1יעקב עבד אלהים ואדנינו ישוע המשיח שאל לשלום שנים עשר השבטים הנפוצים׃
1Yacquub, oo ah addoonkii Ilaah iyo Rabbi Ciise Masiix, wuxuu salaan gaadhsiinayaa laba iyo tobanka qolo oo kala firidhsan.
2אך לשמחה חשבו לכם אחי כאשר תבאו בנסינות שונים׃
2Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada,
3בדעתכם כי בחן אמונתכם מביא לידי סבלנות׃
3idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento.
4והסבלנות שלמה תהיה בפעלה להיותכם שלמים ותמימים ולא תחסרו כל דבר׃
4Oo dulqaadashadu ha dhammayso shuqulkeeda si aad kaamil u ahaataan oo aad u dhanaataan, oo aydnaan waxba ugu baahnaan.
5ואיש מכם כי יחסר חכמה יבקשנה מאלהים הנותן לכל בנדיבה ובאין גערה ותנתן לו׃
5Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye.
6רק יבקש באמונה ובבלי ספק כי בעל ספק דומה לגלי הים הסער והנגרש׃
6Laakiin rumaysad ha ku baryo, isagoo aan shakiyayn, waayo, kii shakiyaa wuxuu la mid yahay hirka badda oo dabayshu kaxayso oo rogrogto.
7והאיש ההוא אל ידמה בנפשו כי ישא דבר מאת יהוה׃
7Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono.
8איש אשר חלק לבו הפכפך הוא בכל דרכיו׃
8Labaqalbiiluhu wuu ka rogrogmadaa socodkiisa oo dhan.
9אבל האח השפל יתהלל ברוממתו׃
9Walaalkii hooseeyaa ha ku faano sarraysiintiisa,
10והעשיר יתהלל בשפלותו כי יעבר כציץ החציר׃
10kii taajir ahuna ha ku faano hoosaysiintiisa, waayo, wuxuu u idlaan doonaa sida ubaxa cawska.
11כי זרח השמש בחמתו וייבש את החציר ויבל ציצו וחסד מראהו אבד כן יבול העשיר בהליכותיו׃
11Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.
12אשרי האיש העמד בנסיונו כי כאשר נבחן ישא עטרת החיים אשר הבטיח יהוה לאהביו׃
12Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel.
13אל יאמר המנסה האלהים נסני כי האלהים איננו מנסה ברע והוא לא ינסה איש׃
13Midna yuu odhanin kolkii la jirrabo, Xagga Ilaah baa layga jirrabay. Waayo, Ilaah laguma jirrabo shar, isaguna midna ma jirrabo.
14כי אם ינסה כל איש בתאות נפשו אשר תסיתהו ותפתהו׃
14Mid kasta waxaa jirraba damaciisa sharka ah isagoo la jiidanayo oo la sasabayo.
15ואחרי כן הרתה התאות ותלד חטא והחטא כי נשלם יוליד את המות׃
15Dabadeed damacu kolkuu uuraysto wuxuu dhalaa dembi, dembiguna kolkuu weynaado wuxuu keenaa dhimasho.
16אל תתעו אחי אהובי׃
16Yaan laydin khiyaanayn, walaalahayga aan jeclahayow.
17כל מתנה טובה וכל מנחה שלמה תרד ממעל מאת אבי האורות אשר חלוף וכל צל שנוי אין עמו׃
17Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho.
18הוא בחפצו ילד אותנו בדבר האמת להיותנו כמו ראשית בכורי יצוריו׃
18Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.
19על זאת אחי אהובי יהי כל איש מהיר לשמע קשה לדבר וקשה לכעוס׃
19Waad garanaysaan tan, walaalahayga aan jeclahayow. Laakiin nin walba ha u dhaqsado maqlinta, oo ha u gaabiyo hadalka, cadhadana ha u gaabiyo;
20כי כעס אדם לא יפעל צדקת אלהים׃
20waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah.
21לכן הסירו מעליכם כל טנוף ותרבות רעה וקבלו בענוה את הדבר הנטוע בכם אשר יכל להושיע את נפשתיכם׃
21Sidaas daraaddeed iska fogeeya wasakhnimada oo dhan iyo badnaanta xumaanta; oo qabownimo ku qaata hadalka laydinku tallaalay, kan naftiinna badbaadin kara.
22והיו עשי הדבר ולא שמעיו לבד לרמות את נפשכם׃
22Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya.
23כי האיש אשר רק שמע את הדבר ולא עשהו נמשל לאיש מביט את תאר הויתו במראה׃
23Waayo, haddii mid yahay kan hadalka maqla oo keliya, oo uusan ahayn kan yeela, wuxuu la mid yahay nin wejiga abuuristiisa muraayad ku fiirinaya.
24כי הביט אל מראהו וילך לו וברגע שכח מה תארו׃
24Waayo, wuu isfiiriyaa, oo iska tagaa, oo markiiba is-illoobaa siduu ahaa.
25אבל המשקיף בתורה השלמה תורת החרות ומחזיק בה אשר איננו שמע ושכח כי אם עשה בפעל אשרי האיש ההוא במעשהו׃
25Laakiin kii fiiriya sharciga kaamilka iyo xorriyadda ah oo ku sii socda, isagoo aan ahayn kan maqla oo illooba laakiin kan shuqulka yeela, kaasu waa ku barakaysnaan doonaa yeeliddiisa.
26איש מכם אם ידמה להיות עבד אלהים ואיננו שם רסן ללשנו כי אם מתעה הוא את לבבו עבדתו אך לריק תהיה׃
26Haddii mid isu maleeyo inuu cibaado badan yahay, oo uusan afkiisa xakamayn, laakiin uu qalbigiisa khiyaaneeyo, kaas cibaadadiisu waa wax aan waxtar lahayn.Cibaado daahir ah oo aan nijaas lahayn Ilaaha Aabbaha ah hortiisa waxay tahay in la xannaaneeyo agoonta iyo carmallada markay dhib ku jiraan, iyo in layska dhawro wasakhda dunida.
27זאת העבודה הטהורה והברה לפני האלהים אבינו לבקר את היתומים והאלמנות בלחצם ולשמר את עצמו נקי מחלאת העולם׃
27Cibaado daahir ah oo aan nijaas lahayn Ilaaha Aabbaha ah hortiisa waxay tahay in la xannaaneeyo agoonta iyo carmallada markay dhib ku jiraan, iyo in layska dhawro wasakhda dunida.