1בני הנני כתב אליכם את זאת לבלתי תחטאו ואם יחטא איש יש לנו מליץ לפני אבינו ישוע המשיח הצדיק׃
1Carruurtaydiiyey, waxaan waxyaalahan idiinku soo qorayaa si aydnaan u dembaabin; oo qof uun hadduu dembaabo, waxaynu xagga Aabbaha ku leennahay Dhexdhexaadiye, waana Ciise Masiix kan xaqa ah.
2והוא כפרה על חטאתינו ולא על חטאתינו לבד כי גם על חטאת כל העולם׃
2Oo isaguna wuxuu dembiyadeenna u yahay kafaaraggudka; oo kuweenna oo keliya uma aha ee weliba wuxuu u yahay dembiyada dunida oo dhan.
3ובזאת נדע כי הכרנו אותו אם נשמר את מצותיו׃
3Oo taas ayaynu ku garanaynaa inaynu naqaan isaga, haddaynu qaynuunnadiisa adkayno.
4האמר הכרתיו ואת מצותיו לא ישמר כזב הוא והאמת אין בו׃
4Kan yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtu kuma jirto isaga.
5אבל השמר את דברו בו נשלמה באמת אהבת אלהים ובזאת נדע כי בו אנחנו׃
5Laakiin kan ereygiisa adkeeya, runtii, Ilaah jacaylkiisu wuu ku dhan yahay isaga. Taas aynu ku garanaynaa inaynu isaga ku jirno.
6האמר כי בו יעמד עליו להתהלך בדרך אשר גם הוא הלך׃
6Kan yidhaahda, Isagaan ku jiraa, waa inuu u socdaa siduu isagu u socday.
7אחי אינני כתב לכם מצוה חדשה כי אם מצוה ישנה אשר היתה לכם מראש והמצוה הישנה היא הדבר אשר שמעתם מראש׃
7Gacaliyayaalow, qaynuun cusub idiin soo qori maayo, laakiin waxaan idiin soo qorayaa qaynuun hore oo aad tan iyo bilowgii haysateen. Qaynuunkii hore waa hadalkii aad bilowgii maqasheen.
8ועוד מצוה חדשה אני כתב לכם אשר היא אמת גם בו גם בכם כי החשך עבר והאור האמתי כבר זורח׃
8Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa, kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah, maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaanayaa, oo nuurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa.
9האומר כי ישנו באור והוא שנא את אחיו עודנו בחשך׃
9Kan yidhaahda, Nuurkaan ku jiraa, oo walaalkiis neceb, wuxuu ku jiraa gudcurka ilaa imminkada.
10האהב את אחיו יעמד באור ומכשול אין בו׃
10Kan walaalkii jecel, nuurkuu ku jiraa, oo wax lagu xumaado kuma jiro isaga.
11והשנא את אחיו בחשך הוא ובחשך יתהלך ולא ידע אנה הוא הלך כי החשך עור את עיניו׃
11Laakiin kan walaalkii neceb, gudcurkuu ku jiraa, oo gudcurkuu ku socdaa, oo garan maayo meeshuu marayo, waayo, gudcurkaa indhihiisa tiray.
12הנני כתב אליכם הבנים יען כי נסלחו לכם חטאתיכם למען שמו׃
12Wax baan idiin soo qorayaa, carruurtiiyey, maxaa yeelay, dembiyadiinnii waa laydinka cafiyey magiciisa aawadiis.
13כתב אני אליכם האבות יען כי הכרתם אתו אשר הוא מראש כתב אני אליכם הבחורים יען כי התגברתם על הרע כתב אני אליכם הילדים יען כי הכרתם את האב׃
13Aabbayaashow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, idinku kan sharka ah ayaad ka adkaateen. Carruurtaydiiyey, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, Aabbaha waad garanaysaan.
14כתבתי אליכם האבות יען כי הכרתם אתו אשר הוא מראש כתבתי אליכם הבחורים יען כי חזקתם ודבר האלהים שכן בקרבכם והתגברתם על הרע׃
14Aabbayaashow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad xoog weyn tihiin, oo ereyga Ilaah baa idinku jira, oo kan sharka ah ayaad ka adkaateen.
15אל תאהבו את החלד ואת דברי החלד אם יאהב איש את החלד אין בו אהבת האב׃
15Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga.
16כי כל אשר בחלד תאות הבשר ותאות העינים וגאות ההון איננו מן אבינו כי אם מן החלד׃
16Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida.
17והחלד עבור יעבר עם תאותיו והעשה רצון אלהים יעמד לעד׃
17Oo duniduna way idlaanaysaa, iyo damaceeduba; laakiin kan doonista Ilaah yeelaa wuu jirayaa weligiis.
18ילדי הנה השעה האחרונה באה וכאשר שמעתם כי יבא צר המשיח כן עתה רבו צרי המשיח ובזאת נדע כי היא השעה האחרונה׃
18Carruurtiiyey, waa saacaddii u dambaysay, oo sidaad maqasheen inuu kan Masiixa ka geesta ahi imanayo, weliba imminka kuwa badan oo Masiixa ka gees ah ayaa kacay, taa aawadeed ayaynu ku garanaynaa inay saacaddii u dambaysay tahay.
19מאתנו יצאו אך לא משלנו היו כי אלו היו משלנו כי אז היו עמדים עמנו אבל למען יגלו כי לא כלם משלנו המה׃
19Way inaga baxeen, laakiin kuweennii ma ay ahayn; hadday kuweennii ahaayeen, way inala joogi lahaayeen; laakiin way inaga baxeen oo taasaa caddaynaysa inaanay kulligood inaga mid ahayn.
20ואתם המשחה לכם מאת הקדוש וידעתם הכל׃
20Laakiin idinku waxaad leedihiin subkid ka timid Kan Quduuska ah, oo wax walba waad taqaaniin.
21לא כתבתי אליכם יען כי לא ידעתם את האמת אך יען כי ידעתם אתה ואשר כל כזב איננו מן האמת׃
21Wixii aan idiin soo qoray uma aan soo qorin aqoonla'aantiinna xagga runta aawadeed, laakiin waxaan u soo qoray aqoonta aad runta taqaaniin iyo inaanay beenina runta ka iman aawadood.
22מי הוא הכזב אם לא המכחש בישוע לאמר כי איננו המשיח זה הוא צר המשיח המכחש באב ובבן׃
22Waa kuma beenaaluhu, kan dafira inuu Ciise yahay Masiixa mooyaane? Isagu waa kan Masiixa ka geesta ah, waana kan dafira Aabbaha iyo Wiilkaba.
23כל המכחש בבן גם האב אין לו׃
23Ku alla kii Wiilka inkiraa, ma leh Aabbaha; laakiin kan Wiilka qirtaa Aabbuhuu leeyahay.
24ואתם יקם נא בכם הדבר אשר שמעתם מראש ואם יקום בכם אשר שמעתם מראש אז גם אתם תקומו בבן ובאב׃
24Haddaba idinku waxaad tan iyo bilowgii maqlayseen ha idinku sii jiro. Haddii wixii aad tan iyo bilowgii maqlayseen idinku sii jiro, idinkuna waxaad ku sii jiri doontaan Wiilka iyo Aabbaha.
25וההבטחה אשר הבטיחנו היא חיי עולמים׃
25Oo kanu waa ballankii uu inoogu ballanqaaday oo ah nolosha weligeed ah.
26זאת כתבתי אליכם מפני המתעים אתכם׃
26Waxaan idiin soo qoray waxyaalahan ku saabsan kuwa idin khiyaanaynaya.
27ואתם המשחה אשר קבלתם מאתו עמדת בכם ולא תצטרכו לאיש אשר ילמדכם כי אם כאשר תלמד אתכם המשחה בכל דבר היא האמת ואיננה כזב וכאשר למדה אתכם כן תעמדו בו׃
27Subkidda aad ka hesheen isaga way idinku sii jirtaa; oo uma baahnidin in cidina wax idin barto; laakiin sida subkiddiisu wax walba idiin barto, oo ay run u tahay, beenna aanay u ahayn, waa inaad siday wax idiin bartay ugu sii jirtaan.
28ועתה בנים עמדו בו למען יאמץ לבנו בהראותו ולא נבוש מפניו בבואו׃
28Oo imminka, carruurtiiyey, ku sii jira isaga; in kolkuu muuqdo aynu kalsoonaan doonno oo aynaan wakhtiga imaatinkiisa ka xishoonin inaynu hor tagno.Haddaad og tihiin inuu xaq yahay, waxaad weliba ogaataan in mid walba oo xaqnimo falaa uu isaga ka dhashay.
29אם ידעתם כי צדיק הוא דעו כי כל עשה צדקה נולד ממנו׃
29Haddaad og tihiin inuu xaq yahay, waxaad weliba ogaataan in mid walba oo xaqnimo falaa uu isaga ka dhashay.