Esperanto

Somali

Isaiah

30

1Ve al la filoj malobeemaj, diras la Eternulo, kiuj faras interkonsilojn, sed sen Mi, kaj arangxas interkonsentojn, sed sen Mia spirito, por aligi pekon al peko,
1Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay dadka caasiyiinta ah oo talo aan iga iman ku talaggala, oo heshiis sameeya laakiinse aan xagga Ruuxayga ahayn, si ay dembiba dembi ugu sii daran,
2kaj kiuj iras Egiptujon, ne demandinte Mian busxon, por defendi sin per defendo de Faraono kaj kasxi sin en la ombro de Egiptujo!
2oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan!
3Sed la defendo de Faraono estos por vi honto, kaj la kasxigxo en la ombro de Egiptujo-malhonoro.
3Haddaba sidaas daraaddeed xoogga Fircoon wuxuu idiin noqon doonaa ceeb, oo iskuhallayntii aad hooska Masar isku hallayseenna waxay idiin noqon doontaa sharafjab.
4CXar liaj princoj estis en Coan, kaj liaj senditoj venis en HXaneson.
4Waayo, amiirradiisii Socan bay joogaan, oo ergooyinkiisiina Xaanees bay yimaadeen.
5CXiuj hontos pro la popolo, kiu ne servis al ili por helpo, nek por utilo, sed nur por honto kaj malhonoro.
5Kulligood waxay ku ceeboobi doonaan dad aan iyaga waxba u tari karin, oo aan iyaga u ahayn caawimaad iyo faa'iido toona, laakiinse ceeb iyo sharafjab u soo jiidi doona.
6Jen oni vidas sxargxojn sur bestoj en sudo, en lando de mizero kaj suferoj, kie estas leonino kaj leono, vipuro kaj fluganta serpento; ili forportas sur la dorso de junaj azenoj siajn ricxajxojn kaj sur la gxibo de kameloj siajn trezorojn al popolo, kiu ne povas utili.
6Kanu waa warka culus ee xayawaanka koonfureed ku saabsan. Waxay maalkooda dameerro dhabarkooda ugu raraan oo ay khasnadahoodana awr kuruskeed ugu qaataan dad aan iyaga waxba u tari doonin, oo waxay dhex maraan dalka dhibka iyo cidhiidhiga oo ay goosha iyo aarka, iyo jilbiska iyo masduulaaga dabka lahu ka yimaadaan.
7La helpo de la Egiptoj estas vanta kaj vana; tial Mi diris pri tio:Ili fanfaronas, sidante hejme.
7Waayo, caawimaadda Masar waa wax aan waxba tarayn oo aan innaba qasti lahayn, oo sidaas daraaddeed waxaan magaceedii u bixiyey Raxabta iska fadhida.
8Nun iru, skribu tion al ili sur tabelo kaj desegnu tion en libro, por ke tio restu por la tempo estonta, por cxiam, por eterne.
8Haddaba tag, oo waxaad hortooda warkan ku qortaa loox, oo kitaabna ku qor, si uu wakhtiga soo socda markhaati ugu noqdo weligiis iyo weligiisba,
9CXar tio estas popolo malobeema, filoj mensogaj, filoj, kiuj ne volas auxskulti instruon de la Eternulo.
9waayo, kuwanu waa ummad caasiyowday, iyo dad been miidhan ah, iyo dad aan doonayn inay sharciga Rabbiga maqlaan,
10Ili diras al la antauxvidistoj:Ne antauxvidu; kaj al la profetoj:Ne profetu al ni la veron, parolu al ni flatajxojn, profetu al ni gajajxon;
10oo waxay waxarkayaasha ku yidhaahdaan, Waxba ha arkina, oo nebiyadana waxay ku yidhaahdaan, Wax qumman ha noo sheegina, ee waxaad noo sheegtaan waxyaalo macmacaan oo khiyaano miidhan ah.
11flankigxu for de la vojo, deklinigxu de la irejo, forigu de antaux ni la Sanktulon de Izrael.
11Jidka ka leexda, oo wadiiqadana ka weecda, oo hortayadana kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil ka fogeeya.
12Tial tiele diras la Sanktulo de Izrael:CXar vi malsxatas tiun vorton kaj fidas maljustajxon kaj trompon kaj apogas vin sur cxi tio:
12Haddaba sidaas daraaddeed kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinku eraygan waad quudhsataan oo waxaad isku hallaysaan oo ku tiirsataan dulmi iyo qalloocnaan,
13tial cxi tiu kulpo estos por vi kiel fendo, minacanta disfalon kaj montranta sin sur alta muro, kies falo estos subita, neatendita.
13sidaas daraaddeed xumaantanu waxay idiin noqon doontaa sida derbi dheer oo kala dillaacay oo diyaar u ah inuu dhaco, kaasoo haddiiba si dhaqso ah u soo dumaya.
14Kaj Li frakasos gxin, kiel oni frakasas argilan vazon, frakasos senindulge, tiel ke en gxiaj rompopecoj ne trovigxos vazopeco, por preni fajron de la fajrujo aux cxerpi akvon el akvujo.
14Oo isna wuxuu u burburin doonaa sida weelka dheryasameeyahu u burburo oo kale, isagoo burburinaya oo aan u tudhayn, oo sidaas aawadeed burburkiisa lagama dhex heli doono jajab dab meeshiisa lagaga qaado ama biyo berkedda lagaga dhuro.
15CXar tiele diras la Sinjoro, la Eternulo, la Sanktulo de Izrael:Per pento kaj trankvileco vi savigxus, en kvieteco kaj fido estus via forto; sed vi ne volis.
15Waayo, Sayidka Rabbiga ah oo ah kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu yidhi, Soo noqosho iyo nasasho ayaad ku badbaadi doontaan, oo xasilloonaan iyo kalsooni ayaad xoog ku yeelan doontaan, laakiinse ma aydaan doonayn.
16Vi diris:Ne, ni forkuros sur cxevaloj; tial vi forkuros; kaj:Sur rapiduloj ni forrajdos; tial rapidaj estos viaj persekutantoj.
16Laakiinse idinku waxaad tidhaahdeen, Saas ma noqon doonto, waayo, fardaan ku carari doonnaa, haddaba sidaas daraaddeed waad carari doontaan. Oo waxaad tidhaahdeen, Waxaan fuuli doonnaa fardaha dheereeya, haddaba sidaas aawadeed kuwa idin eryanayaa waxay noqon doonaan kuwa aad u dheereeya.
17De la minaco de unu forkuros tuta milo, de la minaco de kvin vi cxiuj forkuros, gxis vi restos kiel signo sur la supro de monto kaj kiel flago sur monteto.
17Kun qof waxay ka carari doonaan mid qudha cabsigelintiis, idinkuna waxaad ka carari doontaan shan bajintood, ilaa intiinna hadhay ay noqdaan sida tiir buur dhaladeed laga taagay iyo sida calan kur dusheed la saaray.
18Tial la Eternulo atendos, antaux ol Li vin korfavoros, kaj tial Li levigxos, antaux ol Li vin kompatos; cxar la Eternulo estas Dio de jugxo; felicxaj estas cxiuj, kiuj fidas Lin.
18Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu sugayaa inuu idiin roonaado, oo wuxuu u sarreeyaa inuu idiin naxariisto, waayo, Rabbigu waa Ilaah caddaalad badan, oo waxaa barakaysan kuwa isaga sugaya oo dhan.
19CXar, ho popolo de Cion, logxantoj de Jerusalem, vi ne plu ploros; Li korfavoros vin, kiam vi plorkrios; kiam Li auxdos vin, Li respondos al vi.
19Reer Siyoon oo Yeruusaalem degganow, mar dambe ma aad ooyi doontaan, waayo, isagu hubaal aad buu idiinku roonaan doonaa markaad qaylisaan, oo markuu maqlo wuu idiin jawaabi doonaa.
20Kaj la Sinjoro donos al vi panon en la mizero kaj akvon en la premado; kaj ne plu kasxigxos viaj instruantoj, kaj viaj okuloj vidos viajn instruantojn.
20Oo in kastoo uu Sayidku idin siiyo cuntada dhibta iyo biyaha silica haddana kuwa wax idin bara mar dambe ma qarsoomi doonaan, laakiinse indhahiinnu kuwa wax idin bara way arki doonaan.
21Kaj kiam vi deklinigxos cxu dekstren, cxu maldekstren, viaj oreloj auxdos vortojn diratajn malantaux vi:Jen estas la vojo, iru laux gxi.
21Oo markaad midigta u leexataan iyo markaad bidixda u leexataanba waxaad xagga dambe ka maqli doontaan eray leh, Jidkii waa kan ee ku socda.
22Kaj vi rigardos kiel malpuran la argxentan tegon de viaj statuoj kaj la oran kovron de viaj idoloj; vi forjxetos ilin kiel malpurajxon, vi diros al ili:For!
22Oo weliba waxaad nijaasayn doontaan sanamyadiinna la qoray oo lacagta lagu dahaadhay, iyo sanamyadiinna la shubay oo dahabka lagu dahaadhay, oo waxaad iyagu u xoori doontaan sida wax wasakhaysan, oo waxaad ku odhan doontaan, Ordoo iska baxa!
23Kaj Li donos pluvon al via semo, kiun vi semos sur la kampo, kaj panon, produkton de la tero, kaj gxi estos sukoplena kaj grasa; sur vasta pasxtejo pasxtigxos tiam viaj brutoj.
23Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.
24Kaj la bovoj kaj junaj azenoj, kiuj prilaboros la teron, mangxos miksitan nutrajxon, sxutitan per kribrilo kaj sxovelilo.
24Oo dibida iyo dameeraha dhulka qodaana waxay cuni doonaan cunto dhanaan oo gacaf iyo fargeeto weyn lagu haadiyey.
25Kaj sur cxiu alta monto kaj sur cxiu alta monteto estos riveroj, torentoj da akvo, en la tago de la granda mortigado, kiam falos la turoj.
25Oo wakhtiga laynta weyn oo munaaraduhu soo wada dhici doonaan buur kasta oo dheer iyo kur kasta oo dheerba waxaa jiri doona webiyo iyo durdurro biya ah.
26Kaj la lumo de la luno estos kiel la lumo de la suno, kaj la lumo de la suno estos sepoble pli granda, kiel la lumo de sep tagoj, en tiu tempo, kiam la Eternulo bandagxos la difektojn de Sia popolo kaj resanigos gxiajn vundojn.
26Oo weliba iftiinka dayaxu wuxuu noqon doonaa sida nuurka qorraxda, oo nuurka qorraxduna wuxuu toddoba jibbaar u noqon doonaa sida toddoba maalmood iftiinkood oo kale, waana maalinta Rabbigu nabarka dadkiisa duubi doono oo uu dhaawacooda ku dhacay bogsiin doono.
27Jen la nomo de la Eternulo venas de malproksime; Lia kolero flamas kaj estas pezega; Lia busxo estas plena de indigno, kaj Lia lango estas kiel fajro ekstermanta;
27Bal eega, Rabbiga magiciisu meel fog buu ka imanayaa, isagoo cadho la ololaya, oo qiiqiisuna wuu weyn yahay, oo bushimihiisana dhirif baa ka buuxa, oo carrabkiisuna waa sida dab wax gubaya.
28kaj Lia spiro estas kiel torento disversxigxinta, kiu atingas gxis la kolo, por trakribri la popolojn per kribrilo de pereo; kaj erariga brido estos sur la makzeloj de la popoloj.
28Oo neeftiisuna waa sida durdur wax qarqinaya, oo xataa tan iyo qoorta gaadhaya, inuu quruumaha ku kala shaandheeyo shaandho halaag ah, oo dadka afkiisana waxaa ku jiri doona xakame qalda.
29Kantado estos cxe vi, kiel en la nokto de celebrado de festo; kaj kora gxojo, kiel cxe tiu, kiu iras kun fluto, por veni sur la monton de la Eternulo al la Roko de Izrael.
29Idinku waad gabyi doontaan sida habeen iid quduus ah la sameeyo, oo qalbigaad ka farxi doontaan sida marka biibiile loola sii socdo buurta Rabbiga in Kan dhagaxa u ah reer binu Israa'iil loo tago.
30Kaj la Eternulo auxdigos Sian majestan vocxon, kaj la pezon de Sia brako Li vidigos en bolanta kolero kaj en flamo de ekstermanta fajro, en ventego kaj pluvego kaj sxtona hajlo.
30Oo Rabbiguna wuxuu ka dhigi doonaa in cod kiisa haybadda badan la maqlo, oo wuxuu muujin doonaa soodejinta gacantiisa, oo ay la jiraan dhirifkii cadhadiisa, iyo dab wax gubaya ololkiis, iyo roob weyn oo kedis ah, iyo duufaan, iyo roobdhagaxyaale.
31CXar ektremos la Asiriano de la vocxo de la Eternulo, kiu frapos lin per la vergo.
31Waayo, kan reer Ashuur oo wax ushiisa ku dhufan jiray waxaa burburin doona codka Rabbiga,
32Kaj penetranta estos cxiu ekbato per la bastono, kiun la Eternulo faligos sur lin kun tamburinoj kaj harpoj; kaj per bataloj senhaltaj Li batalos kontraux li.
32Oo darbad kasta oo usha loo diyaariyeyba, kaasoo Rabbigu saari doono, waxaa la jiri doona daf iyo kataarado, oo wuxuu kula diriri doonaa dagaallo gariir badan.Waayo, Tofed waa horaa la sii diyaarshay, oo waxaa loo sii hagaajiyey boqorka, oo aad buu u sii qoday oo uu sii ballaadhiyey, oo waxaa ka tuullan dab iyo qoryo faro badan, oo waxaa shidaysa neeftii Rabbiga oo la moodo sida durdur baaruud ah.
33CXar delonge estas preparita la bruligejo; gxi estas preta ankaux por la regxo, profundigita, vastigita; gxia lignaro enhavas multe da fajro kaj ligno; la blovo de la Eternulo ekbruligos gxin kiel torenton da sulfuro.
33Waayo, Tofed waa horaa la sii diyaarshay, oo waxaa loo sii hagaajiyey boqorka, oo aad buu u sii qoday oo uu sii ballaadhiyey, oo waxaa ka tuullan dab iyo qoryo faro badan, oo waxaa shidaysa neeftii Rabbiga oo la moodo sida durdur baaruud ah.