1 1 Salm. C�n. Ar gyfer y Saboth.0 Da yw moliannu'r ARGLWYDD, a chanu mawl i'th enw di, y Goruchaf,
1Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahad naqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
2 a chyhoeddi dy gariad yn y bore a'th ffyddlondeb bob nos,
2Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo, Habeen kastana aaminnimadaada,
3 gyda'r dectant a'r nabl a chyda chordiau'r delyn.
3Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.
4 Oherwydd yr wyt ti, O ARGLWYDD, wedi fy llawenychu �'th waith; yr wyf yn gorfoleddu yng ngweithgarwch dy ddwylo.
4Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.
5 Mor fawr yw dy weithredoedd, O ARGLWYDD, a dwfn iawn dy feddyliau!
5Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa! Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.
6 Un dwl yw'r sawl sydd heb wybod, a ffu373?l yw'r un sydd heb ddeall hyn:
6Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo.
7 er i'r annuwiol dyfu fel glaswellt ac i'r holl wneuthurwyr drygioni lwyddo, eu bod i'w dinistrio am byth,
7Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
8 ond dy fod ti, ARGLWYDD, yn dragwyddol ddyrchafedig.
8Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.
9 Oherwydd wele, dy elynion, ARGLWYDD, wele, dy elynion a ddifethir, a'r holl wneuthurwyr drygioni a wasgerir.
9Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada, Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane, Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.
10 Codaist i fyny fy nghorn fel corn ych, ac eneiniaist fi ag olew croyw.
10Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.
11 Ymhyfrydodd fy llygaid yng nghwymp fy ngelynion, a'm clustiau wrth glywed am y rhai drygionus a gododd yn f'erbyn.
11Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa, Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.
12 Y mae'r cyfiawn yn blodeuo fel palmwydd, ac yn tyfu fel cedrwydd Lebanon.
12Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed, Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
13 Y maent wedi eu plannu yn nhu375?'r ARGLWYDD, ac yn blodeuo yng nghynteddau ein Duw.
13Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
14 Rh�nt ffrwyth hyd yn oed mewn henaint, a pharh�nt yn wyrdd ac iraidd.
14Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.
15 Cyhoeddant fod yr ARGLWYDD yn uniawn, ac am fy nghraig, nad oes anghyfiawnder ynddo.
15Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.