1Og du, stem i en klagesang over Israels fyrster
1Oo weliba waxaad u baroorataa amiirrada reer binu Israa'iil,
2og si: Hvad er din mor? En løvinne. Mellem løver hvilte hun; blandt unge løver opfødde hun sine unger.
2oo waxaad tidhaahdaa, Hooyadaa maxay ahayd? Gool bay ahayd! oo libaaxyay dhex jiiftay, oo waxay dhasheedii ku dhex korisay libaaxyo yaryar.
3Og hun opfostret en av sine unger*; han blev en ung løve, og han lærte å rane og røve, han åt mennesker. / {* Joakas.}
3Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.
4Men hedningefolk fikk høre om ham; i deres grav blev han fanget, og de førte ham med neseringer til Egyptens land.
4Quruumihii baa warkiisii maqlay, oo waxaa isagii lagu qabtay godkoodii, oo dalkii Masar bay qabatooyin ku keeneen.
5Da hun så at hun hadde ventet forgjeves, at hennes håp var gått til grunne, tok hun en annen av sine unger* og gjorde ham til en ung løve. / {* Jojakin.}
5Haddaba iyadu markay isagii wax badan sugtay oo ay ka rajo beeshay waxay qaadatay mid kale oo dhasheedii ah, oo waxay ka dhigtay libaax aaran ah.
6Han gikk omkring blandt løver; han blev en ung løve, og han lærte å rane og røve, han åt mennesker.
6Oo isaguna libaaxyaduu dhex socday, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.
7Han voldtok deres enker og ødela deres byer, og landet og alt det der var, blev forferdet ved lyden av hans brøl.
7Qalcadahoodii buu yiqiin, oo magaalooyinkoodiina cidla buu ka dhigay, oo dalkii iyo wixii dhexdiisa ka buuxayba baabba' bay noqdeen, waana codka cidiisa aawadiis.
8Da satte folkene fra landskapene rundt omkring sitt garn op imot ham og spente det ut over ham; han blev fanget i den grav de hadde gravd.
8Markaasaa quruumihii dhinac kasta kaga keceen oo gobolladii oo dhan ka soo hujuumeen, oo shabaggoodii bay ku kor kala bixiyeen, oo godkoodaa lagu qabtay.
9Så satte de ham med krok i nesen i et bur og førte ham til kongen i Babel; der satte de ham i en fast borg, forat hans røst ikke mere skulde høres på Israels fjell.
9Oo intay qabatooyin ku qabteen ayay khafas ku rideen, oo boqorkii Baabuloon bay u keeneen, oo waxay ku rideen qalcado xoog badan si aan codkiisa mar dambe buuraha reer binu Israa'iil looga maqlin.
10Mens du levde i ro, var din mor som et vintre plantet ved vann; fruktbart og fullt av grener var det, fordi det hadde meget vann.
10Hooyadaa waxay ahayd sidii geed canab ah oo dhiiggaaga ku dhex jira oo biyo lagu ag beeray. Biyaha badan daraaddood ayay wax midho badan iyo laamo miidhan ah u noqotay.
11Og det fikk sterke grener, tjenlige til herskerspir, og hevet sig høit op mellem skyene, og det falt i øinene ved sin høide og sine mange ranker.
11Oo waxay lahayd laamo adadag oo ulo u ah kuwa xukunka hayay, oo sarajooggeeduna wuxuu ka sii sara maray geedaha laamahooda waaweyn, oo dhererkeedu wuxuu la muuqday laameheeda badan aawadood.
12Da blev det rykket op i harme og kastet til jorden, og østenvinden tørket bort dets frukt; dets sterke grener blev revet av og tørket bort; ild fortærte dem.
12Laakiinse iyadii cadhaa lagu rujiyey, oo dhulkaa lagu soo xooray, oo dabayshii bari ayaa midheheedii qallajisay, laameheedii adadkaana way jajabeen oo engegeen, oo dab baa iyagii baabbi'iyey.
13Og nu er det plantet i ørkenen, i et tørt og tørstende land.
13Oo haddana waxaa iyadii lagu dhex beeray cidlada, taasoo ah dhul engegan oo oommanaa.Oo dab baa laameheedii ka soo dhex baxay, oo midhaheedii dhammeeyey, oo sidaas aawadeed iyadu ma leh laan adag oo ul wax lagu xukumo noqon karta. Tanu waa baroorasho, oo baroorashay u noqon doontaa.
14Og det gikk ut ild fra dets kvistede gren*; den fortærte dets frukt, og det er ikke mere nogen sterk gren på det til herskerspir. Dette er en klagesang, og til en klagesang skal det bli. / {* d.e. fra Sedekias; ESK 17, 13 fg.}
14Oo dab baa laameheedii ka soo dhex baxay, oo midhaheedii dhammeeyey, oo sidaas aawadeed iyadu ma leh laan adag oo ul wax lagu xukumo noqon karta. Tanu waa baroorasho, oo baroorashay u noqon doontaa.