geedaha kedarka ah buulka ka samaystow, aad baad ugu taahi doontaan markii xanuun idin qabto sida naag foolanaysa oo kale!
24 "Cyn wired �'m bod yn fyw," medd yr ARGLWYDD, "pe byddai Coneia, mab Jehoiacim brenin Jwda, yn fodrwy ar fy llaw dde, fe'th dynnwn di oddi yno,
24Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, xataa haddii Konyaah ina Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu ahaan lahaa katuunka gacantayda midig, xataa markaas waan kaa rujin lahaa meeshan.
25 a'th roi yng ngafael y rhai sy'n ceisio dy einioes, ac yng ngafael y rhai yr wyt yn ofni rhagddynt, sef yng ngafael Nebuchadnesar brenin Babilon, ac yn llaw y Caldeaid.
25Oo waxaan kuu gelin doonaa gacanta kuwa naftaada doondoonaya, iyo gacanta kuwa aad ka baqaysid, oo ah Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ah, iyo reer Kaldayiin.
26 Fe'th fwriaf di, a'th fam a'th esgorodd, i wlad ddieithr lle ni'ch ganwyd, ac yno byddwch farw.
26Oo adiga iyo hooyadaadii ku dhashayba waxaan ku dhex xoori doonaa dal aydaan ku dhalan, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.
27 Ni ddychwelant i'r wlad yr hiraethant am ddychwelyd iddi."
27Laakiinse dalka ay u xiisoonayaan inay ku noqdaan, halkaas innaba kuma ay soo noqon doonaan.
28 Ai llestr dirmygus, drylliedig yw'r dyn hwn, Coneia, teclyn heb ddim hoffus ynddo? Pam y bwriwyd hwy ymaith, ef a'i had, a'u taflu i wlad nad adwaenant?
28Ninkan Konyaah ahu ma dheri jabay oo la nacay baa? Ma weel aan la doonayn baa? Bal maxaa isaga iyo farcankiisiiba loo tuuray, oo maxaa loogu dhex xooray dal ayan innaba aqoonin?
29 Wlad! Wlad! Wlad! Clyw air yr ARGLWYDD.
29Dhulkow, dhulkow, dhulkow, bal erayga Rabbiga maqal.Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad ninkan ku qortaan sidii madhalays oo kale iyo nin aan cimrigiis liibaanayn, waayo, isaga farcankiisa ninna ka liibaani maayo inuu carshigii Daa'uud ku dul fadhiisto, oo uu dalka Yahuudah mar dambe ka dhex taliyo.
30 Fel hyn y dywed yr ARGLWYDD: "Cofrestrwch y gu373?r hwn yn ddi-blant, gu373?r na lwydda ar hyd ei oes; canys ni lwydda neb o'i had ef i eistedd ar orsedd Dafydd, na llywodraethu eto yn Jwda."
30Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad ninkan ku qortaan sidii madhalays oo kale iyo nin aan cimrigiis liibaanayn, waayo, isaga farcankiisa ninna ka liibaani maayo inuu carshigii Daa'uud ku dul fadhiisto, oo uu dalka Yahuudah mar dambe ka dhex taliyo.