1Og du menneskesønn, ta dig en mursten og legg den foran dig og riss på den en by, Jerusalem,
1Wiilka Aadamow, xabbad leben ah soo qaad oo hortaada dhig, oo waxaad ku dul taswiirtaa magaalo, taasoo ah Yeruusaalem,
2og reis bolverk mot den og bygg skanser mot den og kast op en voll mot den og still op leire mot den og sett murbrekkere mot den rundt omkring!
2oo iyada weerar, qalcadona ku hareeree, oo tuulmona ku tuul, oo xerooyinna hareereheeda ka dhis, oo wax lagu dumiyona ku wareeji.
3Og ta dig så en jernpanne og sett den som en jernvegg mellem dig og byen og vend ditt ansikt mot den, så den blir kringsatt, og du kringsetter den. Dette skal være et tegn for Israels hus.
3Oo weliba birdaawe soo qaad, oo waxaad ka dhigtaa derbi bir ah oo adiga iyo magaalada u dhexeeya, oo wejigaagana waxaad u sii jeedisaa xaggeeda, oo iyana waa la weerari doonaa, oo adiguna waa inaad iyada weerar u dhigtaa. Oo taasu calaamad bay u noqon doontaa reer binu Israa'iil.
4Og så skal du legge dig på din venstre side og legge Israel-folkets misgjerning på den! I så mange dager som du ligger på den side, skal du bære deres misgjerning;
4Oo weliba dhinacaaga bidix u jiifso, oo waxaad kor saartaa xumaantii dadka dalka Israa'iil. Maalmaha aad ku jiifto inta tiradoodu tahay oo kale ayaad xumaantooda sidi doontaa.
5og jeg vil la deres misgjernings år for dig bli like så mange dager - tre hundre og nitti dager - så lenge skal du bære Israel-folkets misgjerning.
5Waayo, waxaan ku dul saaray sannadihii xumaantooda, inta maalmaha tiradoodu tahay saddex boqol iyo sagaashan maalmood, oo sidaasaad xumaanta dadka dalka Israa'iil u sidi doontaa.
6Og når du er kommet til ende med dem, så skal du annen gang legge dig på din høire side og bære Juda-folkets misgjerning; i firti dager, en dag for hvert år, vil jeg la dig bære den.
6Oo markaad intaas dhammaysid, haddana waxaad u jiifsataa dhinacaaga midig, oo waxaad afartan maalmood sidi doontaa xumaantii dadka dalka Yahuudah, maalin kastaba sannad baan kaaga dhigay.
7Og du skal vende ditt åsyn og din nakne arm mot det kringsatte Jerusalem og profetere mot det.
7Oo waxaad wejigaaga u jeedisaa weerarka Yeruusaalem xaggiisa, iyadoo gacantaadu qaawan tahay, oo waa inaad iyada wax ka sii sheegtaa.
8Og se, jeg legger rep om dig, så du ikke kan vende dig fra den ene side til den andre, før du er kommet til ende med de dager du holder det kringsatt.
8Oo bal ogow, anigu xadhkaan kugu xidhxidhi doonaa, oo waa inaadan hadba dhinac isu rogin ilaa aad dhammaysid maalmihii weerarkaaga.
9Og ta dig så hvete og bygg og bønner og linser og hirse og spelt og legg dem i ett kar og bak dig brød av dem! I så mange dager som du ligger på din ene side, i tre hundre og nitti dager, skal du ete det.
9Oo weliba waxaad soo qaadataa sarreen, iyo shaciir, iyo digir, iyo misir, iyo hadhuudh, iyo heed, oo kulligood isku weel ku shub, oo kibis ka samayso, oo maalmaha aad dhinaca u jiifto intay tiradoodu tahay in le'eg, oo ah saddex boqol iyo sagaashan maalmood, waa inaad cuntaa.
10Og den mat som du eter, skal være efter vekt, tyve sekel til hver dag; fra tid til tid skal du ete den.
10Oo cuntada aad cuni doontaana waa inay ahaataa mid la miisaamay, oo maalintii labaatan sheqel ayaa kuu go'an, oo waa inaad goor ka goor cuntaa.
11Det vann du drikker, skal også være efter mål, sjettedelen av en hin; fra tid til tid skal du drikke det.
11Oo biyahana waa inaad qiyaas u cabtaa, oo waxaa kuu go'an hiin lix meelood loo dhigay meeshiis, oo waa inaad goor ka goor cabtaa.
12Som en byggkake skal du ete det, med menneskeskarn skal du steke det for deres øine.
12Oo cuntadaadana waxaad u cuntaa sida kibis shaciireed oo kale, oo waxaad ku dubataa xaar dad iyadoo ay indhaha ku hayaan.
13Og Herren sa: Således skal Israels barn ete sitt brød urent blandt de folk som jeg vil drive dem bort til.
13Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Sidaas oo kale ayaa reer binu Israa'iil kibistooda nijaasowday ugu dhex cuni doonaan quruumihii aan iyaga u kaxayn doonoba.
14Da sa jeg: Akk, Herre, Herre! Se, min sjel er ikke blitt uren, og noget selvdødt eller sønderrevet har jeg ikke ett fra min ungdom like til nu, og det er ikke kommet urent kjøtt i min munn.
14Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, naftaydu weligeed ma ay nijaasoobin, waayo, tan iyo yaraantaydii iyo ilaa haddatan marnaba ma aan cunin wax bakhtiyey ama wax bahal bakhtiistay toona, oo hilib karaahiyo ahuna innaba afkayga ma gelin.
15Så sa han til mig: Vel, jeg vil la dig ta kumøkk i stedet for menneskeskarn, så du kan steke ditt brød over den.
15Markaasuu igu yidhi, Bal eeg, xaar dad waxaan kuugu beddelay xaar lo', oo waa inaad cuntadaada ku diyaarsataa.
16Og han sa til mig: Menneskesønn! Se, jeg sønderbryter brødets stav i Jerusalem, og de skal ete brød efter vekt og med bekymring og drikke vann efter mål og med forferdelse,
16Oo weliba wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal ogow, usha kibista ayaan Yeruusaalem ku dhex jebin doonaa, oo iyagu waxay kibista ku cuni doonaan miisaan iyo digtoonaan, oo biyahana waxay ku cabbi doonaan qiyaas iyo yaab,si ay baad iyo biyo u waayaan oo uu midkoodba kan kale ula welwelo, oo ay xumaantooda aawadeed u wada baabba'aan.
17så de skal lide mangel på brød og vann og forferdes, den ene med den andre, og visne bort i sin misgjerning.
17si ay baad iyo biyo u waayaan oo uu midkoodba kan kale ula welwelo, oo ay xumaantooda aawadeed u wada baabba'aan.