Hebrew: Modern

Somali

1 Timothy

3

1אמת הדבר איש כי יבקש לו פקידות הוא מתאוה מעשה טוב׃
1Hadalku waa run, Haddii nin doonayo shuqulka hoggaamiyaha kiniisadda, shuqul wanaagsan buu doonayaa.
2ופקיד העדה צריך להיות איש אשר אין בו דפי בעל אשה אחת משל ברוחו צנוע ונחמד לבריות מכניס ארחים ומבין ללמד ולא אהב יין ולא נוח להכות ולא בצע בצע רע׃
2Sidaas daraaddeed hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ahaado mid aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo feeyigan, oo digtoon, oo sharaf leh, oo martida soo dhoweeya, oo ku wanaagsan waxbaridda;
3כי אם דן לכף זכות ולא בעל קטטה ולא אהב כסף׃
3oo uusan sakhraan noqon, oo uusan gacan fududaan, laakiin waa inuu noqdo mid tudhid badan, oo uusan ilaaq lahayn, oo uusan lacag jeclayn.
4ויהי מנהיג את ביתו בטוב ומדריך את בניו למשמעתו בכל הישר׃
4Waa inuu ahaado mid gurgiisa si wanaagsan ugu taliya, oo carruurtiisu ka dambeeyaan oo maamuusaan.
5כי אם לא ידע איש להנהיג את ביתו איככה יוכל לדאג לעדת אלהים׃
5Laakiin nin hadduusan garanayn si uu gurigiisa ugu taliyo, sidee buu kiniisadda Ilaah u xanaanayn doonaa?
6ואל יהי תלמיד הדש למען לא ירהב לבו ויפל בדין המשטין׃
6Waa inuusan ahaan mid dhowaan rumaystay, waaba intaasoo intuu kibro uu Ibliiska xukunkiisa ku dhacaaye.
7והוא גם צריך לשם טוב בפי אלה אשר בחוץ פן יפל בחרפה ובמוקש המשטין׃
7Weliba waa inuu markhaati wanaagsan ka helo kuwa dibadda ah, waaba intaasoo uu ku dhacaa cay iyo dabinka Ibliiska.
8וכן גם השמשים יהיו ישרים ולא מחליקי לשון ולא אהבים סבא יין ולא נטים אחרי בצע רע׃
8Sidaas oo kalena caawiyayaasha kiniisaddu waa inay ahaadaan dad la maamuuso oo ayan noqon laba-hadallayaal, oo ayan khamri badan cabbin, oo ayan faa'iidada ceebta ah jeclaan.
9כי אם ישמרו את סוד האמונה ברוח טהורה׃
9Waa inay qarsoodiga iimaanka qalbi daahir ah ku haystaan.
10וגם אלה יבחנו בראשונה ואחר כן ישמשו אם אין בהם דפי׃
10Kuwaas marka hore ha la tijaabiyo, dabadeedna sida iyagoo ah caawiyayaasha kiniisadda ha u adeegeen hadday eed la' yihiin.
11וככה הנשים תהיינה ישרות ולא מלשינות משלות ברוחן ונאמנות בכל׃
11Sidaas oo kale dumarkuna waa inay digtoonaadaan oo ayan ahaan kuwa wax xanta. Waa inay feeyignaadaan, oo ay wax walba aamin ku ahaadaan.
12השמשים יהיו כל אחד בעל אשה אחת ומנהלים בטוב את בניהם ואת בתיהם׃
12Caawiyayaasha kiniisaddu mid kastaaba naag keliya ha guursado, hana noqdeen kuwo si wanaagsan ugu talinaya carruurtooda iyo guryahooda.
13כי המשמשים היטב יקנו לעצמם מעלה טובה ובטחון רב באמונת המשיח ישוע׃
13Waayo, kuwa sida iyagoo ah caawiyayaasha kiniisadda si wanaagsan ugu adeega, waxay nafsaddooda u helaan derejo wanaagsan iyo dhiirranaan badan oo ay iimaanka Ciise Masiix ku dhiirran yihiin.
14זאת אני כתב אליך ואקוה לבא אליך במהרה׃
14Waxaan rajaynayaa inaan dhowaan kuu imaado, laakiin waxaan waxyaalahan kuugu soo qorayaa,
15ואם אחר הנה תדע איך להתנהג בבית האלהים שהיא עדת אלהים חיים עמוד האמת ומכונה׃
15in, haddii aan wax badan raago, aad ogaato sida waajibka ah oo loogu camal fali lahaa guriga Ilaah dhexdiisa, oo ah kiniisadda Ilaaha nool iyo tiirka iyo aasaaska runtaa.Oo muranla'aan qarsoodiga cibaadadu waa weyn yahay. Isaga jidh baa lagu muujiyey, oo ruux baa xaq laga caddeeyey, malaa'iguhuna way arkeen, quruumahana waa laga dhex wacdiyey, dunidana waa laga rumaystay, ammaanna kor baa loogu qaaday.
16ובודי גדול סוד החסידות אלהים נגלה בבשר נצדק ברוח נראה למלאכים הגד בגוים נתקבל באמונה בעולם נעלה בכבוד׃
16Oo muranla'aan qarsoodiga cibaadadu waa weyn yahay. Isaga jidh baa lagu muujiyey, oo ruux baa xaq laga caddeeyey, malaa'iguhuna way arkeen, quruumahana waa laga dhex wacdiyey, dunidana waa laga rumaystay, ammaanna kor baa loogu qaaday.