Welsh

Somali

Zephaniah

2

1 Ymgasglwch a dewch ynghyd, genedl ddigywilydd,
1Isa soo urursada, quruuntan aan xishoodka lahaynay, isa soo urursada,
2 cyn i chwi gael eich gyrru ymaith, a diflannu fel us, cyn i gynddaredd llid yr ARGLWYDD ddod arnoch, cyn i ddydd dicter yr ARGLWYDD ddod arnoch.
2intaan amarku soo bixin, oo aan maalintu u dhaafin sida xaab oo kale, intaan Rabbiga xanaaqiisa kululu idinku soo degin, intaan maalinta cadhada Rabbigu idinku soo degin.
3 Ceisiwch yr ARGLWYDD, holl rai gostyngedig y ddaear sy'n cadw ei ddeddfau; ceisiwch gyfiawnder, ceisiwch ostyngeiddrwydd; efallai y cewch guddfan yn nydd llid yr ARGLWYDD.
3Rabbiga doondoona, dhammaantiin kuwiinna camalka qabow ee dhulkow, oo xukunkiisa yeelayow, xaqnimo doondoona, oo qabownaan doondoona. Waxaa laga yaabaa inaad maalinta cadhada Rabbiga qarsoonaan doontaan.
4 Bydd Gasa yn anghyfannedd ac Ascalon yn ddiffaith; gyrrir allan drigolion Asdod ganol dydd, a diwreiddir Ecron.
4Waayo, Gaasa waa la dayrin doonaa, oo Ashqeloonna waxay noqon doontaa meel cidla ah, oo dadka Ashdoodna waxaa la eryi doonaa hadh cad, Ceqroonna waa la rujin doonaa.
5 Gwae drigolion glan y m�r, cenedl y Cerethiaid! Y mae gair yr ARGLWYDD yn eich erbyn, O Ganaan, gwlad y Philistiaid: "Difethaf chwi heb adael trigiannydd ar �l."
5Waxaa iska hoogay dadka deggan badda xeebteeda, waana quruunta reer Kereetiim! Kancaan oo ah dalka reer Falastiinow, Rabbiga eraygiisu waa kaa gees. Waan ku baabbi'in doonaa si aan qof keliyuhuna kuu sii degganaan.
6 A bydd glan y m�r yn borfa, yn fythod i fugeiliaid ac yn gorlannau i ddefaid.
6Badda xeebteedu waxay noqon doontaa berrimmo daaqsiin ah, oo leh rug adhijirro iyo xeryo adhi.
7 Bydd glan y m�r yn eiddo i weddill tu375? Jwda; yno y porant, a gorwedd fin nos yn nhai Ascalon. Oherwydd bydd yr ARGLWYDD eu Duw yn ymweld � hwy ac yn adfer eu llwyddiant.
7Oo xeebta waxaa yeelan doona kuwa dadka Yahuudah ka hadhay. Iyana adhyahooda ayay halkaas daaqsan doonaan, oo fiidkiina waxay jiifsan doonaan guryihii reer Ashqeloon, waayo, Ilaaha Rabbigooda ah ayaa iyaga soo booqan doona, oo maxaabiistoodiina wuu soo celin doonaa.
8 "Clywais wawd Moab a gwatwaredd yr Ammoniaid, fel y bu iddynt wawdio fy mhobl a bygwth eu terfyn.
8Anigu waan maqlay caydii reer Moo'aab iyo canaantii reer Cammoon oo ay dadkayga ku caayeen, iyo inay iska sii weyneeyeen soohdintooda.
9 Am hynny, cyn wired �'m bod i'n fyw," medd ARGLWYDD y Lluoedd, Duw Israel, "bydd Moab fel Sodom, a'r Ammoniaid fel Gomorra, yn dir danadl, yn bentwr o halen, yn ddiffaith am byth. Bydd y rhai a adawyd o'm pobl yn eu hanrheithio, a gweddill fy nghenedl yn meddiannu eu tir."
9Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay oo sida xaqiiqada ah Moo'aab waxay noqon doontaa sida Sodom oo kale, oo reer Cammoonna waxay noqon doonaan sida Gomora oo kale, oo waxay ahaan doonaan meel maraboob ka baxo, iyo godad cusbo, iyo meel had iyo goor cidla ah. Kuwa dadkayga ka hadhay ayaa dhici doona oo inta quruuntayda ka hadhay ayaa dhaxli doonta.
10 Dyma'r t�l am eu balchder, am iddynt wawdio a bygwth pobl ARGLWYDD y Lluoedd.
10Kibirkoodii aawadiis ayay waxan u heli doonaan, maxaa yeelay, waxay caayeen oo iska weynaysiiyeen dadkii Rabbiga ciidammada.
11 Bydd yr ARGLWYDD yn ofnadwy yn eu herbyn, oherwydd fe ddarostwng holl dduwiau'r ddaear hyd newyn, a bydd holl arfordir y cenhedloedd yn ymostwng iddo, pob un yn ei le ei hun.
11Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.
12 Chwithau hefyd, Ethiopiaid, fe'ch lleddir �'m cleddyf.
12Oo weliba reer Itoobiyow, idinkana waxaa laydinku layn doonaa seeftayda.
13 Ac fe estyn ei law yn erbyn y gogledd, a dinistrio Asyria; fe wna Ninefe'n anialwch, yn sych fel diffeithwch.
13Oo isagu gacantiisuu u fidin doonaa xagga woqooyi, oo dalka Ashuur wuu wada baabbi'in doonaa, oo Ninewehna cidla buu ka dhigi doonaa iyo lamadegaan engegan.
14 Bydd diadelloedd yn gorwedd yn ei chanol, holl anifeiliaid y maes; bydd y pelican ac aderyn y bwn yn nythu yn ei thrawstiau; bydd y dylluan yn llefain yn ei ffenestr, a'r gigfran wrth y rhiniog, am fod y cedrwydd yn noeth.
14Oo waxaa dhexdeeda jiifsan doona xoolo iyo xayawaanka quruumaha oo dhan, oo cantalyaaga iyo caanaqubtuba waxay ku dhex hoyan doonaan tiirarkeeda. Cod baa ka gabyi doona daaqadaheeda, oo waxaa marinnada joogi doona abaar, waayo, isagu wuu soo ban dhigay shuqulkii qoriga kedarka ah laga qabtay.Tanu waa magaaladii faraxa badnayd oo feyigla'aanta ku degganayd, oo qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jirto. Waxay noqotay cidla iyo meel dugaag ku hoydo! Mid kasta oo agteeda soo maraaba wuu ku foodhyi doonaa oo gacanta quudhsasho la ruxi doonaa.
15 Dyma'r ddinas fostfawr oedd yn byw mor ddiofal, ac yn dweud wrthi ei hun, "Myfi, nid oes neb ond myfi." Y fath ddiffeithwch ydyw, lloches i anifeiliaid gwylltion! Bydd pob un a � heibio iddi yn chwibanu ac yn codi dwrn arni.
15Tanu waa magaaladii faraxa badnayd oo feyigla'aanta ku degganayd, oo qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jirto. Waxay noqotay cidla iyo meel dugaag ku hoydo! Mid kasta oo agteeda soo maraaba wuu ku foodhyi doonaa oo gacanta quudhsasho la ruxi doonaa.