1וארא מלאך יורד מן השמים ובידו מפתח התהום וכבל גדול׃
1Oo markaasaan arkay malaa'ig samada ka degaysa, oo waxay gacanta ku haysatay furihii yaamayska iyo silsilad weyn.
2ויתפש את התנין את הנחש הקדמוני הוא המלשין והוא השטן ויאסרהו לאלף שנים׃
2Oo markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay,
3וישליכהו בתהום ויסגר בעדו ויחתם עליו למען לא ידיח עוד את הגוים עד כלות אלף השנים ואחרי כן יתר לזמן מצער׃
3oo waxay ku ridday yaamayskii, markaasay xidhay oo shaabad ku awday inaanu quruumaha mar dambe khiyaanayn ilamaa kunka sannadood ay dhammaadaan; oo taas ka dib waa in isaga la furo wakhti yar.
4וארא כסאות וישבו עליהם והמשפט נתן בידם ונפשות ההרוגים על עדות ישוע ועל דבר האלהים ואשר לא השתחוו לחיה ולצלמה ולא קבלו את תוה על מצחותם ועל ידם ויקומו ויחיו וימלכו עם המשיח אלף שנים׃
4Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.
5ושאר המתים לא קמו לחיים עד כלות אלף השנים זאת היא התחיה הראשונה׃
5Oo dadkii dhintay intoodii kalena sooma ay noolaan ilamaa ay kunkii sannadood dhammaadeen. Kanu waa sarakicidda kowaad.
6אשרי האיש וקדוש הוא אשר חלקו לקום בתחיה הראשונה באלה לא ישלט המות השני כי אם יהיו כהנים לאלהים ולמשיחו וימלכו אתו אלף שנים׃
6Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.
7ואחרי כלות אלף השנים יתר השטן מבית משמרו׃
7Oo markii kunkii sannadood ay dhammaadaan ayaa Shayddaanka laga furi doonaa xabsigii lagu xabbisay,
8ויצא להדיח את הגוים בארבע כנפות הארץ את גוג ומגוג ולקבצם למלחמה אשר מספרם כחול הים׃
8oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda.
9ויעלו על מרחבי ארץ ויסבו את מחנה הקדשים ואת העיר החביבה ותרד אש מאת האלהים מן השמים ותאכל אתם׃
9Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii.
10והשטן אשר הדיחם השלך באגם אש וגפרית אשר שם גם החיה ונביא השקר ויסרו יומם ולילה לעולמי עולמים׃
10Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba.
11וארא כסא לבן וגדול ואת הישב עליו אשר מפניו נסו ארץ ושמים ולא נמצא להם מקום׃
11Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.
12וארא את המתים הקטנים עם הגדלים עמדים לפני הכסא וספרים נפתחים ויפתח ספר אחר אשר הוא ספר החיים וישפטו המתים על פי הכתוב בספרים כמעשיהם׃
12Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen.
13ויתן הים את מתיו והמות והשאול נתנו את מתיהם וישפטו איש איש כמעשיהם׃
13Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen.
14והמות והשאול השלכו באגם האש והוא המות השני׃
14Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah.Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.
15וכל איש אשר לא נמצא כתוב בספר החיים השלך באגם האש׃
15Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.