Esperanto

Somali

Hosea

5

1Auxskultu tion, ho pastroj, atentu, ho domo de Izrael, kaj prenu en viajn orelojn, ho regxa domo; cxar vin trafos jugxo pro tio, ke vi estis kaptilo en Micpa kaj etendita reto sur Tabor.
1Wadaaddadow, tan maqla, oo dadka Israa'iilow, dhegaysta, oo reerka boqorkow, dhegta u dhiga, waayo, xukun baa idinku dhacaya, maxaa yeelay, waxaad ahaydeen dabin Misfaah ku yaal, iyo shabag Buur Taaboor ku kala fidsan.
2Per premado ili profundigis la pekojn; Mi punos cxiujn.
2Oo caasiyiintii aad iyo aad bay layntii ugu dheeraadeen, aniguse kan dhammaantood canaanta baan ahay.
3Mi konas Efraimon, kaj Izrael ne estas kasxita antaux Mi:vi nun malcxastas, ho Efraim, kaj Izrael malpurigxis.
3Anigu waan aqaan reer Efrayim, dadka Israa'iilna igama qarsoona, waayo, haatan reer Efrayimow, waad sinaysateen, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.
4Iliaj agoj ne permesas al ili reveni al ilia Dio, cxar spirito de malcxasteco estas en ili kaj la Eternulon ili ne konas.
4Falimahoodu u oggolaan maayaan inay Ilaahoodii ku soo noqdaan, waayo, damaca sinadu waa ku dhex jiraa, oo Rabbiga ma ay yaqaaniin.
5La malmodesteco de Izrael parolas kontraux li antaux lia vizagxo; tial Izrael kaj Efraim falos pro siaj malbonagoj; ankaux Jehuda falos kun ili.
5Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, haddaba dadka Israa'iil iyo reer Efrayimba waxay ku turunturoon doonaan xumaantooda, dadka Yahuudahna way la turunturoon doonaan iyaga.
6Kun siaj sxafoj kaj bovoj ili iros sercxi la Eternulon, sed ne trovos; Li forigxis de ili.
6Waxay kaxayn doonaan adhyahooda iyo ishkinkooda iyagoo Rabbiga doondoonaya, laakiinse isaga ma ay heli doonaan, waayo, wuu ka noqday iyaga.
7Ili perfidis al la Eternulo, kaj naskis fremdajn infanojn; tial ekstermos ilin la monato kune kun ilia havajxo.
7Rabbiga khiyaano ayay kula macaamiloodeen, waayo, waxay dhaleen carruur garacyo ah, haddaba bil baa lagu baabbi'in doonaa iyaga iyo waxoodaba.
8Blovu per korno en Gibea, per trumpeto en Rama; bruu en Bet-Aven, post vi, ho Benjamen!
8War buunka Gibecaah ka afuufa, turumbadana Raamaah, oo Beytaawen ka dhawaaqa. Reer Benyaamiinow, waa laydin daba socdaa.
9Efraim farigxos dezerto en la tago de la puno; inter la triboj de Izrael Mi avertis fidele.
9Dalka reer Efrayim wuxuu ahaan doonaa meel cidlo ah maalinta canaanta. Waxaan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda ka ogeysiiyey waxa xaqiiqa ahaan u dhici doona.
10La princoj de Jehuda farigxis similaj al forsxovantoj de limo; Mi elversxos sur ilin Mian koleron kiel akvon.
10Amiirrada dalka Yahuudah waxay la mid yihiin kuwa durkiya calaamada soohdinta. Cadhadayda ayaan ugu dul shubi doonaa sida biyaha oo kale.
11Efraim estas premata, frapita de la jugxo; cxar li memvole sekvis homan ordonon.
11Reer Efrayim waa la dulmay, oo xukun baa lagu burburiyey, waayo, raalli bay ku ahaayeen inay amarka daba socdaan.
12Mi estos por Efraim kiel tineo, kiel putro por la domo de Jehuda.
12Haddaba sidaas daraaddeed reer Efrayim waxaan u ahay sida balanbaallista oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan u ahay sida waxa qudhmay oo kale.
13Efraim vidis sian malsanon, kaj Jehuda sian vundon; tiam Efraim iris al Asirio, kaj sendis al regxo, kiu vengxus pro li; sed li ne povas sanigi vin, ne forigos de vi la vundon.
13Reer Efrayim markuu arkay cudurkiisa, oo dadka Yahuudahna ay dhaawacooda arkeen, markaasaa reer Efrayim wuxuu tegey dalka Ashuur, oo wuxuu u cid dirsaday Boqor Yaareeb. Laakiinse isagu ma awoodo inuu ku bogsiiyo, oo dhaawacaaga kaa dawayn maayo.
14CXar Mi estas kiel leono por Efraim, kiel leonido por la domo de Jehuda; Mi, Mi dissxiros kaj foriros; Mi forportos, kaj neniu povos savi.
14Waayo, waxaan reer Efrayim ku noqon doonaa sidii aar libaax oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan ku noqon doonaa sidii aaran libaax oo kale. Anigu qudhayda ayaa jeexjeexan doona oo bixi doona, waan la tegi doonaa, oo mid iga samatabbixiyaana ma jiri doono.Anigu waan tegi doonaa oo waxaan ku noqon doonaa meeshaydii, jeeray iyagu xumaantooda qirtaan oo ay i doondoonaan. Iyagoo cidhiidhi ku dhex jira ayay aad ii doondooni doonaan.
15Mi iros returne sur Mian lokon, gxis ili konfesos sian kulpon kaj sercxos Mian vizagxon; kiam ili suferos, ili Min sercxos, kaj diros:
15Anigu waan tegi doonaa oo waxaan ku noqon doonaa meeshaydii, jeeray iyagu xumaantooda qirtaan oo ay i doondoonaan. Iyagoo cidhiidhi ku dhex jira ayay aad ii doondooni doonaan.