1ואלה תולדת בני נח שם חם ויפת ויולדו להם בנים אחר המבול׃
1Haddaba kuwanu waa farcankii wiilashii Nuux, kuwaas oo ahaa Sheem, Xaam iyo Yaafed: oo wiilal baa u dhashay iyaga daadkii dabadiis.
2בני יפת גמר ומגוג ומדי ויון ותבל ומשך ותירס׃
2Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.
3ובני גמר אשכנז וריפת ותגרמה׃
3Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Riifad, iyo Togarmaah.
4ובני יון אלישה ותרשיש כתים ודדנים׃
4Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim iyo Dodaaniim.
5מאלה נפרדו איי הגוים בארצתם איש ללשנו למשפחתם בגויהם׃
5Kuwaasay jasiiradihii quruumuhu ugu kala qaybsameen waddammadoodii, dad kasta sidii afkoodii, iyo qabiilooyinkoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.
6ובני חם כוש ומצרים ופוט וכנען׃
6Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud, iyo Kancaan.
7ובני כוש סבא וחוילה וסבתה ורעמה וסבתכא ובני רעמה שבא ודדן׃
7Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaah, iyo Racmaah, iyo Sabteka: wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa, iyo Dedaan.
8וכוש ילד את נמרד הוא החל להיות גבר בארץ׃
8Kuushna wuxuu dhalay Nimrod: wuxuuna bilaabay inuu noqdo mid dhulka xoog weyn ku leh.
9הוא היה גבר ציד לפני יהוה על כן יאמר כנמרד גבור ציד לפני יהוה׃
9Wuxuu ahaa ugaadhsade ku xoog weyn Rabbiga hortiisa: taas daraaddeed waxaa la yidhaahdaa, Sidii Nimrod ugaadhsade xoog weyn Rabbiga hortiisa.
10ותהי ראשית ממלכתו בבל וארך ואכד וכלנה בארץ שנער׃
10Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar.
11מן הארץ ההוא יצא אשור ויבן את נינוה ואת רחבת עיר ואת כלח׃
11Dhulkaas wuu ka tegey oo wuxuu galay Ashuur, wuxuuna dhisay Nineweh, iyo Rexobod, iyo Kaalah,
12ואת רסן בין נינוה ובין כלח הוא העיר הגדלה׃
12iyo Resen oo u dhexeeyey Nineweh iyo Kaalah, (taasuna waxay tahay magaalada weyn).
13ומצרים ילד את לודים ואת ענמים ואת להבים ואת נפתחים׃
13Misrayimna wuxuu dhalay Luudiim, iyo Canaamiim, iyo Lehaabiim iyo Naftuxiim,
14ואת פתרסים ואת כסלחים אשר יצאו משם פלשתים ואת כפתרים׃
14iyo Fatrusiim iyo Kasluxiim (oo ay reer Falastiin ka yimaadeen), iyo Kaftoriim.
15וכנען ילד את צידן בכרו ואת חת׃
15Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo ahaa curadkiisii, iyo Xeed;
16ואת היבוסי ואת האמרי ואת הגרגשי׃
16iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash;
17ואת החוי ואת הערקי ואת הסיני׃
17iyo reer Xiwi, iyo reer Carqi, iyo reer Siini;
18ואת הארודי ואת הצמרי ואת החמתי ואחר נפצו משפחות הכנעני׃
18iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad: dabadeedna qabiilooyinkii Kancaan way kala firdheen.
19ויהי גבול הכנעני מצידן באכה גררה עד עזה באכה סדמה ועמרה ואדמה וצבים עד לשע׃
19Oo soohdintii reer Kancaan waxay ka bilaabmaysay Siidoon, markii loo kaco xagga Geraar, ilaa Gaasa, oo markii loo kaco xagga Sodom iyo Gomora iyo Admah iyo Seboyim, ilaa Laashac.
20אלה בני חם למשפחתם ללשנתם בארצתם בגויהם׃
20Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Xaam, sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.
21ולשם ילד גם הוא אבי כל בני עבר אחי יפת הגדול׃
21Sheem oo aabbe u ahaa carruurtii Ceeber oo dhan, oo ahaa Yaafed walaalkiisii weynaa, isagana carruur baa u dhalatay.
22בני שם עילם ואשור וארפכשד ולוד וארם׃
22Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam.
23ובני ארם עוץ וחול וגתר ומש׃
23Wiilashii Araamna waxay ahaayeen Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mash.
24וארפכשד ילד את שלח ושלח ילד את עבר׃
24Arfaksadna wuxuu dhalay Salah; Salahna wuxuu dhalay Ceeber.
25ולעבר ילד שני בנים שם האחד פלג כי בימיו נפלגה הארץ ושם אחיו יקטן׃
25Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil: mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg; waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay; magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.
26ויקטן ילד את אלמודד ואת שלף ואת חצרמות ואת ירח׃
26Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah;
27ואת הדורם ואת אוזל ואת דקלה׃
27iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah;
28ואת עובל ואת אבימאל ואת שבא׃
28iyo Coobaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa;
29ואת אופר ואת חוילה ואת יובב כל אלה בני יקטן׃
29iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab: kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.
30ויהי מושבם ממשא באכה ספרה הר הקדם׃
30Meeshay degganaayeenna waxay ka bilaabmaysay Meesha, markii loo kaco xagga Sefaar, buurta bari.
31אלה בני שם למשפחתם ללשנתם בארצתם לגויהם׃
31Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Sheem; sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.Kuwanu waa qabiilooyinkii wiilashii Nuux; sidii farcankoodii iyo quruumahoodii ay ahaayeen; oo kuwanaa quruumuhu ka kala qaybsameen daadkii dabadiis.
32אלה משפחת בני נח לתולדתם בגויהם ומאלה נפרדו הגוים בארץ אחר המבול׃
32Kuwanu waa qabiilooyinkii wiilashii Nuux; sidii farcankoodii iyo quruumahoodii ay ahaayeen; oo kuwanaa quruumuhu ka kala qaybsameen daadkii dabadiis.