Armenian: New Testament

Somali

Acts

25

1Երբ Փեստոս հասաւ իր իշխանութեան գաւառը, երեք օր ետք բարձրացաւ Կեսարիայէն Երուսաղէմ:
1Haddaba Feestos markuu soo galay gobolkii, ayuu saddex maalmood dabadeed Kaysariya ka tegey, oo wuxuu aaday Yeruusaalem.
2Քահանայապետն ու Հրեաներուն գլխաւորներն ալ յայտնեցին անոր իրենց ամբաստանութիւնը՝ Պօղոսի դէմ,
2Markaasaa wadaaddadii sare iyo raggii Yuhuudda u waaweynaa waxay isagii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah, wayna baryeen
3եւ աղաչեցին իրեն ու շնորհք խնդրեցին անոր դէմ՝ որ Երուսաղէմ կանչէ զայն. մինչ իրենք դարան կը պատրաստէին՝ ճամբան սպաննելու համար զայն:
3oo axsaan ka weyddiisteen inuu isaga Yeruusaalem u soo diro; iyagoo shirqool u dhigaya inay jidka ku dilaan.
4Սակայն Փեստոս պատասխանեց թէ Պօղոս պահուելու էր Կեսարիա, եւ թէ ինք շուտով պիտի մեկնէր հոն:
4Habase yeeshee Feestos wuxuu ugu jawaabay in Bawlos lagu dhawrayo Kaysariya, iyo in isaga qudhiisuba dhaqsiyo halkaas u aadayo.
5Ուստի ըսաւ. «Ձեզմէ անոնք որ կարող են՝ թող իջնեն ինծի հետ, ու եթէ յանցանք մը կայ այդ մարդուն վրայ՝ թող ամբաստանեն զինք»:
5Oo wuxuu ku yidhi, Haddaba kuwa idinku jira oo amarka lahu aniga ha ila tageen, oo haddii ninkaasu wax qallooc ah leeyahay, iyagu ha dacweeyeen isaga.
6Հոն ութ կամ տասը օրէ աւելի չկեցաւ՝՝, յետոյ իջաւ Կեսարիա. հետեւեալ օրը դատարանը բազմեցաւ եւ հրամայեց որ բերեն Պօղոսը:
6Oo markuu iyagii dhex joogay in aan ka badnayn siddeed ama toban maalmood, ayuu wuxuu aaday Kaysariya, kolkaasuu maalintii dambe fadhiistay kursigii xukumaadda, oo wuxuu amray in Bawlos la keeno.
7Երբ ան եկաւ, Երուսաղէմէն իջնող Հրեաները անոր շուրջը կայնեցան ու Պօղոսի վրայ բարդեցին բազմաթիւ եւ ծանր ամբաստանութիւններ, որ չէին կրնար ապացուցանել:
7Oo kolkuu yimid, Yuhuuddii Yeruusaalem ka timid ayaa hareerihiisii soo istaagtay, oo waxay keeneen dacwooyin badan oo waaweyn, oo ayan iyagu xaqiijin karin.
8Արդարեւ Պօղոս կը ջատագովէր ինքզինք՝ ըսելով. «Ես ո՛չ Հրեաներու Օրէնքին, ո՛չ տաճարին, ո՛չ ալ կայսրին դէմ մեղանչած եմ»:
8Markii Bawlos isdaafacayay, ayuu wuxuu yidhi, Anigu innaba kuma dembaabin sharciga Yuhuudda ama macbudka iyo Kaysar toona.
9Բայց Փեստոս, ուզելով Հրեաներուն շնորհք ընել, պատասխանեց Պօղոսի. «Կ՚ուզե՞ս բարձրանալ Երուսաղէմ ու հոն դատուիլ իմ առջեւս՝ այդ բաներուն համար»:
9Laakiin Feestos isagoo doonaya inuu Yuhuudda kaga farxiyo, ayuu wuxuu ku jawaabay oo Bawlos ku yidhi, Ma doonaysaa inaad Yeruusaalem tagto oo waxyaalahan halkaas hortayda lagugu xukumo?
10Պօղոս ալ ըսաւ. «Կայսրին դատարանը կայնած եմ, ուր պէտք է դատուիմ: Հրեաները անիրաւած չեմ, ինչպէս դուն ալ լաւ գիտես:
10Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Anigu waxaan hor taaganahay kursigii xukumaadda oo Kaysar; halkanay igu waajib tahay in laygu xukumo. Anigu Yuhuudda innaba xumaan kuma aan samayn, sidaad aad ugu og tahay.
11Արդարեւ եթէ անիրաւած եմ կամ ըրած եմ մահուան արժանի բան մը, չեմ մերժեր մեռնիլ: Բայց եթէ իմ վրաս ո՛չ մէկը կայ այն բաներէն՝ որոնց համար ասոնք կ՚ամբաստանեն զիս, ո՛չ մէկը կրնայ յանձնել զիս ատոնց: Կայսրի՛ն կը բողոքեմ»:
11Haddaba haddii aan xumaan falay oo aan galay wax dhimasho istaahila, geeri diidi maayo; laakiin waxyaalahan ay kuwanu igu dacwaynayaan haddii aan wax run ah lagu arag, ninna iima gacangelin karo iyaga. Waxaan u ashtakoonayaa Kaysar.
12Այն ատեն Փեստոս՝ խօսակցելէ ետք խորհրդականներուն հետ՝ պատասխանեց. «Կայսրի՛ն բողոքեցիր. կայսրի՛ն պիտի երթաս»:
12Markaasaa Feestos, markuu shirka la tashaday, ayuu wuxuu ku jawaabay, Kaysar baad u ashtakootay; Kaysar baad u tegaysaa.
13Քանի մը օր անցնելէ ետք, Ագրիպպաս թագաւորը եւ Բերինիկէ եկան Կեսարիա՝ բարեւելու Փեստոսը:
13Haddaba kolkii dhawr maalmood la soo dhaafay ayaa waxaa Kaysariya yimid oo Feestos soo salaamay boqor Agribba iyo Bernikee.
14Երբ շատ օրեր մնացին հոն, Փեստոս ներկայացուց թագաւորին Պօղոսի պարագան՝ ըսելով. «Հոս մարդ մը կայ՝ որ Փելիքս բանտարկուած ձգած է:
14Oo kolkii ay maalmo badan halkaas joogeen ayaa Feestos wuxuu boqorkii hor dhigay dacwadii Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa jira nin Feelikos ka tegey isagoo maxbuus ah;
15Երբ Երուսաղէմ գացի, քահանայապետներն ու Հրեաներուն երէցները յայտնեցին ինծի իրենց ամբաստանութիւնը, դատապարտութեան վճիռ խնդրելով անոր դէմ:
15kaasoo waagii aan Yeruusaalem joogay ay wadaaddadii sare iyo waayeelladii Yuhuuddu igu soo dacweeyeen iyagoo doonaya in la xukumo isagii.
16Անոնց պատասխանեցի թէ Հռոմայեցիներուն սովորութիւնը չէ մահուան մատնել մարդ մը, մինչեւ որ ամբաստանեալը իր դիմաց չունենայ ամբաստանողները, եւ պատեհութիւն չտրուի իրեն՝ ջատագովելու ինքզինք այդ յանցանքին դէմ:
16Iyagii waxaan ugu jawaabay oo ku idhi, Ma aha caadada reer Rooma in ninna xukumaad loo dhiibo intaan mudduciyaasha layska hor keenin muddacalayga oo la siin fursad uu isaga daafaco xaalka lagu ashtakeeyey.
17Ուստի երբ անոնք համախմբուեցան հոս, առանց որեւէ յետաձգումի՝ հետեւեալ օրը դատարանը բազմելով հրամայեցի որ բերեն մարդը:
17Haddaba markii ay halkan wada yimaadeen, anigu innaba siima aan raagin ee maalintii dambe ayaan waxaan ku fadhiistay kursigii xukumaadda, oo waxaan amray in ninka la keeno.
18Անոր ամբաստանողներն ալ ներկայանալով՝ իմ ենթադրած ամբաստանութիւններէս ո՛չ մէկը յառաջ բերին.
18Laakiin markii ay mudduciyaashii istaageen, ma ay keenin innaba wax xumaan ah oo u eg wixii aan filanayay;
19Հապա անոր հետ ունէին քանի մը հարցեր՝ իրենց կրօնին վերաբերեալ, ու Յիսուս անունով մեռածի մը մասին, որուն համար Պօղոս կը հաւաստէր թէ ողջ է:
19laakiin waxay lahaayeen su'aalo isaga ka gees ah oo ku saabsan diintooda iyo mid Ciise la odhan jiray oo dhintay, laakiin Bawlos leeyahay inuu nool yahay.
20Մինչ կը վարանէի այսպիսի հարցերու քննութեան համար, ըսի իրեն թէ կ՚ուզէ՛ր երթալ Երուսաղէմ եւ հո՛ն դատուիլ այս բաներուն համար:
20Haddaba anigoo ka shakiyaya sidii aan waxyaalahan u sii haybin lahaa, ayaan waxaan isagii weyddiistay bal inuu Yeruusaalem tegayo oo meeshaas lagu xukumo waxyaalahan iyo in kale.
21Բայց երբ Պօղոս բողոքեց որ վերապահուի՝ Օգոստափառ կայսրին դիմաց ելլելու, հրամայեցի որ պահեն զինք՝ մինչեւ որ ղրկեմ կայսրին»:
21Laakiin markii Bawlos doonayay in la sii hayo ilaa boqorku gar gooyo, waxaan amray in la sii hayo ilaa aan isaga Kaysar u diro.
22Ագրիպպաս ըսաւ Փեստոսի. «Ե՛ս ալ կ՚ուզէի մտիկ ընել այդ մարդուն»: Ան ալ ըսաւ. «Վաղը մտիկ կ՚ընես»:
22Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Aniguba waxaan jeclaan lahaa inaan ninka maqlo. Markaasuu yidhi, Berritaad maqlaysaa.
23Հետեւեալ օրը, երբ Ագրիպպաս ու Բերինիկէ եկան մեծ հանդէսով եւ մտան ունկնդրութեան տեղը՝ հազարապետներուն ու քաղաքին պատուաւոր մարդոց հետ, Փեստոս հրամայեց որ Պօղոսը բերուի:
23Sidaas daraaddeed maalintii dambe ayaa Agribba iyo Bernikee waxay la yimaadeen bandhig weyn, oo waxay soo galeen maxkamaddii, iyaga iyo nimankii sare iyo raggii magaalada ugu waaweynaa. Markaasaa Feestos wuxuu amray in Bawlos loo keeno.
24Փեստոս ըսաւ. «Ագրիպպա՛ս թագաւոր, եւ դո՛ւք ալ՝ բոլոր մարդիկ՝ որ մեզի հետ ներկայ էք, կը տեսնէ՛ք ասիկա՝ որուն մասին Հրեաներուն ամբողջ բազմութիւնը գանգատեցաւ ինծի Երուսաղէմի մէջ եւ հոս ալ, ու կը գոռային թէ “ա՛լ պէտք չէ որ ան ապրի”:
24Markaasaa Feestos wuxuu yidhi, Boqor Agribba iyo ragga kale oo halkan nala jooga oo dhammow, waxaad arkaysaan ninkan Yuhuudda badan oo dhammu ay iiga soo cabteen Yeruusaalem iyo halkanba, iyagoo ku qaylinaya, Waajib ma aha in ninkanu sii noolaado.
25Բայց ես ըմբռնեցի թէ ան մահուան արժանի ոչինչ ըրած է. եւ քանի որ ինք բողոքեց Օգոստափառ կայսր ին, որոշեցի որ ղրկեմ զայն:
25Laakiin waxaan ogaaday inuusan samayn innaba wax dhimasho istaahila; oo isaga qudhiisuba wuxuu u ashtakooday boqorka, sidaas daraaddeed waxaan goostay inaan isaga diro.
26Անոր մասին ստոյգ բան մը չունիմ գրելու իմ տիրոջս. ուստի ներկայացուցի զայն ձեզի, եւ մա՛նաւանդ քեզի՛, Ագրիպպա՛ս թագաւոր, որպէսզի ունենամ գրելիք բան մը՝ հարցաքննելէ ետք.
26Haddaba anigu ma hayo wax xaqiiqa ah oo ninkan ku saabsan oo aan sayidkayga u qoro. Sidaas daraaddeed ayaan isaga hortiinna u keenay, iyo khusuusan adiga hortaada, boqor Agribbow, in kolkii loo imtixaamo dabadeed aan helo wax aan qoro.Waayo, waxay ila eg tahay caqliyaraan in maxbuus la diro iyadoo aan aad loo xaqiijin wixii lagu ashtakeeyey.
27որովհետեւ ինծի անտրամաբանական կը թուի ղրկել բանտարկեալ մը՝ առանց նաեւ մատնանշելու անոր վրայ բարդուած յանցանքները»:
27Waayo, waxay ila eg tahay caqliyaraan in maxbuus la diro iyadoo aan aad loo xaqiijin wixii lagu ashtakeeyey.