1La vino estas blasfemanto, ebriiga trinkajxo estas sovagxa; Kaj kiu delogigxas per ili, tiu ne estas prudenta.
1Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.
2Minaco de regxo estas kiel kriego de leono; Kiu lin kolerigas, tiu pekas kontraux sia animo.
2Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa, Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.
3Estas honoro por homo cxesigi malpacon; Sed cxiu malsagxulo estas malpacema.
3Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf, Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.
4En la malvarma tempo mallaborulo ne plugas; Li petos en auxtuno, kaj li nenion ricevos.
4Kii caajis ahu qabowga aawadiis beer ma jeexo, Oo sidaas daraaddeed wakhtiga beergooyska wuu baryootami doonaa, oo waxba ma heli doono.
5Intenco en la koro de homo estas profunda akvo; Sed homo sagxa gxin elcxerpos.
5Talada dadka qalbigiisa ku jirtaa waa sida biyo gun dheer, Laakiinse ninkii garasho leh ayaa ka soo dhaansan doona.
6Multaj homoj proklamas pri sia boneco; Sed kiu trovos homon fidelan?
6Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda, Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara?
7Virtulo iras en sia senpekeco; Felicxaj estas liaj infanoj post li.
7Ninka xaqa ah oo daacadnimadiisa ku socda, Carruurtiisu way barakaysnaadaan isaga dabadiis.
8Regxo, kiu sidas sur trono de jugxo, Disventumas per siaj okuloj cxion malbonan.
8Boqorkii carshiga garsooridda ku fadhiyaa Indhihiisuu sharka oo dhan ku kala firdhiyaa.
9Kiu povas diri:Mi purigis mian koron, Mi estas libera de mia peko?
9Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey, Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?
10Neegalaj peziloj, neegalaj mezuroj, Ambaux estas abomenajxo por la Eternulo.
10Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.
11Ecx knabon oni povas ekkoni laux liaj faroj, CXu estas pura kaj justa lia konduto.
11Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa, Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba.
12Orelon auxdantan kaj okulon vidantan: Ilin ambaux kreis la Eternulo.
12Dhegta wax maqasha iyo isha wax aragtaba, Labadaba Rabbigaa sameeyey.
13Ne amu dormon, por ke vi ne malricxigxu; Malfermu viajn okulojn, kaj vi satigxos de pano.
13Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye. Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.
14Malbona, malbona, diras la acxetanto; Sed kiam li foriris, tiam li fanfaronas.
14Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay, Laakiinse markuu tago ayuu faanaa.
15Oni povas havi oron kaj multe da perloj; Sed busxo prudenta estas multevalora ilo.
15Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.
16Prenu la veston de tiu, kiu garantiis por aliulo; Kaj pro la fremduloj prenu de li garantiajxon.
16Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.
17Malhonesta pano estas bongusta por homo; Sed lia busxo poste estos plena de sxtonetoj.
17Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay, Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux.
18Intencoj fortikigxas per konsilo; Kaj militon oni faru prudente.
18Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo, Oo waano wanaagsan ku dagaallan.
19Kiu malkasxas sekreton, tiu estas kiel kalumnianto; Ne komunikigxu kun tiu, kiu havas largxan busxon.
19Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.
20Kiu malbenas sian patron kaj sian patrinon, Ties lumilo estingigxos meze de profunda mallumo.
20Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.
21Heredo, al kiu oni komence tro rapidas, Ne estas benata en sia fino.
21Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay, Ugu dambaysta ma barakoobi doono.
22Ne diru:Mi repagos malbonon; Fidu la Eternulon, kaj Li vin helpos.
22Ha odhan, Shar baan ka abaal gudayaa. Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.
23Neegalaj peziloj estas abomenajxo por la Eternulo, Kaj malvera pesilo estas ne bona.
23Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.
24La irado de homo dependas de la Eternulo; Kiel homo povus kompreni sian vojon?
24Nin socodkiisu waa xagga Rabbiga, Haddaba sidaas daraaddeed dad sidee buu jidkiisa u garan karaa?
25GXi estas reto por homo, se li rapidas nomi ion sankta Kaj esploras nur post faro de promeso.
25Waa u dabin nin inuu nacasnimo ku yidhaahdo, Waa quduus, Oo uu dabadeed u nidraa inuu wax weyddiiyo.
26Sagxa regxo dispelas malvirtulojn, Kaj venigas radon sur ilin.
26Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.
27La animo de homo estas lumilo de la Eternulo; GXi esploras cxiujn internajxojn de la korpo.
27Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga, Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan.
28Favorkoreco kaj veremeco hardas regxon; Kaj per favorkoreco li subtenas sian tronon.
28Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan, Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.
29Gloro por junuloj estas ilia forto, Kaj ornamo por maljunuloj estas grizeco.
29Dhallinyarada xooggoodu waa ammaantooda, Oo cirrada odayaashuna waa quruxdooda.Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka, Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.
30Vundoj de batoj devas penetri en malbonulon, Kaj frapoj devas iri profunde en lian korpon.
30Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka, Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.