1אל תגער בזקן כי אם תזהירנו כאב לך ואת הצעירים כאחים׃
1Nin waayeel ah ha canaanan, laakiin u waani sida aabbe oo kale; dhallinyaradana u waani sida walaalo oo kale;
2את הזקנות כאמות ואת הצעירות כאחיות ובכל טהרה׃
2habrahana sida hooyooyin oo kale u waani, naagaha dhallintayarna sida walaalo oo kale, adigoo daahir ah.
3כבד את האלמנות אשר באמת אלמנות הנה׃
3Maamuus carmallada runta ah oo nimankoodii ka dhinteen,
4וכי יהיו לאלמנה בנים או בני בנים הם ילמדו לראשונה לעשות חסד עם ביתם ולשלם גמול לאבותם כי זה הוא טוב ורצוי לפני האלהים׃
4laakiin haddii naag carmal ahu carruur leedahay ama carruurteedu ay carruur leedahay, iyagu marka hore ha barteen inay dadkooda si cibaado leh kula macaamiloodaan, waalidkoodna u cawilceliyaan, waayo taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaah aqbali karo.
5אבל האלמנה באמת אשר נשארה יחידה שמה אלהים מבטחה ומתמדת בתפלות ובתחנות לילה ויומם׃
5Waayo, tii carmal run ah oo cidlootay, waxay rajo ku leedahay Ilaah, habeen iyo maalinna baryada iyo tukashada way sii waddaa.
6אך המענגה מתה היא בחייה׃
6Laakiin tii raaxaysi u noolaataa waa meyd intay nooshahay.
7וזאת תצוה למען תהיינה בלא דפי׃
7Waxyaalahan ku amar inay ceeb la'aadaan.
8אבל מי שלא יפרנס את קרוביו וביותר את בני ביתו כפר באמונה והוא גרוע מאשר איננו מאמין׃
8Laakiin qof hadduusan dadkiisa dhaqaalayn, khusuusan kuwa gurigiisa jooga, kaasu iimaankuu ka hor yimid, wuuna ka sii liitaa mid aan rumaysanayn.
9אלמנה אל תבחר זולתי בת ששים שנה ואשר היתה אשת איש אחד׃
9Ha la qoro carmal aan lixdan sannadood ka yarayn oo nin keliya naag u ahaan jirtay,
10ויש לה עדות על מעשיה הטובים שגדלה בנים והכניסה ארחים ירחצה את רגלי הקדשים ותמכה את העשוקים ורדפה כל מעשה טוב׃
10oo loogu marag furay inay shuqullo wanaagsan samaysay, hadday carruur korisay, hadday shisheeyaha marti soori jirtay, hadday quduusiinta cagaha u maydhay, hadday kuwii dhibaataysnaa u gargaartay, hadday shuqul kasta oo wanaagsan aad ugu dadaashay.
11אבל האלמנות הצעירות אל תקבל כי בהטות יצרן את לבן מן המשיח חשקות הן להיות לאיש׃
11Laakiinse carmallada dhallintayar diid, waayo, markay qooqaan ayay ka jeestaan Masiixa, oo waxay doonayaan inay guursadaan.
12ודינן עליהן כי בגדו באמונתן הראשונה׃
12Iimaankoodii hore way naceen, oo sidaas daraaddeed waa la xukumay.
13ועוד בהיותן עצלות למדו לשוטט מבית לבית ולא לבד עצלות כי אף מפטפטות ורדפות אחר חדשות ומדברות את אשר לא יתכן׃
13Waxay kaloo weliba bartaan inay caajisiin noqdaan, iyagoo iska wareegaya oo guriba guri uga baxaya; caajisiin oo keliyana ma ahaye, weliba way warsheeko badan yihiin, oo axwaalka dadka kalena way faraggeliyaan, iyagoo ku hadlaya waxyaalo aan waajib ku ahayn.
14על כן רצוני כי הצעירות תהיינה לאיש ללדת בנים ולהנהיג את בתיהן ולא לתת לאיב תאנה לחרף׃
14Haddaba waxaan doonayaa inay carmallada dhallintayaru guursadaan, oo carruur dhalaan, oo gurigooda u taliyaan, oo ayan cadowga isu jebin inuu caayo.
15כי יש מהן אשר כבר סרו אחרי השטן׃
15Waayo, hadda ka hor qaar baa xagga Shayddaanka u leexday.
16בן אמונה או בת אמונה שיש להם אלמנות יעזרו אתן ולא תהיינה למשא על הקהל כדי שיוכל להספיק לאלה אשר הנה אלמנות באמת׃
16Haddii naag rumaysanu ay leedahay carmallo ha u gargaarto iyaga, oo kiniisadda yaan la culaysin, si ay u gargaarto kuwa carmallada runta ah.
17הזקנים המיטיבים לנהל ראוים הם למשנה כבוד וביותר העמלים בדבר ובהוראה׃
17Waayeellada si wanaagsan wax ugu taliya ha lagu tiriyo kuwo istaahila in labanlaab loo maamuuso, khusuusan kuwa ku hawshooda waxwacdinta iyo waxbaridda.
18כי הכתוב אמר לא תחסם שור בדישו ועוד נאמר הפעל שוה בשכרו׃
18Waayo, Qorniinku wuxuu leeyahay, Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo. Wuxuu kaloo leeyahay, Shaqaalahu waa istaahilaa abaalgudkiisa.
19אל תקבל שטנה על הזקן בלתי אם על פי שנים או שלשה עדים׃
19Nin waayeel ah ashtako ha ku qaadin, laba ama saddex qof oo ku markhaati fura mooyaane.
20את החטאים תוכיח בפני כל למען ייראו גם האחרים׃
20Kuwa dembaaba inta kale oo dhan hortooda ku canaano in kuwa kalena ay cabsadaan.
21הנני מעיד בך נגד האלהים ואדנינו ישוע המשיח ונגד בחירי המלאכים אשר שמור תשמר את זאת בלי משפט נמהר ולא תעשה דבר במשא פנים׃
21Waxaan Ilaah iyo Ciise Masiix iyo malaa'igaha la doortay hortooda kugu waaninayaa inaad waxyaalahan ku dhawrtid eexashola'aan, oo aadan waxba samayn adoo dadka kala jeclaanaya.
22אל תהי נמהר בסמיכת ידיך על אדם ולא תשתתף לחטאת אחרים שמר את נפשך בטהרה׃
22Ninna gacmaha degdeg ha u saarin, dad kale dembiyadoodana ha ka qayb gelin. Nafsaddaada daahirsanaan ku dhawr.
23אל תרבה לשתות עוד מים כי אם קח מעט יין בעבור בטנך ואשר פעמים רבות חלה אתה׃
23Laakiinse hadda ka dib biyo oo keliya ha cabbin, illowse wuxoogaa yar oo khamri ah u cab calooshaada iyo cudurradaada mararka badan kugu soo noqnoqda daraaddood.
24יש בני אדם אשר חטאתיהם גלויות ומקדימות לדין ויש מהם אשר הנה הלכות אחריהם׃
24Dadka qarkood dembiyadoodu waa bayaan, oo waxay u hor marayaan xukunka, dadka qaarkoodna kuwoodu way daba socdaan.Sidaas oo kalena waxaa jira shuqullo wanaagsan oo bayaan ah, kuwa aan caynkaas ahaynna lama qarin karo.
25וככה גם המעשים הטובים גלוים המה ואשר אינם כן לא יוכלו להסתר׃
25Sidaas oo kalena waxaa jira shuqullo wanaagsan oo bayaan ah, kuwa aan caynkaas ahaynna lama qarin karo.