Kabyle: New Testament

Somali

Romans

5

1Tura imi nuɣal d iḥeqqiyen s liman, ters-ed lehna gar-aɣ d Ṛebbi s Ssid-nneɣ Ɛisa Lmasiḥ.
1Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;
2Yis daɣen i nufa abrid s liman ɣer ṛṛeḥma n Sidi Ṛebbi i deg nella tura. Lfeṛḥ-nneɣ, d asirem nesɛa belli a nțekki di lɛaḍima n Sidi Ṛebbi.
2kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah.
3Ula di lmeḥnat, nețțili di lfeṛḥ axaṭer neẓra lmeḥna tețțawi-d ṣṣbeṛ,
3Oo taas oo keliya ma aha, laakiinse waxaynu ku faraxnaa dhibaatooyinkeenna, innagoo og in dhibaatadu dulqaadasho keento;
4ṣṣbeṛ isseǧhad deg ujeṛṛeb, lǧehd deg ujeṛṛeb ițțawi-d asirem.
4dulqaadashaduna aqoon dheer, aqoonta dheeruna rajo;
5Asirem-agi ulac deg-s lexdeɛ, axaṭer leḥmala n Sidi Ṛebbi teẓẓa deg ulawen-nneɣ s Ṛṛuḥ iqedsen i ɣ-d-yețțunefken ;
5rajaduna inama ceebayso, maxaa yeelay, jacaylka Ilaah baa qalbiyadeenna ku dhex shubmay, oo waxaa ku shubay Ruuxa Quduuska ah oo layna siiyey.
6asm'akken i ɣ-iɣleb ddnub ur s-nezmir ara, Lmasiḥ yemmut ɣef ddemma n imednuben di lweqt ilaqen.
6Waayo, innagoo weli itaaldaran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn.
7Iwɛeṛ i wemdan ad iqbel ad immet ɣef ddemma n uḥeqqi ; ahat ad yili win ara iqeblen ad immet ɣef ddemma n wemdan yelhan ;
7Mar dhif ah mid waa u dhintaa nin xaq ah, mindhaase qof waa ku dhici lahaa inuu nin wanaagsan u dhinto.
8ma d Lmasiḥ, nețța yemmut fell-aɣ m'akken nella d imednuben ; s wakka i ɣ-d-ibeggen Sidi Ṛebbi leḥmala-ines.
8Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.
9Imi nuɣal tura d iḥeqqiyen ɣer Sidi Ṛebbi s idammen n Lmasiḥ yuzzlen fell-aɣ, yis daɣen ara nețțusellek seg urrif n Sidi Ṛebbi.
9Haddaba haddaynu haatan dhiiggiisa xaq ku noqonnay, de si ka badanna isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah.
10Asm'akken nella d iɛdawen-is, yefka-d Mmi-s iwakken s lmut-is a ɣ-issemṣaleḥ yid-es. Tura imi nemṣalaḥ d Sidi Ṛebbi, a nețțusellek daɣen s tudert n Mmi-s.
10Waayo, haddii, intaynu col la ahayn, Ilaah inagula heshiiyey dhimashadii Wiilkiisa, de si ka badanna, innagoo la heshiis ah, ayaynu ku badbaadi doonnaa noloshiisa,
11Mačči d ayagi kan, lameɛna tura lfeṛḥ-nneɣ atan di Sidi Ṛebbi, s Sidna Ɛisa Lmasiḥ i ɣ-issemṣalaḥen yid-es.
11oo taas oo keliyana ma ahaane, weliba waxaynu ku faraxnaa Ilaah xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, kan aynu haatan heshiiska ku helnay.
12S wakka ihi, ddnub ikcem-ed ɣer ddunit s yiwen wemdan, amdan agi d Adem ; ddnub-agi yewwi-d lmut, lmut tețțawi akk imdanen, axaṭer imdanen meṛṛa denben.
12Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay;
13Uqbel a d-yefk Sidi Ṛebbi ccariɛa i Musa, ddnub yella yakan di ddunit ; meɛna imdanen ur țțuḥasben ara s ccariɛa imi urɛad i d-tusi.
13waayo, dembigu duniduu ku jiray intaan sharcigu iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin.
14?as akka, si zzman n Adem armi d zzman n Sidna Musa lmut teḥkem ula ɣef yemdanen ur nɛuṣa ara Ṛebbi am akken i t-iɛuṣa Adem, nețța yellan d lemtel n win ara d-yasen.
14Habase ahaatee waagii Aadan ilaa Muuse dhimashadu waxay u talisay xataa kuwii aan u dembaabin sidii xadgudubkii Aadan kan ah masaalka kan iman lahaa.
15Ur nezmir ara a nmettel ddnub n Adem ɣer lemziya d ṛṛeḥma n Sidi Ṛebbi ; Adem iɛuṣa Sidi Ṛebbi yiwet n tikkelt yewwi-d lmut i yemdanen meṛṛa, acḥal ihi meqqṛet ṛṛeḥma n Sidi Ṛebbi i d-yețțunefken i yemdanen s Ɛisa Lmasiḥ.
15Hadiyaddu ma aha sida dembiga, waayo, haddii nin keliya dembigiis kuwa badanu u dhinteen, de in ka sii badan waxaa kuwa badan u badatay nimcada Ilaah iyo hadiyadda nin nimcadiis ku timid, kan ah Ciise Masiix.
16Ṛṛeḥma-agi n Sidi Ṛebbi mačči am ddnub n yiwen wemdan. Axaṭer yiwen n ddnub yewwi-d lḥisab d lɛiqab, ma d ṛṛeḥma n Sidi Ṛebbi, tețțekkes lḥisab d lɛiqab ɣef waṭas n ddnubat.
16Hadiyaddu ma aha sida mid qof dembaabay ku timid, waayo, mid xukunkiis wuxuu keenay ciqaab, laakiin hadiyaddu waxay dembiyo badan ugu timid inay xaq ka dhigto kuwo badan.
17Ma yella lmut teḥkem ɣef yemdanen meṛṛa s ddnub n yiwen wemdan, ihi wid iwumi d-tețțunefk ṛṛeḥma d lḥeqq, ad ḥekmen yerna ad idiren s Ɛisa Lmasiḥ.
17Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix.
18S wakka, ddnub n yiwen wemdan yesseɣli-d lɛiqab ɣef yemdanen meṛṛa, akken daɣen lḥeqq i gexdem yiwen wemdan, yewwi-d leslak i gessidiren imdanen meṛṛa.
18Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun, sidaas oo kalena nin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan.
19Ihi am akken ɛeṣṣu n yiwen wemdan, yerra aṭas n yemdanen d imednuben, akken daɣen ṭṭaɛa n yiwen wemdan terra aṭas n yemdanen d iḥeqqiyen.
19Waayo, sida nin keliya caasinimadiisii kuwa badan dembilayaal looga dhigay, sidaas oo kalena nin keliya addeeciddiis ayaa kuwa badan xaq looga dhigi doonaa.
20Ccariɛa tger-ed iman-is iwakken a d-tbeggen acḥal meqqeṛ ddnub, lameɛna anda yekteṛ ddnub, ṛṛeḥma n Sidi Ṛebbi meqqṛet akteṛ.
20Sharciguna wuxuu u yimid inuu dembigu bato, laakiinse meeshii dembigu ku batay, nimcaduna way ka sii badatay aad iyo aad;in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.
21S wakka ddnub yeḥkem s lmut, ma d ṛṛeḥma n Sidi Ṛebbi teḥkem s lḥeqq, tețțawi ɣer tudert n dayem s Ɛisa Lmasiḥ Ssid-nneɣ.
21in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.