1Իր տասներկու աշակերտները հաւաքելով՝ զօրութիւն ու իշխանութիւն տուաւ անոնց բոլոր դեւերուն վրայ, եւ ախտերը բժշկելու:
1Laba-iyo-tobankii ayuu isugu yeedhay, wuxuuna siiyey xoog iyo amar ay jinniyada oo dhan ku saaraan oo ay cudurro ku bogsiiyaan.
2Ու ղրկեց զանոնք՝ որ քարոզեն Աստուծոյ թագաւորութիւնը եւ բժշկեն հիւանդները:
2Wuuna diray inay boqortooyadii Ilaah ku wacdiyaan dadka oo ay bogsiiyaan kuwa buka.
3Ըսաւ անոնց. «Ճամբորդութեան համար ոչի՛նչ առէք, ո՛չ գաւազան եւ ո՛չ պարկ, ո՛չ հաց եւ ո՛չ դրամ. ո՛չ ալ կրկին բաճկոն ունեցէք՝՝:
3Wuxuuna ku yidhi, Waxba safarka ha u qaadanina, ama ul, ama qandi, ama kibis, ama lacag. Laba khamiisna ha qaadanina.
4Որո՛ւ տուն որ մտնէք՝ հո՛ն մնացէք, ապա անկէ մեկնեցէք:
4Guri alla gurigaad gashaan jooga, meeshaasna ka baxa.
5Իսկ անոնք որ չեն ընդունիր ձեզ, երբ դուրս ելլէք այդ քաղաքէն՝ թօթուեցէ՛ք ձեր ոտքերուն փոշին անգամ, իբր վկայութիւն անոնց դէմ»:
5Kuwa alla kuwii aan idin soo dhowayn, markaad magaaladaas ka baxdaan siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.
6Անոնք ալ մեկնեցան եւ գիւղէ գիւղ կը շրջէին, ամէնուրեք աւետարանելով ու բուժելով:
6Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.
7Հերովդէս չորրորդապետը՝ անոր բոլոր կատարածներուն մասին լսելով՝ տարակոյսի մէջ էր, որովհետեւ ոմանք ըսած էին.
7Markaasaa taliye Herodos maqlay waxa dhacay oo dhan, wuuna shakiyey, waayo, qaar baa yidhi, Yooxanaa ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay,
8«Յովհաննէս մեռելներէն յարութիւն առաւ», եւ ոմանք. «Եղիա յայտնուեցաւ», իսկ ուրիշներ ալ. «Նախկին մարգարէներէն մէկը յարութիւն առաւ»:
8qaarna waxay yidhaahdeen, Eliyaas ayaa soo muuqday, qaar kalena waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah ayaa soo sara kacay.
9Հերովդէս ըսաւ. «Յովհաննէսը ե՛ս գլխատեցի, իսկ ո՞վ պիտի ըլլայ ասիկա՝ որուն մասին այսպիսի բաներ կը լսեմ»: Ու կը ջանար տեսնել զայն:
9Markaasaa Herodos wuxuu yidhi, Yooxanaa madaxaan ka gooyay, Yuu yahay kan aan waxan ka maqlayo? Oo wuxuu doonayay inuu arko.
10Առաքեալները վերադարձան, ու պատմեցին անոր՝ ինչ որ ըրին. եւ առնելով զանոնք՝ մէկդի քաշուեցաւ ամայի տեղ մը, քաղաքի մը քով՝ որուն անունը Բեթսայիդա էր:
10Rasuulladii markay soo noqdeen ayay isaga u sheegeen wixii ay sameeyeen. Wuuna waday oo keli ahaan u kaxeeyey magaalada Beytsayda la odhan jiray.
11Երբ բազմութիւնները գիտցան՝ անոր հետեւեցան: Ինք ալ զանոնք ընդունելով՝ կը խօսէր անոնց Աստուծոյ թագաւորութեան մասին, եւ կը բժշկէր անո՛նք՝ որ բուժումի պէտք ունէին:
11Laakiin dadkii badnaa, goortay ogaadeen, way soo raaceen. Markaasuuna iyaga soo dhoweeyey, oo wuxuu kala hadlay wax ku saabsan boqortooyadii. Ilaah, oo kuwii u baahnaa in la bogsiiyona wuu bogsiiyey.
12Երբ օրը սկսաւ մթննալ՝ տասներկուքը մօտեցան եւ ըսին անոր. «Արձակէ՛ բազմութիւնը, որպէսզի երթան շրջակայ գիւղերն ու արտերը, իջեւանին եւ ուտելիք գտնեն, որովհետեւ հոս ամայի տեղ մըն ենք»:
12Goortii maalintii dhammaanaysay laba-iyo-tobankii ayaa yimid iyagoo ku leh, Dadka badan dir si ay u tagaan tuulooyinka iyo beeraha ku wareegsan, oo ay ugu hoydaan oo cunto uga helaan, waayo, meeshan cidlada ah ayaynu joognaa.
13Ըսաւ անոնց. «Դո՛ւք անոնց կերակուր տուէք»: Անոնք ալ ըսին. «Մենք հինգ նկանակէն ու երկու ձուկէն աւելի բան չունինք, եթէ չերթանք այդ ամբողջ ժողովուրդին համար կերակուր չգնենք»:
13Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.
14(Արդարեւ հինգ հազարի չափ այր մարդիկ կային:) Ըսաւ իր աշակերտներուն. «Նստեցուցէ՛ք ատոնք՝ յիսունական շարքերով»:
14Waayo, waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin. Wuxuu xertiisii ku yidhi, U fadhiisiya koox koox konton konton ah.
15Այդպէս ըրին, ու բոլորն ալ նստեցուցին:
15Sidaasay yeeleen oo wada fadhiisiyeen.
16Ինք ալ առաւ այդ հինգ նկանակներն ու երկու ձուկերը, դէպի երկինք նայելով՝ օրհնեց զանոնք, կտրեց ու տուաւ աշակերտներուն, որպէսզի հրամցնեն բազմութեան:
16Markaasuu wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay, ayuu barakeeyey, oo kala jejebiyey, oo xertiisii siiyey, inay dadkii badnaa hortooda dhigaan.
17Կերան, բոլորն ալ կշտացան, եւ վերցնելով աւելցած բեկորները՝ տասներկու կողով լեցուցին:
17Markaasay cuneen oo ka wada dhergeen; waxaana la guray jajabkii ka hadhay oo laba iyo toban dambiilood ah.
18Երբ ինք առանձին կ՚աղօթէր, աշակերտները իրեն հետ էին, եւ հարցուց անոնց. «Բազմութիւնները ինծի համար ի՞նչ կ՚ըսեն, ո՞վ եմ»:
18Intuu keli ahaan u tukanayay, ayaa xertiisii la joogtay, markaasuu weyddiiyey isagoo leh, Dadkii badnaa yay igu sheegaan?
19Անոնք ալ պատասխանեցին. «Ոմանք՝ Յովհաննէս Մկրտիչը, ուրիշներ՝ Եղիան, ուրիշներ ալ՝ նախկին մարգարէներէն մէկը, որ յարութիւն առած է»:
19Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Eliyaas, qaarna waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah oo soo sara kacay.
20Ինք ըսաւ անոնց. «Իսկ դո՛ւք ի՞նչ կ՚ըսէք, ո՞վ եմ»: Պետրոս պատասխանեց. «Աստուծոյ Քրիստո՛սը»:
20Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Masiixii Ilaah.
21Յիսուս ազդարարեց անոնց, ու պատուիրեց որ ո՛չ մէկուն ըսեն այս բանը:
21Laakiin wuu waaniyey oo wuxuu ku amray inaanay ninna waxaas u sheegin,
22Եւ ըսաւ. «Պէտք է որ մարդու Որդին շատ չարչարանքներ կրէ, մերժուի երէցներէն, քահանայապետներէն եւ դպիրներէն, սպաննուի ու յարութիւն առնէ երրորդ օրը»:
22isagoo leh, Waxay waajib ugu tahay Wiilka Aadanahu inuu wax badan ku xanuunsado, oo ay waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimmadu diidaan, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo.
23Եւ կ՚ըսէր բոլորին. «Եթէ մէկը ուզէ գալ իմ ետեւէս՝ թող ուրանայ ինքզինք, ամէն օր վերցնէ իր խաչը ու հետեւի ինծի.
23Markaasuu wuxuu kulligood ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana maalin walba ha soo qaato oo ha i soo raaco.
24որովհետեւ ո՛վ որ ուզէ փրկել իր անձը՝ պիտի կորսնցնէ զայն, իսկ ո՛վ որ կորսնցնէ իր անձը՝ ինծի համար, պիտի փրկէ զայն:
24Waayo, kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday, kaasaa badbaadin doona.
25Քանի որ մարդ ի՞նչ օգուտ կ՚ունենայ, եթէ շահի ամբողջ աշխարհը բայց կորսնցնէ ինքզինք, կամ տուժէ:
25Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu islumiyo oo khasaaro?
26Որովհետեւ ո՛վ որ ամօթ սեպէ զիս եւ իմ խօսքերս դաւանիլը, մարդու Որդին ալ ամօթ պիտի սեպէ զայն դաւանիլը՝ երբ գայ իր ու Հօր եւ սուրբ հրեշտակներուն փառքով:
26Maxaa yeelay, ku alla kii ka xishooda aniga iyo ereygaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga, goortuu ku yimaado ammaantiisa iyo ammaanta Aabbihiis iyo tan malaa'igaha quduuska ah.
27Բայց ճշմա՛րտապէս կը յայտարարեմ ձեզի. “Հոս կայնողներէն կան ոմանք՝ որ մահ պիտի չհամտեսեն, մինչեւ որ տեսնեն Աստուծոյ թագաւորութիւնը”»:
27Laakiin run baan idiin sheegayaa, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah.
28Այս խօսքերէն գրեթէ ութ օր ետք՝ առնելով Պետրոսը, Յովհաննէսն ու Յակոբոսը՝ լեռը ելաւ աղօթելու:
28Abbaaraha siddeed maalmood hadalladan dabadood waxaa dhacay inuu waday Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, oo buurtuu fuulay inuu ku tukado,
29Մինչ կ՚աղօթէր, իր երեսին տեսքը փոխուեցաւ, եւ իր պատմուճանը ճերմակ ու փայլուն եղաւ:
29oo intuu tukanayay, araggii wejigiisa ayaa si kale noqday, dharkiisuna caddaan ayuu la dhalaalayay.
30Եւ ահա՛ երկու մարդիկ կը խօսակցէին իրեն հետ. անոնք֊ Մովսէսն ու Եղիան,
30Oo bal eeg, laba nin ayaa la hadlayay isaga, waxayna ahaayeen Muuse iyo Eliyaas,
31փառքով երեւցած, եւ կը խօսէին անոր այս կեանքէն մեկնումին մասին, որ պիտի իրագործուէր Երուսաղէմի մէջ:
31oo ammaan ku soo muuqday, oo waxay kala hadlayeen dhimashadiisa uu Yeruusaalem dhowaan ku dhammayn lahaa.
32Պետրոս ու անոր հետ եղողները քունով ծանրացած էին. երբ արթնցան, տեսան անոր փառքը եւ այդ երկու մարդիկը՝ որ անոր քով կեցած էին:
32Laakiin Butros iyo kuwii la jiray ayaa hurdo la cuslaaday; oo goortay tooseen ayay arkeen ammaantiisa iyo labadii nin oo la taagan.
33Երբ անոնք զատուեցան անոր քովէն, Պետրոս ըսաւ Յիսուսի. «Վարդապե՛տ, լաւ է որ կենանք հոս եւ շինենք երեք վրան, մէկը՝ քեզի, մէկը՝ Մովսէսի ու մէկը՝ Եղիայի». որովհետեւ չէր գիտեր թէ ի՛նչ կը խօսէր:
33Kolkay ka tegayeen waxaa dhacay in Butros ku yidhi Ciise, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno, haddaba saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan ku dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas, waayo, ma uu garanaynin wuxuu leeyahay.
34Մինչ այսպէս կը խօսէր, ամպ մը եկաւ եւ հովանի եղաւ անոնց վրայ. ու երբ անոնք ամպին տակ մտան՝ վախցան:
34Intuu waxaas lahaa, waxaa timid daruur oo iyagay hadhaysay, wayna baqeen kolkay daruurtii galeen.
35Ձայն մը եկաւ ամպէն՝ ըսելով. «Ա՛յս է իմ սիրելի Որդիս, անո՛ր մտիկ ըրէք»:
35Daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.
36Երբ լսեցին այդ ձայնը՝ Յիսուս մինակ մնաց: Իրենք ալ լուռ կեցան, եւ այդ օրերը ո՛չ մէկուն բան մը պատմեցին իրենց տեսածներէն:
36Goortii codkii ahaaday Ciise keliya ayaa la arkay; markaasay iska aamuseen, oo maalmahaas ninna uma ay sheegin wixii ay arkeen.
37Հետեւեալ օրը, երբ անոնք լեռնէն վար իջան, մեծ բազմութիւն մը դիմաւորեց զայն:
37Maalintii xigtay, goortay buurta ka soo degeen, waxaa dhacay in dad badni la kulmay isaga.
38Բազմութենէն մարդ մը գոչեց. «Վարդապե՛տ, կ՚աղերսե՜մ քեզի, նայէ՛ որդիիս, քանի որ իմ մէկ հատիկս է:
38Oo bal eeg, nin dadkii badnaa ka mid ah ayaa qayliyey isagoo leh, Macallimow, waxaan kaa baryayaa inaad wiilkayga eegto, waayo, waa madigayga,
39Ահա՛ ոգի մը կը բռնէ զինք, ինք ալ յանկարծ կ՚աղաղակէ. ոգին զինք ցնցելով կը փրփրցնէ, ու հազիւ կը հեռանայ իրմէ՝ ջախջախելով զինք:
39oo bal eeg, jinni baa qabsada, oo dhaqsiba wiilkaa qayliya, jinniguna waa gilgilaa, oo wiilku afkuu ka xumbeeyaa; dhib ayaa jinnigu kaga baxaa, isagoo aad u burburinaya.
40Աղերսեցի քու աշակերտներուդ՝ որ դուրս հանեն զայն, բայց չկրցան»:
40Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.
41Յիսուս պատասխանեց. «Ո՛վ անհաւատ ու խոտորեալ սերունդ, մինչեւ ե՞րբ ձեզի հետ պիտի ըլլամ եւ ձեզի հանդուրժեմ: Հո՛ս բեր որդիդ»:
41Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilkaaga halkan keen.
42Երբ կը մօտենար, դեւը գետին զարկաւ զայն ու սաստիկ ցնցեց:
42Intuu weli soo socday, jinnigii ayaa jeexjeexay oo gilgilay. Markaasaa Ciise jinnigii wasakhda lahaa canaantay, wiilkiina ayuu bogsiiyey oo aabbihiis ku celiyey.
43Իսկ Յիսուս սաստեց անմաքուր ոգին, բժշկեց պատանին եւ տուաւ զայն իր հօր:
43Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa.
44Բոլորը կ՚ապշէին Աստուծոյ մեծամեծ գործերուն վրայ: Մինչ բոլորն ալ կը սքանչանային Յիսուսի բոլոր ըրածներուն վրայ, ան ըսաւ իր աշակերտներուն. «Դուք այս խօսքերը ձեր մի՛տքը պահեցէք՝՝, որովհետեւ մարդու Որդին պիտի մատնուի մարդոց ձեռքը»:
44Hadalladanu ha galeen dhegihiinna, waayo, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelin doonaa.
45Բայց անոնք չէին հասկնար այս խօսքը, եւ անոնցմէ ծածկուած էր՝ որպէսզի չըմբռնեն. ու կը վախնային հարցնել իրեն այդ խօսքին մասին:
45Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, waana laga qariyey si ayna u garan, wayna ka cabsadeen inay hadalkas wax ka weyddiiyaan.
46Մտածում մըն ալ ծագեցաւ անոնց մէջ, թէ արդեօք ո՛վ է մեծագոյնը իրենց մէջ:
46Waxaa ka dhex kacday dood ay islahaayeen, Kee baa ahaan doonaa kan inoo weyn.
47Յիսուս ըմբռնելով անոնց սիրտին մտածումը՝ առաւ մանուկ մը, կայնեցուց զայն իր քով,
47Laakiin Ciise markuu gartay fikirrada qalbigooda ayuu ilmo qaaday oo is-ag joojiyey,
48ու ըսաւ անոնց. «Ո՛վ որ կ՚ընդունի այս մանուկը իմ անունովս՝ զի՛ս կ՚ընդունի, եւ ո՛վ որ զիս կ՚ընդունի՝ զիս ղրկո՛ղը կ՚ընդունի. որովհետեւ ա՛ն որ ամենէն պզտիկն է ձեր բոլորին մէջ, անիկա՛ պիտի ըլլայ մեծը»:
48markaasuu ku yidhi iyaga, Ku alla kii magacayga ku aqbala ilmahan, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, wuxuu aqbalaa kii i soo diray, waayo, kii idiinku wada yar, kaas ayaa u weyn.
49Յովհաննէս ըսաւ. «Վարդապե՛տ, մէկը տեսանք որ դեւեր կը հանէր քու անունովդ, եւ արգիլեցինք զայն՝ քանի որ մեզի չի հետեւիր»:
49Yooxanaa baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu aragnay qof magacaaga jinniyo ku saaraya, oo waannu u diidnay, waayo, isagu nama uu soo raaco.
50Յիսուս ըսաւ անոր. «Մի՛ արգիլէք, որովհետեւ ա՛ն որ մեզի հակառակ չէ, մեր՝՝ կողմէն է»:
50Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Ha u diidina, waayo, kan aan idinka gees ahayn waa idinla gees.
51Երբ իր աշխարհէն վերանալու ժամանակը հասաւ՝՝, հաստատապէս որոշեց՝՝ Երուսաղէմ երթալ:
51Goortii wakhtigii isaga kor loo qaadi lahaa uu dhowaaday, wuxuu wejigiisa u jeediyey inuu Yeruusaalem tago.
52Եւ իր առջեւէն ղրկեց պատգամաւորներ, որոնք երբ գացին՝ մտան Սամարացիներուն մէկ գիւղը, որպէսզի պատրաստութիւն տեսնեն իրեն համար:
52Markaasuu hortiisa cid u diray, oo intay tageen ayay galeen tuulo reer Samaariya ah inay wax u diyaariyaan isaga.
53Բայց չընդունեցին զայն, որովհետեւ անոր երեսը դէպի Երուսաղէմ ուղղուած էր:
53Iyaguse ma ay dhowayn, waayo, wejigiisa ayaa u jeeday xagga Yeruusaalem.
54Երբ իր աշակերտները՝ Յակոբոս ու Յովհաննէս՝ տեսան ասիկա, ըսին անոր. «Տէ՛ր, կ՚ուզե՞ս որ ըսենք, որպէսզի երկինքէն կրակ իջնէ եւ սպառէ զանոնք, ինչպէս Եղիա ալ ըրաւ»:
54Markaasaa xertiisii Yacquub iyo Yooxanaa goortay arkeen, waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, ma doonaysaa inaannu dab amarno inuu cirka ka soo dego oo baabbi'iyo?
55Դարձաւ ու յանդիմանեց զանոնք՝ ըսելով. «Չէք գիտեր թէ ի՛նչ հոգիի տէր էք.
55Isaguse waa ku jeestay oo canaantay iyaga, oo ku yidhi, Garan maysaan caynkii ruuxa aad ka tihiin.
56որովհետեւ մարդու Որդին եկաւ ո՛չ թէ մարդոց անձերը կորսնցնելու, հապա՝ փրկելու՝՝»: Եւ ուրիշ գիւղ մը գացին:
56Markaasay waxay aadeen tuulo kale.
57Երբ անոնք ճամբան կ՚երթային, մէկը ըսաւ անոր. «Տէ՛ր, պիտի հետեւիմ քեզի՝ ո՛ւր որ երթաս»:
57Oo intay jidka ku socdeen nin baa ku yidhi isaga, Waan ku raacayaa meel alla meeshaad tagtidba.
58Յիսուս ըսաւ անոր. «Աղուէսները որջեր ունին, ու երկինքի թռչունները՝ բոյներ, բայց մարդու Որդին տե՛ղ մը չունի՝ ուր հանգչեցնէ իր գլուխը»:
58Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbirraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu madaxiisa dhigo ma leh.
59Ուրիշի մըն ալ ըսաւ. «Հետեւէ՛ ինծի»: Իսկ ան ըսաւ. «Տէ՛ր, արտօնէ՛ ինծի, որ նախ երթամ՝ թաղեմ հայրս»:
59Mid kalena ayuu ku yidhi, I soo raac. Laakiin isagu wuxuu ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso.
60Յիսուս ըսաւ անոր. «Թո՛ղ մեռելներուն՝ թաղել իրենց մեռելները, իսկ դուն գնա՛ ու քարոզէ՛ Աստուծոյ թագաւորութիւնը»:
60Laakiin wuxuu ku yidhi, Iska daa, meydadku ha aaseen meydadkooda, laakiin adigu bax oo boqortooyadii Ilaah ku naadi.
61Ուրիշ մըն ալ ըսաւ. «Տէ՛ր, պիտի հետեւիմ քեզի. բայց արտօնէ՛ որ նախ հրաժեշտ առնեմ տանս մէջ եղողներէն»:
61Mid kale ayaa yidhi, Sayidow, waan ku raacayaa, laakiin horta ii oggolow inaan kuwa gurigayga jooga ku soo idhaahdo, Nabadgelyo.Ciise ayaa ku yidhi, Ma jiro nin gacantiisa mixaraatka saara oo dib u eega, oo u qalma boqortooyada Ilaah.
62Յիսուս ըսաւ անոր. «Ո՛չ մէկը՝ որ կը դնէ ձեռքը մաճին վրայ ու ետեւ կը նայի՝ յարմար է Աստուծոյ թագաւորութեան»:
62Ciise ayaa ku yidhi, Ma jiro nin gacantiisa mixaraatka saara oo dib u eega, oo u qalma boqortooyada Ilaah.