1 Dangosodd yr ARGLWYDD i mi, ac yno yr oedd dau gawell o ffigys wedi eu gosod o flaen teml yr ARGLWYDD. Yr oedd hyn ar �l i Nebuchadnesar brenin Babilon gaethgludo Jechoneia, mab Jehoiacim brenin Jwda, a thywysogion Jwda, a'r crefftwyr a'r gofaint o Jerwsalem, a'u dwyn i Fabilon.
1Markii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu maxaabiis ahaan u kaxaystay Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo amiirradii dadka Yahuudah, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba oo uu ka kaxaystay Yeruusaalem oo Baabuloon geeyey dabadeed Rabbigu wax buu i tusay, oo waxaan arkay laba dambiilood oo berde ah oo macbudka Rabbiga hor yaal.
2 Yn un cawell yr oedd ffigys da iawn, fel ffigys blaenffrwyth, ac yn yr ail gawell ffigys drwg iawn, na ellid eu bwyta gan mor ddrwg oeddent.
2Oo dambiilaha midkood waxaa ku jiray berde aad u wanaagsan, oo la moodo sidii midho berde oo hore u bislaaday, oo dambiisha kalena waxaa ku jiray midho berde oo aad u xun, oo xumaantooda aawadeedna aan innaba la cuni karin.
3 Dywedodd yr ARGLWYDD wrthyf, "Beth a weli di, Jeremeia?" A dywedais, "Ffigys; y ffigys da yn dda iawn, a'r rhai drwg yn ddrwg iawn, na ellid eu bwyta gan mor ddrwg oeddent."
3Markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Yeremyaahow, maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa midho berde. Midhaha berde oo wanaagsan aad bay u wanaagsan yihiin, kuwa xumuna aad bay u xun yihiin, oo xumaantooda aawadeed innaba lama cuni karo.
4 Daeth gair yr ARGLWYDD ataf:
4Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,
5 "Fel hyn y dywed yr ARGLWYDD, Duw Israel: 'Fel y ffigys da hyn yr ystyriaf y rhai a gaethgludwyd o Jwda, ac a yrrais o'r lle hwn er eu lles i wlad y Caldeaid.
5Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sida midhahaas berde oo wanaagsan ayaan wanaag aawadiis u aqoonsan doonaa maxaabiista dadka Yahuudah oo aan meeshan ka diray, oo aan dalka reer Kaldayiin u geeyey.
6 Cadwaf fy ngolwg arnynt er daioni, a dygaf hwy'n �l i'r wlad hon, a'u hadeiladu, ac nid eu tynnu i lawr; eu plannu ac nid eu diwreiddio.
6Waayo, waxaan indhahayga iyaga ugu hayn doonaa wanaag aawadiis, oo dalkan baan ku soo celin doonaa, waanan dhisi doonaa, oo innaba ma aan dumin doono, waanan beeri doonaa, oo innaba ma aan rujin doono.
7 Rhof iddynt galon i'm hadnabod, mai myfi yw'r ARGLWYDD; a byddant yn bobl i mi, a minnau'n Dduw iddynt hwy. Byddant yn troi ataf fi �'u holl galon.'
7Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi ay igu gartaan, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo waxay noqon doonaan dadkaygii, anna waxaan noqon doonaa Ilaahoodii, waayo, qalbigooda oo dhan way iigu soo noqon doonaan.
8 "Fel hyn y dywed yr ARGLWYDD: 'Fel y ffigys drwg, na ellid eu bwyta gan mor ddrwg oeddent, yr ystyriaf Sedeceia brenin Jwda, a'i dywysogion, a gweddill Jerwsalem a adewir yn y wlad hon, a'r rhai sy'n trigo yng ngwlad yr Aifft.
8Rabbigu wuxuu leeyahay, Midhaha berde oo xun oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin, hubaal sidaas oo kalaan u xoori doonaa Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisa, iyo kuwa reer Yeruusaalem ah oo dalkan ku dhex hadhay, iyo kuwa dalka Masar degganba.
9 Gwnaf hwy'n arswyd, yn gywilydd i holl deyrnasoedd y ddaear, ac yn ddihareb a gwatwar a melltith, ym mhob man lle'r alltudiaf hwy.
9Oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan hor iyo dib ku dhex rogrogmadaan, oo meelaha aan iyaga u kaxayn doono oo dhanba waxay ku noqon doonaan cay iyo maahmaah iyo halqabsi iyo habaar.Oo waxaan dhexdooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, ilaa ay ka wada baabba'aan dalkii aan siiyey iyaga iyo awowayaashoodba.
10 Gyrraf arnynt gleddyf a newyn a haint, nes eu difodi o'r tir a rois iddynt ac i'w hynafiaid.'"
10Oo waxaan dhexdooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, ilaa ay ka wada baabba'aan dalkii aan siiyey iyaga iyo awowayaashoodba.