1בצאת ישראל ממצרים בית יעקב מעם לעז׃
1Markay reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen, Oo ay reerkii Yacquub dad af qalaad ka soo bexeen,
2היתה יהודה לקדשו ישראל ממשלותיו׃
2Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa quduuska ah, Israa'iilna noqday meeshuu u talinayay.
3הים ראה וינס הירדן יסב לאחור׃
3Baddii way aragtay, wayna carartay, Webi Urdunna dib baa loo celiyey.
4ההרים רקדו כאילים גבעות כבני צאן׃
4Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan, Kurihiina sidii baraar.
5מה לך הים כי תנוס הירדן תסב לאחור׃
5Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa? Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?
6ההרים תרקדו כאילים גבעות כבני צאן׃
6Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan? Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?
7מלפני אדון חולי ארץ מלפני אלוה יעקב׃
7Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa, Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah, Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.
8ההפכי הצור אגם מים חלמיש למעינו מים׃
8Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah, Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.