Hebrew: Modern

Somali

Leviticus

2

1ונפש כי תקריב קרבן מנחה ליהוה סלת יהיה קרבנו ויצק עליה שמן ונתן עליה לבנה׃
1Oo markii qof qurbaan hadhuudh ah Rabbiga u bixinayo, qurbaankiisu ha ahaado bur, oo waa inuu saliid ku shubaa, oo fooxna saaraa.
2והביאה אל בני אהרן הכהנים וקמץ משם מלא קמצו מסלתה ומשמנה על כל לבנתה והקטיר הכהן את אזכרתה המזבחה אשה ריח ניחח ליהוה׃
2Oo isagu ha u keeno wadaaddada wiilasha Haaruun ah, oo cantoobo muggeed ha ka qaato burka, iyo saliidda, iyo fooxa oo dhan, oo wadaadku xusuus ahaan meesha allabariga dusheeda ha ugu gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
3והנותרת מן המנחה לאהרן ולבניו קדש קדשים מאשי יהוה׃
3Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.
4וכי תקרב קרבן מנחה מאפה תנור סלת חלות מצת בלולת בשמן ורקיקי מצות משחים בשמן׃
4Oo markaad bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo foorno lagu dubay, ha ahaado moofo aan khamiir lahayn oo laga sameeyo bur saliid lagu daray, ama canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay.
5ואם מנחה על המחבת קרבנך סלת בלולה בשמן מצה תהיה׃
5Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo digsi lagu dubay, ha ahaado bur aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray.
6פתות אתה פתים ויצקת עליה שמן מנחה הוא׃
6Waa inaad cad cad u kala jejebisid oo aad saliid ku shubtid, waayo, waa qurbaan hadhuudh ah.
7ואם מנחת מרחשת קרבנך סלת בשמן תעשה׃
7Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo birdaawe lagu dubay, markaas ha laga sameeyo bur saliid lagu daray.
8והבאת את המנחה אשר יעשה מאלה ליהוה והקריבה אל הכהן והגישה אל המזבח׃
8Oo qurbaanka hadhuudhka ah oo waxyaalahaas laga sameeyey waa inaad Rabbiga u keentaa, oo waa in wadaadka loo dhiibaa, oo isna meesha allabariga ha keeno.
9והרים הכהן מן המנחה את אזכרתה והקטיר המזבחה אשה ריח ניחח ליהוה׃
9Oo wadaadku qurbaanka hadhuudhka ah waa inuu ka qaadaa intii xusuusta ahayd, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
10והנותרת מן המנחה לאהרן ולבניו קדש קדשים מאשי יהוה׃
10Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.
11כל המנחה אשר תקריבו ליהוה לא תעשה חמץ כי כל שאר וכל דבש לא תקטירו ממנו אשה ליהוה׃
11Qurbaan hadhuudh ah oo aad Rabbiga u bixinaysaan waa inaan khamiir lagu samayn, waayo, waa inaydaan khamiir iyo malab toona sidii qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo u gubin.
12קרבן ראשית תקריבו אתם ליהוה ואל המזבח לא יעלו לריח ניחח׃
12Iyaga waa inaad Rabbiga ugu bixisaan sidii qurbaan midhaha ugu horreeya ah, laakiinse waa inaan meesha allabariga loogu dul gubin caraf udgoon aawadeed.
13וכל קרבן מנחתך במלח תמלח ולא תשבית מלח ברית אלהיך מעל מנחתך על כל קרבנך תקריב מלח׃
13Oo qurbaan kasta oo ah qurbaankaaga hadhuudhka ah waa inaad cusbaysaa, oo waa inaadan innaba u oggolaan in cusbadii axdiga Ilaahaaga ay ka maqnaato qurbaankaaga hadhuudhka ah. Qurbaannadaada oo dhan waa inaad cusbo la bixisaa.
14ואם תקריב מנחת בכורים ליהוה אביב קלוי באש גרש כרמל תקריב את מנחת בכוריך׃
14Oo haddaad Rabbiga u bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo midhaha ugu horreeya ah, qurbaankaaga hadhuudhka ah oo midhaha ugu horreeya ah waxaad u bixisaa sabuul qoyan oo la dubay oo la tumay.
15ונתת עליה שמן ושמת עליה לבנה מנחה הוא׃
15Oo waa inaad saliid ku shubtaa, fooxna saartaa, waayo, taasu waa qurbaan hadhuudh ah.Oo wadaadku waa inuu gubaa intii xusuusta ahayd, oo qaarkeed ha ahaado hadhuudhka tuman, qaarkeedna ha ahaado saliiddeeda, iyo fooxeeda oo dhan, waayo, taasu waa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
16והקטיר הכהן את אזכרתה מגרשה ומשמנה על כל לבנתה אשה ליהוה׃
16Oo wadaadku waa inuu gubaa intii xusuusta ahayd, oo qaarkeed ha ahaado hadhuudhka tuman, qaarkeedna ha ahaado saliiddeeda, iyo fooxeeda oo dhan, waayo, taasu waa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.