1וזאת תדע כי באחרית הימים יבאו עתים קשות׃
1Bal tan ogow, maalmaha ugu dambeeya waxaa iman doona wakhtiyo dhib badan.
2כי יהיו האנשים אהבי עצמם ואהבי בצע והוללים וגאים ומגדפים וממרים באבותם וכפויי טובה ולא חסידים׃
2Maxaa yeelay, dadku waxay ahaan doonaan kuwo naftooda jecel, iyo kuwo lacag jecel, iyo kuwo faan badan, iyo kuwo kibir badan, iyo kuwo caytan badan, iyo kuwo waalidkood caasi ku ah, iyo kuwo aan mahad naqin, iyo kuwo aan quduus ahayn,
3חסרי אהבה ובוגדים ומלשינים וזוללים ואכרזים ושנאי טוב׃
3iyo kuwo aan kalgacayl lahayn, iyo kuwo aan heshiis doonaynin, iyo kuwo wax xanta, iyo kuwo aan iscelin karin, iyo kuwo ba'an, iyo kuwo aan wanaagga jeclayn,
4ומסרים ופחזים וגבהי רוח והלכים אחרי תענוגים יותר מאחרי האלהים׃
4iyo kuwo gacangeliyayaal ah, iyo kuwo haad ah, iyo kuwo isla weyn, iyo kuwa raaxaysi jecel intii ay Ilaah jeclaan lahaayeen.
5ואשר דמיון חסידות להם ומכחשים בכחה ואתה סור מאלה׃
5Iyagu waxay haystaan u-ekaanta cibaadaysiga, laakiinse xooggiisay diidaan; kuwaas ka leexo.
6כי יש בהם הבאים בלאט אל הבתים ושבים נשים טעונות חטאים ונתעות בתאות שנות׃
6Waayo, kuwaas waxaa ka mid ah kuwa guryaha gala, oo ambiya naagaha caqliga la' oo dembiyadu ku raran yihiin, oo damacyada kala duduwanu ay la tageen,
7הלמדות תמיד ולעולם אינן יכלות לבוא לידיעת האמת׃
7oo weligood wax baranaya, laakiinse aan marnaba awoodin inay runta gartaan.
8כי כמו יניס וימבריס אשר קמו על משה כן גם אלה מתקוממים אל האמת אנשים אשר נשחתה דעתם ונמאסים בדבר האמונה׃
8Siday Yannees iyo Yambarees isu hor taageen Muuse, saas oo kalay kuwanuna runta isu hor taagaan; waana niman maankoodu kharribmay oo xagga iimaankana laga nacay.
9אכן לא יוסיפו להצליח כי שגעונם יגלה לכל כאשר קרה גם את האנשים ההם׃
9Laakiinse hore uma socon doonaan, waayo, nacasnimadoodu bayaan bay dadka oo dhan u noqon doontaa sidii ay kuwaas toodiiba u noqotay.
10אבל אתה הלכת אחרי בהוראה ובהנהגה וברצון ובאמונה ובארך הרוח ובאהבה ובסבלנות׃
10Laakiinse adigu waxaad raacday waxbariddayda, iyo socodkayga, iyo qasdigayga, iyo rumaysadkayga, iyo dulqaadashadayda, iyo jacaylkayga, iyo samirkayga,
11וברדיפות ובענוים אשר מצאוני באנטיוכיא ובאקוניא ובלוסטרא ואלה הרדיפות סבלתי ומכלן הצילני האדון׃
11iyo silecyadayda, iyo xanuunsigayga. Waxyaalihii xunxumaa ee igu dhacay markaan Antiyokh iyo Ikoniyon iyo Lustara joogay! Silecyadii badnaa ee aan u adkaystay! Oo kulligood Rabbigaa iga samatabbixiyey.
12וגם כל החפצים לחיות חיי חסידות במשיח ישוע המה ירדפו׃
12Runtii, kulli inta doonaysa inay si cibaado leh Ciise Masiix ugu noolaadaan waa la silcin doonaa.
13ואנשים רעים וקסמים יוסיפו סרה מתעים ונתעים׃
13Laakiinse dadka sharka leh iyo khaa'innadu aad iyo aad bay u sii xumaan doonaan, iyagoo wax khiyaaneeya, lana khiyaaneeyo.
14אבל אתה עמד במה שלמדת והבטחת כי יודע אתה מי הוא אשר למדת ממנו׃
14Laakiinse adigu ku sii soco waxyaalihii aad baratay oo aad hubsatay, adigoo garanaya kuwii aad ka baratay;
15ומנעוריך ידעת את כתבי הקדש היכלים להחכימך אל הישועה על ידי האמונה במשיח ישוע׃
15tan iyo yaraantaadii waxaad garanaysay qorniinka quduuska ah oo badbaadada kugu garansiin kara rumaysadka Ciise Masiix lagu rumaysto.
16כי כל הכתוב נכתב ברוח אלהים גם מועיל להורת ולהוכיח ולישר וליסר בצדק׃
16Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada;in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.
17למען אשר יהיה איש האלהים תמים ומהיר לכל מעשה טוב׃
17in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.