Hebrew: Modern

Somali

Philemon

1

1פולוס אסיר המשיח ישוע וטימותיוס האח אל פילימון החביב והעזר אתנו׃
1Anigoo Bawlos ah oo Ciise Masiix maxbuus u ah, iyo walaalkeen Timoteyos, waxaannu warqaddan u qoraynaa Filemon oo ah gacaliyahayaga nala shaqeeya,
2ואל אפיה האהובה ואל ארכפוס חבר מלחמתינו ואל הקהלה אשר בביתך׃
2iyo walaashayo Afiya, iyo Arkhibbos oo askar nala ah, iyo kiniisadda gurigaaga ku taal.
3חסד לכם ושלום מאת אלהים אבינו ואדנינו ישוע המשיח׃
3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
4מודה אני לאלהי בכל עת בהזכירי אתך בתפלותי׃
4Had iyo goorba Ilaahay baan kuugu mahad naqaa, anigoo baryadayda kugu xusuusanaya,
5אחרי שמעי אהבתך ואמונתך אשר בך לאדנינו ישוע ולכל הקדושים׃
5waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato.
6למען אשר תאמץ התחברות אמונתך בדעת כל טוב אשר בכם לשם המשיח׃
6Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa.
7כי שמחה גדולה ונחמה יש לנו באהבתך באשר היתה רוחה למעי הקדושים אחי על ידיך׃
7Waayo, jacaylkaaga waxaan ku haystay farxad iyo dhiirranaan badan, maxaa yeelay, qalbiga quduusiinta adaa qabowjiyey, walaalkayow.
8לכן אף כי יש לי בטחון רב במשיח לצותך את הראוי לך הנה בחרתי למען האהבה לחלות את פניך׃
8Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,
9כאשר הנה אנכי פולוס איש זקן ועתה גם אסיר ישוע המשיח׃
9haddana waxaan ka jeclaan lahaa inaan ku baryo jacaylka aawadiis, anigoo ah duqii Bawlos, maxbuusna Ciise Masiix u ah.
10אבקשה ממך על בני אשר הוללתיו במוסרי על אניסימוס׃
10Waxaan kuu baryayaa wiilkayga Oneesimos oo aan dhalay anigoo xabbisan,
11אשר מלפנים לא הועיל לך ועתה הוא להועיל גם לך גם לי והשיבתיו אליך׃
11kii waagii hore aan waxtarka kuu lahaan jirin, haatanse adiga iyo anigaba wax ina tara.
12ואתה קבל נא אתו שהוא מעי׃
12Waan kuu soo celinayaa, isagoo qalbigayga ah.
13חפצתי לעצר אתו אצלי שישרתני תחתיך במוסרות הבשורה׃
13Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay.
14אבל בלי רצונך לא אביתי לעשות דבר למען לא תהיה טובתך באנס כי אם בנדבה׃
14Laakiinse ma aanan doonayn inaan sameeyo wax aadan ila ogayn, inaan wanaaggaagu noqon dirqi laakiinse uu noqdo ikhtiyaar.
15כי אולי נפרד ממך לשעה בעבור אשר יהיה לך לעולם׃
15Mindhaa wuxuu cabbaar kaaga maqnaa inaad weligaa haysatid;
16ומעתה לא כעבד כי אם למעלה מעבד כאח אהוב שכן הוא לי ביותר ואף כי לך הן בבשר הן באדון׃
16laakiinse aadan mar dambe u haysan addoon sidiis, illowse si mid addoon ka wanaagsan oo ah walaal aan khusuusan anigu jeclahay, laakiinse adigu aad iga sii jeceshahay, xagga jidhka iyo xagga Rabbigaba.
17והנה אם תחשבני לחבר לך תקבלנו כמוני׃
17Haddaba haddaad igu tirinaysid inaan ahay saaxiibkaaga wax kula wadaaga, isaga u aqbal sidaad ii aqbali lahayd.
18ואם הרע לך בדבר או חיב הוא לך דבר חשבהו לי׃
18Oo hadduu ku xumeeyey ama wax kaa qabo, aniga igu xisaab.
19אני פולוס כתבתי בידי אני אשלם ולא אמר כי אתה חיב לי גם את נפשך׃
19Anigoo Bawlos ah waxaan gacantayda ku qorayaa, Anigaa bixin doona. Kugu odhan maayo, Wax baan kugu leeyahay xataa naftaadaba ha noqotee.
20כן אחי אהנה נא ממך באדון נחם נא את מעי באדון׃
20Haah, walaalkayow, xagga Rabbiga farxad aan kaa helo, qalbigaygana xagga Masiixa ku qabowji.
21בבטחוני כי תשמע לי כתבתי אליך ויודע אני כי תעשה יותר ממה שאמרתי׃
21Waxaan aaminsanahay addeeciddaada, oo sidaas daraaddeed ayaan warqaddan kuugu soo qorayaa, anigoo garanaya inaad samaynaysid wax ka sii badan waxaan leeyahay.
22ועם זה גם תכין לי בית מלון כי אקוה אשר אנתן לכם על ידי תפלותיכם׃
22Isla markaasna ii diyaari meel aan ku hoydo; waayo, waxaan rajaynayaa in baryadiinna laygu kiin siiyo.
23אפפרס האסור אתי במשיח ישוע׃
23Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah,
24ומרקוס וארסטרכוס ודימס ולוקס עזרי שאלים לשלומך׃
24iyo Markos, iyo Aristarkhos, iyo Deemaas, iyo Luukos, kuwaas oo ila shaqeeya.Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.
25חסד ישוע המשיח אדנינו עם רוחכם אמן׃
25Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.