1וארא כאשר פתח השה אחד מן שבעה החתמות ואשמע אחת מארבע החיות מדברת כקול רעם לאמר בא וראה׃
1Oo waan arkayay markii Wankii furay toddobadii shaabadood middood, oo waxaan maqlay afartii xayawaan midkood oo codkiisa la moodo onkod leh, Kaalay oo arag.
2ואביט והנה סוס לבן והרכב עליו קשת בידו ותנתן לו עטרה ויצא מנצח ולמען ינצח׃
2Oo bal eeg, waxaan arkay faras cad oo kii fuushanaana wuxuu haystay qaanso, oo waxaa isaga la siiyey taaj; oo wuxuu soo baxay isagoo guulaysanaya, wuxuuna u soo baxay inuu guulaysto.
3וכפתחו את החותם השני ואשמע את החיה השנית אמרת בא וראה׃
3Oo haddana markii uu furay shaabaddii labaad ayaa waxaan maqlay xayawaankii labaad oo leh, Kaalay oo arag.
4ויצא סוס שני והוא אדם ולרכב עליו נתן לשאת את השלום מן הארץ למען יהרגו איש את אחיו ותנתן לו חרב גדולה׃
4Markaasaa waxaa soo baxay faras kale oo xamar ah; oo kii fuushanaana waxaa la siiyey amar inuu dunida nabadda ka qaado iyo in dadka midba midka kale dilo; oo waxaa la siiyey seef weyn.
5וכפתחו את החותם השלישי ואשמע את החיה השלישית אמרת בא וראה ואביט והנה סוס שחר והרכב עליו מאזנים בידו׃
5Oo haddana markuu shaabadda saddexaad furay ayaa waxaan maqlay xayawaankii saddexaad oo leh, Kaalay oo arag. Oo bal eeg, waxaan arkay faras madow; oo kii fuushanaana wuxuu gacanta ku haystay miisaan.
6ואשמע קול מתוך ארבע החיות לאמר קב חטים בדינר ושלשה קבים שערים בדינר ואת השמן והיין אל תשחת׃
6Oo waxaan afartii xayawaan badhtankooda ka maqlay wax cod la moodo oo leh, Koombo sarreen ah qiimaheedu waa dinaar, saddex koombo oo shaciir ahna qiimahoodu waa dinaar, saliidda iyo khamrigana wax ha yeelin.
7וכפתחו את החותם הרביעי ואשמע את החיה הרביעית אמרת בא וראה׃
7Oo haddana markuu furay shaabaddii afraad ayaa waxaan maqlay xayawaankii afraad codkiisii oo leh, Kaalay oo arag.
8וארא והנה סוס ירקרק והרכב עליו שמו המות ושאול יוצאת לרגליו וינתן להם שלטן על רביעית הארץ להמית בחרב וברעב ובדבר ובחית הארץ׃
8Oo bal eeg, waxaan arkay faras cirro leh; oo kii fuushanaana magiciisu wuxuu ahaa Dhimasho; oo waxaa la socday Haadees. Oo waxaa iyaga la siiyey amar ay ku xukumaan dunida waaxdeed oo ay ku laayaan seef, iyo abaar, iyo dhimasho, iyo dugaagga dhulka.
9וכפתחו החותם החמישי וארא מתחת למזבח את נפשות הטבוחים על דבר האלהים ועל העדות אשר היתה להם׃
9Oo haddana markuu furay shaabaddii shanaad waxaan meeshii allabariga hoosteeda ku arkay nafihii kuwii loo dilay eraygii Ilaah aawadiis, iyo markhaatigii ay fureen aawadiis,
10ויזעקו בקול גדול ויאמרו עד מתי אדני הקדוש והאמתי לא תשפט ולא תקום את דמינו מישבי הארץ׃
10oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga?
11ויתן לאיש איש מהם שמלות לבנות ויאמר אליהם לנוח עוד זמן מעט עד מלאת מספר העבדים חברים ואחיהם העתידים להרג כמוהם׃
11Oo midkood kastaba waxaa la siiyey khamiis cad; oo waxaa loo sheegay inay wakhti yar sii nastaan ilamaa kuwa iyaga addoommada la ah iyo walaalahooda dhowaan sidoodii oo kale loo dili doono ay soo dhammaadaan.
12וארא בפתחו את החותם הששי והנה רעש גדול היה ויקדר השמש כשק שער והירח נהפך לדם׃
12Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale;
13וכוכבי השמים נפלו ארצה כאשר תנוע תאנה ברוח חזקה והשליכה פגיה׃
13oo xiddigihii samaduna waxay ku soo daateen dhulka sida geed berde ahi u tuuro midhihiisa aan bislaan markii dabayl weyni ruxdo.
14והשמים משו כספר נגלל וכל הר ואי הנתקו ממקומם׃
14Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey.
15ומלכי הארץ והרזנים ושרי האלפים והעשירים והתקיפים וכל עבד וכל בן חרים התחבאו במערות ובסלעי ההרים׃
15Oo boqorradii dunida, iyo amiirrada, iyo saraakiisha sare, iyo taajiriinta, iyo kuwa xoogga weyn ah, iyo addoon kasta iyo mid kasta oo xor ahuba, waxay ku dhuunteen godadka iyo dhagaxyada buuraha;
16ויאמרו אל ההרים ואל הסלעים נפלו עלינו וכסונו מפני הישב על הכסא ומפני חמת השה׃
16oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka,waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?
17כי בא יום עברתו הגדול ומי יוכל להתיצב׃
17waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?