Estonian

Somali

Mark

13

1Ja kui nad pühakojast lahkusid, ütles üks ta jüngreid talle: 'Õpetaja, ennäe, missugused kivid ja missugused hooned!'
1Goortuu macbudka ka baxay, xertiisa midkood ayaa ku yidhi, Eeg, Macallimow, dhagaxyada iyo dhismaha siday u weyn yihiin!
2Ja Jeesus ütles talle: 'Kas sa pead silmas neid suuri hooneid? Ei jäeta siin kivi kivi peale, mida maha ei kistaks!'
2Ciise wuxuu ku yidhi, Guryahan waaweyn ma arkaysaa? Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.
3Ja kui Jeesus istus Õlimäel pühakoja vastas, küsisid Peetrus ja Jaakobus ja Johannes ja Andreas temalt omavahel olles:
3Oo intuu Buur Saytuun fadhiistay, meel macbudka ku toosan, Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa iyo Andaros waxay keli ahaan u weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen,
4'Ütle meile, millal see kõik tuleb ja mis on tunnustäheks, kui kõik see hakkab täituma?'
4Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan? Calaamadu maxay ahaan doontaa, goortii waxyaalahan oo dhan dhammaan u dhowaan doonaan?
5Aga Jeesus hakkas neile rääkima: 'Vaadake, et keegi teid ei eksitaks!
5Ciise baa u jawaabay oo bilaabay inuu ku yidhaahdo, Iska eega yaan laydin khiyaanayn.
6Paljud tulevad minu nimel, öeldes: 'Mina olengi see!' ja eksitavad paljusid.
6Qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.
7Aga kui te kuulete sõdadest ja sõjasõnumeid, ärge ehmuge: see kõik peab sündima, kuid veel ei ole lõpp käes.
7Goortaad dagaallo maqashaan iyo dagaallo hadalhayntood ha baqanina. Waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye.
8Sest rahvas tõuseb rahva vastu ja kuningriik kuningriigi vastu, paiguti on maavärinaid ja näljahäda - need on sünnitusvalude algus.
8Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga.
9Aga teie vaadake iseennast: minu pärast antakse teid ülemkohtute kätte ja teid pekstakse sünagoogides ning seatakse maavalitsejate ja kuningate ette, tunnistuseks neile.
9Laakiin iska jira. Waxaa laydiin dhiibi doonaa shirar, oo sunagogyo waa laydinku karbaashi doonaa; taliyayaal iyo boqorro hortooda ayaad daraadday u istaagi doontaan inaad markhaati u ahaataan.
10Ja kõigile rahvaile peab enne kuulutatama evangeeliumi.
10Horta injiilka waa in lagu wacdiyo quruumaha oo dhan.
11Ja kui teid viiakse ja antakse valitsejate kätte, ärge muretsege ette, mida rääkida, vaid rääkige seda, mida iganes teile antakse sel tunnil, sest teie pole kõnelejad, vaid Püha Vaim.
11Oo goortii laydin wado oo laydin gacangeliyo, horta ha ka welwelina wixii aad ku hadli doontaan; laakiin wixii saacaddaas laydin siiyo, waxaas ku hadla, waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Quduuska ah.
12Ja vend annab surma venna ja isa lapse ja lapsed tõusevad vanemate vastu ja lasevad nad surmata
12Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiis, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan, oo dhimasho ay gaadhsiin doonaan.
13ja teie saate kõikide vihaalusteks minu nime pärast. Aga kes peab vastu lõpuni, see pääseb.
13Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta kaasaa badbaadi doona.
14Aga kui te näete hävituse koletist seisvat seal, kus see ei tohiks seista - lugeja mõtelgu sellele! -, siis need, kes on Juudamaal, põgenegu mägedesse,
14Laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen.
15ja kes on katusel, ärgu tulgu alla ega mingu oma majast midagi võtma,
15Kii guri fuushanuna yaanu guriga u soo degin oo gelin inuu wax ka soo qaato.
16ja kes on väljal, ärgu pöördugu tagasi võtma oma kuube!
16Kii beer joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.
17Aga häda neile, kes on lapseootel, ja neile, kes imetavad neil päevil!
17Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.
18Aga palvetage, et see ei juhtuks talvel,
18Barya inaan waxaasu noqon wakhtiga qabowga.
19sest need on ahistuse päevad, milliseid pole olnud loomise algusest, mille Jumal on loonud, kuni praeguse ajani, ega tulegi enam.
19Waayo, maalmahaas waxay ahaan doonaan dhib sida mid aan jirin tan iyo bilowgii abuurniinta oo Ilaah abuuray, mana jiri doonto weligeed.
20Ja kui Issand ei oleks nende päevade arvu kahandanud, siis ei pääseks ükski, kuid valitute pärast, keda tema on ära valinud, on ta kahandanud neid päevi.
20Oo haddaan Rabbigu wakhtigaas gaabin, ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwuu doortay aawadood ayuu wakhtigaas u gaabshay.
21Ja kui siis keegi ütleb teile: 'Ennäe, Kristus on siin! Ennäe, seal!', ärge uskuge,
21Markaas haddii nin idinku yidhaahdo, Waa kan Masiixii, ama, Waa kaas, ha rumaysanina.
22sest tõuseb valekristusi ja valeprohveteid ja need pakuvad tunnustähti ja imetähti, et kui võimalik, eksitada ka valituid.
22Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin iyo yaabab si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.
23Aga teie vaadake: mina olen teile kõik ette öelnud!
23Laakiin idinku iska jira, wax walbaba horaan idiinku sheegaye.
24Kuid neil päevil pärast seda ahistust pimeneb päike ja kuu ei anna oma kuma
24Laakiin wakhtigaas, dhibtaas dabadeed, qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayaxuna ma nuuri doono,
25ning tähed on taevast kukkumas ja taeva vägesid kõigutatakse.
25xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirka ku jirana waa la gariirin doonaa.
26Ja siis nähakse Inimese Poega tulevat pilvedes suure väe ja kirkusega.
26Markaasay waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku imanaya isagoo leh xoog badan iyo ammaan.
27Ja siis ta läkitab inglid ja kogub kokku oma valitud neljast tuulest, maa äärest taeva ääreni.
27Markaasuu wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa, oo kuwuu doortay ayuu ka soo ururin doonaa afarta jahood ee meesha dhulka ugu fog ilaa meesha cirka ugu fog.
28Ent viigipuust õppige võrdumit: kui selle okstele tärkavad noored võrsed ja ajavad lehti, siis te tunnete ära, et suvi on lähedal -
28Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay.
29nõnda ka teie, kui te näete seda kõike sündivat, tundke ära, et tema on lähedal, ukse taga.
29Idinkuna sidaas oo kale goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta inuu Wiilka Aadanahu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.
30Tõesti, ma ütlen teile, see sugupõlv ei kao, enne kui kõik see on sündinud.
30Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.
31Taevas ja maa hävivad, aga minu sõnad ei hävi!
31Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan.
32Seda päeva või tundi ei tea aga keegi, ei inglidki taevas ega Poeg, ainult Isa üksi.
32Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada ku jira iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbaha keliya maahee.
33Vaadake ette, valvake, sest teie ei tea, millal see aeg on käes!
33Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay.
34Nii nagu inimene, kes reisis võõrsile ja jättis oma maja, andes sulastele meelevalla, igaühele tema töö, ja uksehoidjal käskides valvata,
34Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo.
35nõnda valvake nüüd, sest te ei tea, millal majaisand tuleb, kas õhtul või keskööl või kukelaulu ajal või varahommikul,
35Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba,
36et ta äkitselt tulles ei leiaks teid magamas.
36waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda.Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.
37Aga mida ma ütlen teile, ütlen kõigile: Valvake!'
37Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.