Welsh

Somali

Psalms

103

1 1 I Ddafydd.0 Fy enaid, bendithia'r ARGLWYDD, a'r cyfan sydd ynof ei enw sanctaidd.
1Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo inta igu jirta oo dhammay, ammaana magiciisa quduuska ah.
2 Fy enaid, bendithia'r ARGLWYDD, a phaid ag anghofio'i holl ddoniau:
2Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo ha illoobin wanaagga uu kuu sameeyo oo dhan.
3 ef sy'n maddau fy holl gamweddau, yn iach�u fy holl afiechyd;
3Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan, Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,
4 ef sy'n gwaredu fy mywyd o'r pwll, ac yn fy nghoroni � chariad a thrugaredd;
4Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda, Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya,
5 ef sy'n fy nigoni � daioni dros fy holl ddyddiau i adnewyddu fy ieuenctid fel eryr.
5Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan, Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale.
6 Y mae'r ARGLWYDD yn gweithredu cyfiawnder a barn i'r holl rai gorthrymedig.
6Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo, Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan.
7 Dysgodd ei ffyrdd i Moses, a'i weithredoedd i blant Israel.
7Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii, Reer binu Israa'iilna falimihiisii.
8 Trugarog a graslon yw'r ARGLWYDD, araf i ddigio a llawn ffyddlondeb.
8Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan, Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.
9 Nid yw'n ceryddu'n ddiddiwedd, nac yn meithrin ei ddicter am byth.
9Isagu had iyo goor wax canaanan maayo, Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis.
10 Ni wnaeth � ni yn �l ein pechodau, ac ni thalodd i ni yn �l ein camweddau.
10Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen, Oo inooguma uu abaal marin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.
11 Oherwydd fel y mae'r nefoedd uwchben y ddaear, y mae ei gariad ef dros y rhai sy'n ei ofni;
11Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso, Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.
12 cyn belled ag y mae'r dwyrain o'r gorllewin y pellhaodd ein pechodau oddi wrthym.
12Sida barigu uga fog yahay galbeedka, Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey.
13 Fel y mae tad yn tosturio wrth ei blant, felly y tosturia'r ARGLWYDD wrth y rhai sy'n ei ofni.
13Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.
14 Oherwydd y mae ef yn gwybod ein deunydd, yn cofio mai llwch ydym.
14Waayo, abuuristeenuu og yahay, Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay.
15 Y mae dyddiau dyn fel glaswelltyn; y mae'n blodeuo fel blodeuyn y maes �
15Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale, Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa.
16 pan �'r gwynt drosto fe ddiflanna, ac nid yw ei le'n ei adnabod mwyach.
16Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa, Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.
17 Ond y mae ffyddlondeb yr ARGLWYDD o dragwyddoldeb hyd dragwyddoldeb ar y rhai sy'n ei ofni, a'i gyfiawnder i blant eu plant,
17Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,
18 i'r rhai sy'n cadw ei gyfamod, yn cofio'i orchmynion ac yn ufuddhau.
18Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela.
19 Gosododd yr ARGLWYDD ei orsedd yn y nefoedd, ac y mae ei frenhiniaeth ef yn rheoli pob peth.
19Rabbigu carshigiisii wuxuu ka dhistay samooyinka, Oo boqortooyadiisuna wax walbay u talisaa.
20 Bendithiwch yr ARGLWYDD, ei angylion, y rhai cedyrn sy'n gwneud ei air, ac yn ufuddhau i'w eiriau.
20Malaa'igihiisa xoogga badan oo eraygiisa oofiya Oo codka hadalkiisa maqlow, Rabbiga ammaana.
21 Bendithiwch yr ARGLWYDD, ei holl luoedd, ei weision sy'n gwneud ei ewyllys.
21Rabbiga ammaana, ciidammadiisa oo dhammow, Idinkoo ah midiidinyadiisa wuxuu doonayo sameeyow,Shuqulladiisa oo dhammow, Rabbiga ku ammaana Meel kasta oo dowladnimadiisa ahba, Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
22 Bendithiwch yr ARGLWYDD, ei holl weithredoedd, ym mhob man o dan ei lywodraeth. Fy enaid, bendithia'r ARGLWYDD.
22Shuqulladiisa oo dhammow, Rabbiga ku ammaana Meel kasta oo dowladnimadiisa ahba, Naftaydoy, Rabbiga ammaan.