Welsh

Somali

Jeremiah

33

1 Daeth gair yr ARGLWYDD yr ail waith at Jeremeia tra oedd yn dal wedi ei gaethiwo yng nghyntedd y gwarchodlu, a dweud,
1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah mar labaad u yimid intuu weli barxaddii xabsiga ku xidhnaa, oo wuxuu ku yidhi,
2 "Fel hyn y dywed yr ARGLWYDD, a wnaeth y ddaear, a'i llunio i'w sefydlu (yr ARGLWYDD yw ei enw):
2Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay,
3 'Galw arnaf, ac atebaf di; mynegaf i ti bethau mawr a dirgel na wyddost amdanynt.'
3I bari, waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan aqoon.
4 Oblegid fel hyn y dywed yr ARGLWYDD, Duw Israel, am dai'r ddinas hon, ac am dai brenhinoedd Jwda, y tai a dynnir i lawr oherwydd y cloddiau gwarchae, ac oherwydd y cleddyf:
4Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay guryaha magaaladan iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah oo loo dumiyey in la sameeyo wax lagaga daafaco tuulmooyinkii dagaalka iyo seefta,
5 'Daw'r Caldeaid i ymladd, a'u llenwi � chelanedd y dynion a drawaf yn fy llid a'm digofaint; cuddiais fy wyneb oddi wrth y ddinas hon oherwydd eu holl ddrygioni.
5Iyagu waxay u imanayaan inay reer Kaldayiin la diriraan, laakiinse waxay meeshan ka buuxin doonaan dad dhintay meydadkood, kuwaasoo aan cadhadayda iyo xanaaqayga ku laayay, oo aan dhammaantood xumaantooda aawadeed magaaladan wejigayga uga qariyey.
6 Dygaf iddi yn awr wellhad a meddyginiaeth; iach�f hwy, a dangos iddynt dymor o heddwch a diogelwch.
6Bal ogaada, anigu waxaan iyada u keeni doonaa caafimaad iyo fayoobi, waanan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u muujin doonaa nabad iyo run badan.
7 Adferaf lwyddiant Jwda a llwyddiant Israel; adeiladaf hwy fel yn y dechreuad.
7Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale.
8 Glanhaf hwy o'r holl ddrygioni a wnaethant yn f'erbyn, a maddeuaf yr holl gamweddau a wnaethant yn f'erbyn.
8Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa.
9 Bydd y ddinas imi'n enw llawen, yn glod a gogoniant i holl genhedloedd y ddaear pan glywant am yr holl ddaioni a wnaf iddi; ac ofnant a chrynant oherwydd yr holl ddaioni a'r holl heddwch a wnaf iddi.'
9Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan.
10 "Fel hyn y dywed yr ARGLWYDD am y lle hwn, y dywedwch amdano ei fod wedi ei ddifodi, heb ddyn nac anifail; ac am ddinasoedd Jwda a heolydd Jerwsalem, sy'n ddiffeithle, heb bobl na phreswylwyr a heb anifail:
10Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa
11 'Clywir eto ynddynt su373?n gorfoledd a llawenydd, sain priodfab a sain priodferch, llais rhai'n dweud, "Molwch ARGLWYDD y Lluoedd, oherwydd da yw'r ARGLWYDD, oherwydd y mae ei gariad hyd byth." A dygant offrwm diolch i du375?'r ARGLWYDD; oherwydd adferaf eu llwyddiant yn y wlad fel yn y dechreuad,' medd yr ARGLWYDD.
11codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahad naqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay.
12 "Fel hyn y dywed ARGLWYDD y Lluoedd: 'Bydd eto yn y lle hwn sydd wedi ei ddifrodi, heb ddyn nac anifail, ac yn ei holl ddinasoedd, fannau gorffwys i'r bugeiliaid a chorlannau i'r praidd.
12Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya.
13 Yn ninasoedd y mynydd-dir a dinasoedd y Seffela a dinasoedd y Negef, yn nhiriogaeth Benjamin ac o amgylch Jerwsalem ac yn ninasoedd Jwda, bydd eto braidd yn symud trwy ddwylo'r sawl fydd yn rhifo,' medd yr ARGLWYDD.
13Magaalooyinka buuraha, iyo magaalooyinka dooxada, iyo magaalooyinka koonfureed, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudahba adhyuhu mar kalay hoos mari doonaan kan tirinaya gacmihiisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
14 "Y mae'r dyddiau'n dod," medd yr ARGLWYDD, "y cyflawnaf y gair daionus a addewais i du375? Israel ac i du375? Jwda.
14Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay.
15 Yn y dyddiau hynny, yn yr adeg honno, paraf i flaguryn cyfiawnder flaguro i Ddafydd, ac fe wna ef farn a chyfiawnder yn y wlad.
15Wakhtigaas iyo waagaasba waxaan Daa'uud u soo bixin doonaa biqil xaq ah, oo isna wuxuu dalka ku dhex samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.
16 Yn y dyddiau hynny achubir Jwda, a bydd Jerwsalem yn ddiogel, a dyma'r enw a roddir iddi: 'Yr ARGLWYDD yw ein cyfiawnder.'
16Wakhtigaas dadka Yahuudah waa la badbaadin doonaa, oo Yeruusaalemna ammaan bay ku degganaan doontaa, oo kanuna waa magaca iyada lagu magacaabi doono, Rabbigu waa xaqnimadayadii.
17 "Fel hyn y dywed yr ARGLWYDD: 'Ni fydd Dafydd byth heb u373?r yn eistedd ar orsedd tu375? Israel;
17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Daa'uud marnaba ma waayi doono nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista.
18 ac ni fydd yr offeiriaid o Lefiaid byth heb u373?r yn fy ngu373?ydd yn offrymu poethoffrwm, ac yn offrymu bwydoffrwm, ac yn aberthu.'"
18Oo wadaaddada reer Laawina marnaba ma waayi doonaan nin hortayda jooga inuu qurbaanno la gubo bixiyo, iyo inuu qurbaanno hadhuudh ah gubo, iyo inuu had iyo goorba allabaryo.
19 Daeth gair yr ARGLWYDD at Jeremeia a dweud,
19Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,
20 "Fel hyn y dywed yr ARGLWYDD: 'Os gallwch ddiddymu fy nghyfamod �'r dydd, a'm cyfamod �'r nos, fel na bydd dydd na nos yn eu pryd,
20Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad jebin karaysaan axdigayga habeenka, amase axdigayga maalinta, si habeen iyo maalinu ayan xilligooda u ahaanin,
21 yna gellir diddymu fy nghyfamod �'m gwas Dafydd, fel na bydd iddo fab yn teyrnasu ar ei orsedd, a hefyd fy nghyfamod �'r offeiriaid o Lefiaid sy'n gweinyddu i mi.
21markaas axdigayga aan addoonkayga Daa'uud la dhigtayna waa jabi karayaa si uusan u helin wiil carshigiisa ka dul taliya, iyo kii aan la dhigtay wadaaddada reer Laawi oo midiidinnadayda ah.
22 Fel na ellir cyfrif llu'r nefoedd na mesur tywod y m�r, felly yr amlhaf epil fy ngwas Dafydd, a'r Lefiaid sy'n gweinyddu i mi.'"
22Sida aan ciidammada samada loo tirin karin, amase aan ciidda badda loo qiyaasi karin, ayaan u tarmin doonaa farcanka addoonkayga Daa'uud, iyo reer Laawiga ii adeegaba.
23 Daeth gair yr ARGLWYDD at Jeremeia a dweud,
23Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,
24 "Oni sylwaist beth y mae'r bobl hyn yn ei lefaru, gan ddweud, 'Y mae'r ARGLWYDD wedi gwrthod y ddau dylwyth a ddewisodd'? Felly y dirmygant fy mhobl, ac nid ydynt mwyach yn genedl yn eu gu373?ydd.
24Miyaadan ka fikirayn waxa dadkanu ku hadleen iyagoo leh, Labadii qolo ee uu Rabbigu doortayba wuu xooray? Oo saasay dadkayga u quudhsadaan si ayan iyagu mar dambe hortooda quruun ugu ahaan.
25 Fel hyn y dywed yr ARGLWYDD: 'Pan fydd fy nghyfamod �'r dydd a'r nos yn peidio � sefyll, a threfn y nefoedd a'r ddaear,
25Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadduusan axdigayga habeenka iyo maalintu sii jirin, ama haddaanan waajib ka dhigin qaynuunnada samada iyo dhulkaba,markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.
26 yna gwrthodaf gymryd rhai o had Jacob, a'm gwas Dafydd, i lywodraethu ar had Abraham ac Isaac a Jacob. Adferaf hwy, a byddaf drugarog wrthynt.'"
26markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.