Armenian: New Testament

Somali

Acts

12

1Այդ ատենները Հերովդէս թագաւորը ձեռք դրաւ եկեղեցիէն ոմանց վրայ՝ չարչարելու համար:
1Haddaba wakhtigaas boqorkii Herodos ahaa ayuu wuxuu gacmihiisa u fidiyey inuu dhibo qaar ka mid ah kuwa kiniisadda.
2Սուրով սպաննեց Յովհաննէսի եղբայրը՝ Յակոբոսը,
2Wuxuuna seef ku dilay Yacquub oo ahaa Yooxanaa walaalkiis.
3եւ տեսնելով թէ հաճելի է Հրեաներուն, շարունակելով բռնեց նաեւ Պետրոսը: (Բաղարջակերքի օրերն էին:)
3Oo markuu arkay inay ka farxisay Yuhuuddii, ayuu weliba ku daray inuu soo qabto Butros. Maalmahaasna waxay ahaayeen maalmihii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn.
4Երբ ձերբակալեց զայն՝ բանտը դրաւ, ու յանձնեց չորսական զինուորէ բաղկացած չորս ջոկատի՝ որպէսզի պահեն. եւ կը փափաքէր ներկայացնել զայն ժողովուրդին՝ Զատիկէն ետք:
4Oo kolkuu qabtayna, wuxuu ku riday xabsi, oo u dhiibay afar kooxood oo afar askari ah inay ilaaliyaan, isagoo doonaya inuu Iidda Kormaridda dabadeed dadka u soo saaro.
5Ուստի Պետրոս պահուած էր բանտին մէջ, բայց եկեղեցին ջերմեռանդութեամբ կ՚աղօթէր Աստուծոյ՝ անոր համար:
5Sidaas darteed Butros xabsigaa lagu hayay; laakiin kiniisadda baa Ilaah aad iyo aad ugu bariday isaga.
6Երբ Հերովդէս պիտի ներկայացնէր զայն դատարանին, այդ օրուան նախորդ գիշերը՝ Պետրոս կը քնանար երկու զինուորներու մէջտեղ՝ կրկին շղթաներով կապուած. իսկ պահապանները կը պահէին բանտը՝ դրան առջեւ:
6Oo markii Herodos damcay inuu soo saaro, isla habeenkaas Butros wuxuu kala dhex hurday laba askari isagoo ku xidhan laba silsiladood; waardiyayaalna albaabka hortiisa ayay xabsiga ka ilaalinayeen.
7Յանկարծ Տէրոջ հրեշտակը անոր վրայ հասաւ, ու լոյս մը փայլեցաւ տան մէջ: Ապա Պետրոսի կողը խթելով՝ արթնցուց զայն եւ ըսաւ. «Կանգնէ՛ շուտով»: Շղթաները վար ինկան անոր ձեռքերէն,
7Oo bal eega, malaa'igtii Rabbiga baa is-ag taagtay, oo iftiin baana xabsiga iftiimiyey. Markaasay Butros dhinaca ku dhufatay oo toosisay, oo waxay ku tidhi, Dhaqso u kac. Kolkaasaa silsiladihiina gacmihiisii ka dhaceen.
8ու հրեշտակը ըսաւ անոր. «Կապէ՛ գօտիդ ու հագի՛ր հողաթափներդ»: Ան ալ ըրաւ այնպէս: Յետոյ ըսաւ անոր. «Վրա՛դ առ հանդերձդ ու հետեւէ՛ ինծի»:
8Markaasaa malaa'igtii waxay ku tidhi, Gunto oo kabahaaga xidho. Taas buuna yeelay. Markaasay waxay ku tidhi isagii, Dharkaagii huwo oo i soo raac.
9Ան ալ դուրս ելլելով՝ հետեւեցաւ անոր. բայց չէր գիտեր թէ հրեշտակին կատարածը իրակա՛ն է, հապա կը կարծէր թէ տեսիլք կը տեսնէ:
9Markaasuu soo baxay oo raacay; ma uuna garanaynin in waxay malaa'igtu samaysay ay run tahay, laakiin wuxuu u maleeyey inuu riyo arkay.
10Երբ անոնք անցան առաջին ու երկրորդ պահապաններէն, եկան մինչեւ երկաթէ դուռը, որ քաղաքը կը տանէր եւ ինքնիրեն բացուեցաւ անոնց առջեւ: Անկէ դուրս ելլելով՝ փողոց մը անցան, ու հրեշտակը իսկոյն հեռացաւ անկէ:
10Oo markay dhaafeen waardiyihii kowaad iyo kii labaad ayay waxay yimaadeen iriddii birta ahayd oo magaalada loo mari jiray; taas oo iyagii isaga furantay; markaasay ka baxeen oo waxay sii dhex mareen jid yar; markiiba malaa'igtii waa ka tagtay isagii.
11Պետրոս ինքնիրեն գալով՝ ըսաւ. «Հի՛մա ճշմա՛րտապէս գիտեմ թէ Տէրը ղրկեց իր հրեշտակը եւ ազատեց զիս Հերովդէսի ձեռքէն ու Հրեաներու ժողովուրդին ամբողջ ակնկալութենէն»:
11Oo markii Butros isgartay ayuu wuxuu yidhi, Imminka run ahaantii waan garanayaa in Rabbigu malaa'igtiisii soo diray oo iga bixiyey gacanta Herodos iyo wixii dadka Yuhuuddu filanayeen oo dhan.
12Եւ գիտակից ըլլալով՝ գնաց Մարկոս մականուանեալ Յովհաննէսի մօր Մարիամի տունը, ուր շատեր համախմբուած կ՚աղօթէին:
12Kolkuu waxaas ka fikiray, wuxuu yimid gurigii Maryan, oo ahayd hooyadii Yooxanaa oo Markos la odhan jiray; meeshaasoo dad badan ku urursanaayeen oo ku tukanayeen.
13Երբ բախեց տան դուրսի դուռը, Հռովդէ անունով աղախին մը մօտեցաւ՝ մտիկ ընելու:
13Markuu albaabka iridda garaacayna, waxaa timid gabadh midiidin ah oo Roda la odhan jiray inay maqasho.
14Ճանչնալով Պետրոսի ձայնը՝ ուրախութենէն չբացաւ դուռը, հապա ներս վազելով՝ լուր տուաւ թէ Պետրոս կայնած է դրան առջեւ:
14Kolkay codkii Butros garatay, farxad darteed bay albaabka u furi weyday, laakiin gudaha bay ku orodday, wayna sheegtay in Butros iridda hor taagan yahay.
15Իսկ անոնք ըսին անոր. «Խելագարա՛ծ ես»: Բայց ինք կը պնդէր թէ այդպէ՛ս է: Անոնք ալ կ՚ըսէին. «Անոր հրեշտա՛կն է»:
15Markaasay waxay ku yidhaahdeen iyadii, Waad waalan tahay. Laakiin way ku sii adkaysatay inay sidaa tahay. Iyaguse waxay yidhaahdeen, Waa malaa'igtiisii.
16Սակայն Պետրոս կը շարունակէր բախել, ու երբ բացին՝ շշմեցան զինք տեսնելով:
16Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen.
17Իսկ ան ձեռքը շարժեց՝ որ անոնք լռեն, ու պատմեց անոնց թէ ի՛նչպէս Տէրը հանեց զինք բանտէն, եւ ըսաւ. «Պատմեցէ՛ք այս բաները Յակոբոսի ու եղբայրներուն»: Յետոյ մեկնեցաւ եւ գնաց ուրիշ տեղ մը:
17Laakiin isagoo u gacan haadinaya inay aamusaan ayuu wuxuu u sheegay sida Rabbigu xabsiga uga soo saaray. Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan u sheega Yacquub iyo walaalahaba. Markaasuu ka tegey oo meel kale aaday.
18Երբ առտու եղաւ, մեծ խլրտում կար զինուորներուն մէջ, թէ արդեօք Պետրոս ի՛նչ եղած էր:
18Markii waagu beryay, qasmid aan yarayn ayaa askartii ka dhex kacday waxa Butros ku dhacay aawadeed.
19Իսկ Հերովդէս, երբ փնտռեց զայն ու չգտաւ, հարցաքննեց պահապանները եւ հրամայեց որ մեռցուին: Ապա Հրէաստանէն իջաւ Կեսարիա, ու հոն կը կենար:
19Oo Herodos markuu raadiyey isagii oo heli waayay, ayuu wuxuu imtixaamay askartii, oo wuxuu ku amray in iyaga la laayo. Markaasuu Yahuudiya ka tegey oo Kaysariya aaday, oo meeshaasuu joogay.
20Հերովդէս չափազանց զայրացած էր Տիւրացիներուն եւ Սիդոնացիներուն դէմ: Անոնք ալ միաբանութեամբ եկան իրեն, ու հաշտութիւն խնդրեցին՝ համոզելով թագաւորին Բղաստոս սենեկապետը. որովհետեւ իրենց երկիրը կը կերակրուէր թագաւորին երկրէն:
20Dadka Turos iyo Siidoon ayuu aad uga xumaaday; markaasay u yimaadeen isagii iyagoo isku wada qalbi ah, oo waxay la saaxiibeen Balaastos kii gurigii boqorka u talin jiray, oo nabad bay ka baryeen, maxaa yeelay, waddankooda waxaa cuntada siin jiray waddankii boqorka.
21Որոշուած օր մը, Հերովդէս՝ հագած թագաւորական տարազը եւ բազմած դատարանը՝ կը ճառախօսէր անոնց:
21Maalintii la ballamay ayaa Herodos wuxuu gashaday dharkii boqornimada oo carshiga ku fadhiistay, markaasuu iyaga qudbad u jeediyey.
22Ամբոխն ալ կ՚աղաղակէր. “Ատիկա Աստուծո՛յ ձայն է, ո՛չ թէ մարդու”:
22Dadkiina waa qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu waa ilaah codkiis ee ma aha bini-aadan codkiis.
23Անմի՛ջապէս Տէրոջ հրեշտակը զարկաւ զայն՝ փառքը Աստուծոյ չտալուն համար. ու որդնալից ըլլալով՝ շունչը փչեց:
23Markiiba ayaa malaa'igtii Rabbigu ku dhufatay, maxaa yeelay, Ilaah ma uu ammaanin; markaasaa waxaa cunay dixiryo, oo naftiina ka dhacday.
24Իսկ Աստուծոյ խօսքը կ՚աճէր ու կը բազմանար:
24Laakiin Rabbiga ereygiisu waa kordhay oo batay.Barnabas iyo Sawlos ayaa ka soo noqday Yeruusaalem markay shuqulkoodii soo dhammaysteen, oo waxay wateen Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.
25Բառնաբաս եւ Սօղոս՝ երբ գործադրեցին իրենց յանձնուած սպասարկութիւնը՝ վերադարձան Երուսաղէմէն, իրենց հետ առնելով նաեւ Յովհաննէսը՝ որ Մարկոս մականուանեալ էր:
25Barnabas iyo Sawlos ayaa ka soo noqday Yeruusaalem markay shuqulkoodii soo dhammaysteen, oo waxay wateen Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.