1Kaj kunvenis cxiuj Izraelidoj al David en HXebronon, kaj diris:Jen ni estas via osto kaj via karno.
1Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Daa'uud ugu soo shireen Xebroon, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu nahay laftaada iyo jidhkaaga.
2Ankaux hieraux kaj antauxhieraux, kiam Saul estis ankoraux regxo, vi elkondukadis kaj enkondukadis Izraelon; kaj la Eternulo, via Dio, diris al vi:Vi pasxtos Mian popolon Izrael, kaj vi estos estro de Mia popolo Izrael.
2Waagii hore markii Saa'uul boqorka ahaa adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray, oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa dadkayga reer binu Israa'iil.
3Kaj cxiuj plejagxuloj de Izrael venis al la regxo en HXebronon, kaj David faris kun ili interligon en HXebron antaux la Eternulo; kaj ili sanktoleis Davidon regxo super Izrael, konforme al la vorto de la Eternulo per Samuel.
3Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon, oo Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa; oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo uu u soo dhiibay Samuu'eel.
4Kaj David kaj cxiuj Izraelidoj iris en Jerusalemon (tio estas, en Jebuson). Tie la Jebusidoj estis la logxantoj de la lando.
4Markaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Yeruusaalem (taasoo ah Yebuus), oo halkaasna waxaa joogay dadkii dalka degganaa oo ahaa reer Yebuus.
5Kaj la logxantoj de Jebus diris al David:Vi ne eniros cxi tien. Sed David venkoprenis la fortikajxon Cion, tio estas, la urbon de David.
5Markaasaa dadkii Yebuus degganaa waxay Daa'uud ku yidhaahdeen, Adigu halkan soo geli maysid. Habase yeeshee Daa'uud waa qabsaday qalcaddii Siyoon, oo taasuna waa magaaladii Daa'uud.
6Kaj David diris:Kiu la unua venkobatos la Jebusidojn, tiu estos cxefo kaj estro. Kaj la unua supreniris Joab, filo de Ceruja, kaj li farigxis cxefo.
6Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Ku alla kii marka hore reer Yebuus laayaa wuxuu noqon doonaa madax iyo sirkaal. Oo waxaa markii hore baxay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo isagii ayaa waxaa laga dhigay madax.
7Kaj David eklogxis en tiu fortikajxo; pro tio oni donis al gxi la nomon:Urbo de David.
7Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, oo sidaas daraaddeed waxaa loo bixiyey magaaladii Daa'uud.
8Kaj li cxirkauxkonstruis la urbon cxiuflanke, de Milo en la tuta cxirkauxo; kaj Joab restarigis la ceterajn partojn de la urbo.
8Oo wuxuu dhisay magaalada hareeraheedii, iyo tan iyo Millo wareeggeeda. Oo Yoo'aabna wuxuu cusboonaysiiyey magaalada inteedii kale.
9Kaj David farigxadis cxiam pli kaj pli granda, kaj la Eternulo Cebaot estis kun li.
9Oo Daa'uudna aad iyo aad buu u sii xoogaystay, waayo, waxaa isaga la jiray Rabbigii ciidammada.
10Jen estas la cxefaj herooj, kiuj estis cxe David, kaj kiuj tenis sin forte kun li dum lia regxado, kune kun la tuta Izrael, por regxigi lin super Izrael konforme al la vorto de la Eternulo.
10Haddaba kuwanu waa kuwii u horreeyey ee nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay, kuwaasoo ismuujiyey inay isaga iyo boqortooyadiisa aad iyo aad ula jiraan si ay boqor uga dhigtaan iyadoo reer binu Israa'iil oo dhammu ay la wada jiraan, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo reer binu Israa'iil ku saabsanaa.
11Jen estas la nombro de la herooj, kiuj estis cxe David:Jasxobeam, filo de HXahxmoni, estro de la tridek; li levis sian lancon kontraux tricent kaj mortigis ilin per unu fojo.
11Oo tanuna waa tiradii raggii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay: Yaashaabcaam oo ahaa reer Xakmoonii oo ahaa ka ugu horreeya soddonka, isagu wuxuu warankiisa u qaaday saddex boqol oo nin, oo isku mar buuna laayay.
12Post li estis Eleazar, filo de Dodo, la Ahxohxido; li estis el la tri herooj.
12Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Elecaasaar ina Doodoo, oo ahaa reer Axoo'ax, oo isna wuxuu ahaa saddexdii nin oo xoogga badnaa midkood.
13Li estis kun David en Pas-Damim, kie la Filisxtoj kolektigxis por batalo; tie estis kampoparto plena de hordeo; kaj la popolo forkuris antaux la Filisxtoj.
13Oo isagu wuxuu Daa'uud la joogay Fasdammiim, oo halkaasna waxaa dagaal ugu soo ururay reer Falastiin, meeshaas oo ahayd dhul beero ah oo shaciir ka buuxo, oo dadkiina way ka carareen reer Falastiin hortooda.
14Sed tiuj starigxis meze de la kampoparto, kaj savis gxin kaj venkobatis la Filisxtojn; kaj la Eternulo helpis per granda helpo.
14Oo beertii bay isdhex taageen oo daafaceen, wayna laayeen reer Falastiin, oo Rabbiguna wuxuu iyagii ku badbaadiyey guul weyn.
15Kaj tri el la tridek cxefoj iris sur la rokon al David, en la kavernon Adulam, dum la tendaro de la Filisxtoj staris en la valo Refaim.
15Oo soddonkii ugu horreeyey saddex ka mid ah ayaa hoos ugu dhaadhacay dhagixii weynaa ee Daa'uud joogay, oo waxay galeen godkii Cadullaam, oo ciidankii reer Falastiinna waxay soo degeen dooxadii Refaa'iim.
16David tiam estis en la fortikajxo, kaj la garnizono de la Filisxtoj estis tiam en Bet-Lehxem.
16Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayskii, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam.
17Kaj David esprimis deziron kaj diris:Kiu trinkigus al mi akvon el la puto Bet-Lehxema, kiu estas apud la pordego?
17Oo Daa'uudna intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam, ee iridda ku ag yaal!
18Tiam tiuj tri trarompe penetris en la tendaron de la Filisxtoj, cxerpis akvon el la puto Bet-Lehxema, kiu estis apud la pordego, prenis kaj alportis al David. Sed David ne volis trinki gxin; li elversxis gxin al la Eternulo,
18Markaasaa saddexdii ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse Daa'uud wuu diiday inuu cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay.
19kaj diris:Gardu min mia Dio, ke mi ne faru tion:cxu mi trinku la sangon de tiuj viroj, kiuj riskis sian vivon? cxar kun risko por sia vivo ili alportis gxin. Kaj li ne volis trinki gxin. Tion faris la tri herooj.
19Oo wuxuu yidhi, Anigu inaan saas yeelo Ilaahaygu ha ii diido, ma waxaan cabbaa dhiiggii nimankan naftooda biimeeyey? Waayo, iyagu biyahan waxay ku keeneen naftoodii oo halis ku jirta. Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen.
20Abisxaj, frato de Joab, estis estro de tiuj tri; li mortigis per sia lanco tricent homojn, kaj li havis gloran nomon inter la tri.
20Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, waayo, isagu wuxuu warankiisa u qaaday saddex boqol oo nin, wuuna laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa.
21El la tri li estis honorata de du kaj estis ilia estro, sed en la trion li ne eniris.
21Oo isagu labada kaleba wuu ka ciso badnaa, oo waxaa looga dhigay sirkaal, habase yeeshee saddexdii hore ma uu gaadhin.
22Benaja, filo de Jehojada, filo de homo kuragxa, granda pro siaj faroj, el Kabceel:li mortigis la du fortulojn de Moab; li ankaux malsupreniris, kaj mortigis leonon en kavo en negxa tago.
22Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo uu dhalay nin xoog weyn oo reer Qabse'eel ahu, kaasoo sameeyey falimo waaweyn wuxuu dilay labadii wiil oo Arii'eel kii reer Moo'aab, oo haddana wuu tegay oo libaax buu god ku dhex dilay wakhtiga barafka,
23Li ankaux mortigis Egipton, viron, kiu havis la alton de kvin ulnoj; en la mano de la Egipto estis lanco kiel rultrabo de teksisto; li aliris al li kun bastono, elsxiris la lancon el la mano de la Egipto, kaj mortigis lin per lia propra lanco.
23oo wuxuu kaloo dilay nin Masri ah oo ahaa nin aad u dheer, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo Masriguna wuxuu gacanta ku haystay waran le'eg dharsameeyaha looxiisa, oo isna wuxuu ula tegey ul, oo warankii ka dhufsaday gacantii Masriga, oo isagii ku dilay warankiisii.
24Tion faris Benaja, filo de Jehojada. Kaj li havis gloran nomon inter la tri herooj.
24Oo waxyaalahan waxaa sameeyey Benaayaah oo ahaa ina Yehooyaadaac, oo isna saddexdii nin ee xoogga badnaa magac buu ku lahaa.
25Inter la tridek li estis plej honorata, sed en la trion li ne eniris. Kaj David faris lin lia korpogardistestro.
25Oo bal eeg, isagu wuu ka ciso badnaa soddonka, laakiinse ma uu gaadhin saddexdii hore, oo Daa'uudna wuxuu isaga madax uga dhigay lataliyayaashiisii.
26La cxefaj militistoj estis:Asahel, frato de Joab, Elhxanan, filo de Dodo, el Bet-Lehxem,
26Oo weliba raggii ciidammada ku jiray oo xoogga badnaa waxay ahaayeen Casaaheel oo Yoo'aab walaalkiis ahaa, iyo Elxaanaan oo ahaa ina Doodoo oo reer Beytlaxam ahaa,
27SXamot, la Harorano, HXelec, la Pelonano,
27iyo Shammood oo ahaa reer Xarod, iyo Xeles oo ahaa reer Feloonii,
28Ira, filo de Ikesx, la Tekoaano, Abiezer, la Anatotano,
28iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca, iyo Abiiceser oo ahaa reer Canaatood,
29Sibhxaj, la HXusxaido, Ilaj, la Ahxohxido,
29iyo Sibbekay oo ahaa reer Xushaad, iyo Ciilay oo ahaa reer Axoo'ax,
30Maharaj, la Netofaano, HXeled, filo de Baana, la Netofaano,
30iyo Maharay oo ahaa reer Netofaah, iyo Xeeled ina Bacanaah oo ahaa reer Netofaah,
31Itaj, filo de Ribaj, el Gibea de la Benjamenidoj, Benaja, la Piratonano,
31iyo Iitay ina Riibay oo ahaa reer Gibecaah oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin, iyo Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon,
32HXuraj, el Nahxale-Gaasx, Abiel, la Arbatano,
32iyo Xuuray oo ka yimid durdurradii Gacash, iyo Abii'eel oo ahaa reer Caraabaah,
33Azmavet, la Bahxurimano, Eljahxba, la SXaalbonano;
33iyo Casmaawed oo ahaa reer Baxuuriim, iyo Elyaxbaa oo ahaa reer Shacalbiim,
34el la filoj de Hasxem, la Gizonano:Jonatan, filo de SXage, la Hararano,
34iyo ina Haasheem oo ahaa reer Gisonii, iyo Yoonaataan ina Shaagee oo ahaa reer Haraarii,
35Ahxiam, filo de Sahxar, la Hararano, Elifal, filo de Ur,
35iyo Axiyaam oo ahaa ina Saakaar oo ahaa reer Haraarii, iyo Eliifaal oo ahaa ina Uur,
36HXefer, la Mehxeratano, Ahxija, la Pelonano,
36iyo Heefer oo ahaa reer Mekeeraatii, iyo Axiiyaah oo ahaa reer Feloonii,
37HXecro, la Karmelano, Naaraj, filo de Ezbaj,
37iyo Xesroo oo ahaa reer Karmel, iyo Nacaray oo ahaa ina Esbay,
38Joel, frato de Natan, Mibhxar, filo de Hagri,
38iyo Yoo'eel oo ahaa Naataan walaalkiis, iyo Mibxaar oo ahaa ina Hagrii,
39Celek, la Amonido, Nahxaraj, la Beerotano, armilportisto de Joab, filo de Ceruja,
39iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Beerod, oo ahaa kii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay,
40Ira, la Jetrido, Gareb, la Jetrido,
40iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,
41Urija, la HXetido, Zabad, filo de Ahxlaj,
41iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed, iyo Soobaad oo ahaa ina Axlay,
42Adina, filo de SXiza, la Rubenido, cxefo de Rubenidoj, kaj kun li estis tridek,
42iyo Cadiinaa oo ahaa ina Shiisaa oo ahaa reer Ruubeen, oo weliba madax u ahaa reer Ruubeen iyo soddon isaga la jirtay,
43HXanan, filo de Maahxa, Josxafat, la Mitnido,
43iyo Xaanaan oo ahaa ina Macakaah, iyo Yooshaafaad oo ahaa reer Mitnii,
44Uzija, la Asxterotano, SXama kaj Jeiel, filoj de HXotam, la Aroerano,
44iyo Cusiyaa oo ahaa reer Cashteraatii, iyo Shamac, iyo Yecii'eel oo ahaa wiilashii Xootaam oo ahaa reer Carooceer,
45Jediael, filo de SXimri, kaj lia frato Johxa, la Ticano,
45iyo Yediica'eel oo ahaa ina Shimrii, iyo Yooxaa oo ahaa isaga walaalkiis oo qoladoodu ahayd reer Tiisii,
46Eliel, la Mahxavido, Jeribaj kaj Josxavja, filoj de Elnaam, Jitma, la Moabido,
46iyo Elii'eel oo ahaa reer Maxawiim, iyo Yeriibay, iyo Yooshawiyaah oo ahaa wiilashii Elnacam, iyo Yitmaah oo ahaa reer Moo'aab,iyo Elii'eel, iyo Coobeed, iyo Yacasii'eel oo ahaa reer Mesobaayaah.
47Eliel, Obed, kaj Jaasiel el Mecobaja.
47iyo Elii'eel, iyo Coobeed, iyo Yacasii'eel oo ahaa reer Mesobaayaah.