1Utsagn om Syne-dalen*. Hvad fattes dig siden alt ditt folk er steget op på takene? / {* d.e. Jerusalem, hvor profetene skuet syner fra Herren; JES 22, 5.}
1Kanu waa war culus ee dooxada muujinta ku saabsan.
2Du larmfulle, du brusende stad, du jublende by! Dine drepte er ikke drept med sverd og ikke død i krig.
2Magaalada qaylada iyo bulxanku ka buuxaanay, magaalada farxadda badanay, kuwa dhexdaada lagu laayay seef laguma layn, dagaalna kuma ay dhiman.
3Dine høvdinger har alle sammen flyktet bort, uten bue er de fanget; alle som fantes i dig, er fanget, enda de hadde flyktet langt bort.
3Taliyayaashaadii oo dhammu way wada carareen, oo qaansola'aan iyagoo ah ayaa la xidhay. Inta lagaa helay oo dhan waa la wada xidhay in kastoo ay meel fog u carareen.
4Derfor sier jeg: Se bort fra mig! Jeg må gråte bittert. Treng ikke inn på mig for å trøste mig over mitt folks undergang!
4Sidaas daraaddeed ayaan idhi, Aniga iga sii jeesta. Si qadhaadh baan u ooyi doonaa, ha isku daalinnina inaad dadkayga iiga qalbi qabowjisaan.
5For en dag med forferdelse og nedtramping og forvirring holder Herren, Israels Gud, hærskarenes Gud, i Syne-dalen*; murer brytes ned, og skrik lyder op imot fjellet. / {* JES 22, 1.}
5Waayo, waa maalin ay naxdin iyo kutumasho iyo isku qasnaanu Sayidka ah Rabbiga ciidammada ka iman doonaan oo ay dooxada muujinta ku dhici doonaan, waana wakhti derbiyada la dumin doono oo buuraha lagu qaylin doono.
6Elam* bærer kogger, drar frem med stridsmenn på vogner og med ryttere, og Kir** har tatt dekket av sitt skjold. / {* JES 21, 2.} / {** 2KG 16, 9.}
6Oo reer Ceelaam wuxuu qaatay gabooyihii, oo gaadhifardoodyo iyo rag fardo fuushan baa la socday, oo reer Qiirna gaashaankii buu daaha ka qaaday.
7Dine herligste daler fylles med vogner, og rytterne stiller sig op imot portene.
7Oo waxay noqotay in dooxooyinkaagii ugu wacanaa gaadhifardoodyo ka buuxsameen, ragga fardooleyda ahuna waxay isku diyaariyeen iridda horteeda.
8Så tar Herren dekket bort fra Juda, og du ser dig på den dag om efter rustningene i skoghuset*, / {* 1KG 7, 2 fg.}
8Oo isna wuxuu banneeyey daahii dadka Yahuudah, oo adna maalintaas waxaad aad u fiirisay hubkii guriga kaynta yiil.
9og I ser at Davids stad har mange revner, og I samler vannet i den nedre dam,
9Oo weliba waxaad aragteen in daldaloolka magaalada Daa'uud ay badan yihiin, oo waxaad isku soo wada ururiseen biyihii balliga hoose.
10og I teller Jerusalems hus, og I river husene ned for å styrke muren,
10Oo waxaad tiriseen guryihii Yeruusaalem, oo waxaad guryihii u dumiseen inaad derbiga adkaysaan.
11og I gjør en grav mellem begge murene for vannet fra den gamle dam; men I ser ikke op til ham som gjorde dette*, og ham som uttenkte det for lang tid siden, ser I ikke. / {* det som rammer Jerusalem. 2KG 19, 25. JES 37, 26.}
11Oo weliba biyihii balligii hore waxaad biyoxidheen uga samayseen labada derbi dhexdooda laakiinse ma aydaan fiirin kii waxan sameeyey, mana aydaan u jeedsan kii waa hore sameeyey.
12Herren, Israels Gud, hærskarenes Gud, kaller eder den dag til gråt og veklage og til å rake hodet og binde sekk om eder.
12Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.
13Men se, der er fryd og glede; de slakter okser, de slakter får, de eter kjøtt og drikker vin; [de sier:] La oss ete og drikke, for imorgen dør vi!
13Oo bal eega, waxaa jira farxad iyo rayrayn, dibi la qalo iyo ido la gowraco, hilib la cuno iyo khamri la cabbo, oo waxaa la yidhaahdaa, Aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonaaye.
14Men i mine ører lyder Herrens, hærskarenes Guds åpenbaring: Sannelig, denne misgjerning skal I ikke få utsonet så lenge I lever, sier Herren, Israels Gud, hærskarenes Gud.
14Oo Rabbiga ciidammada ayaa waxan dhegaha ii saaray. Sida xaqiiqada ah xumaantan laydinkama maydhi doono jeeraad dhimataan, ayaa Sayidka ah Rabbiga ciidammadu leeyahay.
15Så sier Herren, Israels Gud, hærskarenes Gud: Gå inn til denne overhovmester Sebna, han som står for huset, og si:
15Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Kac, oo waxaad u tagtaa Shebnaa oo ah khasnajiga guriga u sarreeya, oo waxaad ku tidhaahdaa,
16Hvad har du her, og hvem har du her, siden du her har hugget dig ut en grav, du som hugger dig ut en grav i høiden, huler dig ut en bolig i berget?
16Waadiga qabrigaagii halkan ka qotay, oo xabaashaadiina meel sare ka qotay, oo dhagaxana hoy ka samaystay, bal maxaad halkan ku samaynaysaa? Oo yaad halkan ku haysataa?
17Se, Herren skal slynge dig, ja slynge dig bort, mann! Han skal rulle dig sammen,
17Bal eeg, ninka xoogga badanow, Rabbigu xoog buu kuu tuuri doonaa. Aad buu kuu qaban doonaa.
18han skal nøste dig til et nøste og kaste dig som en ball bort til et vidtstrakt land; dit skal du, og der skal du dø, og dit skal dine herlige vogner, du skamflekk for din herres hus!
18Oo hubaal sida kubbad oo kale ayuu kugu wadhfin doonaa dhul weyn oo ballaadhan, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo gaadhifardoodyadii sharaftaaduna halkaasay joogi doonaan, adigoo ah ceebta gurigii sayidkaaga.
19Jeg vil støte dig bort fra din post, og fra din plass skal du bli kastet ned.
19Oo waxaan kaa eryi doonaa derejadaada, oo jagada aad joogtona isagaa kaa soo dejin doona.
20Og på den dag vil jeg kalle min tjener Eljakim, Hilkias' sønn,
20Oo waxaan maalintaas u yeedhi doonaa addoonkayga Elyaaqiim ina Xilqiyaah.
21og jeg vil klæ ham i din kjortel og binde ditt belte om ham og gi din makt i hans hånd, og han skal være en far for Jerusalems innbyggere og for Judas hus.
21Oo waxaan isaga huwin doonaa shuluggaaga, oo waxaan ku adkayn doonaa dhex-xidhkaaga, oo dowladnimadaada isagaan u dhiibi doonaa, oo isna aabbe buu dadka Yeruusaalem deggan iyo reer Yahuudah u noqon doonaa.
22Og jeg vil legge nøklen til Davids hus på hans skulder, og han skal lukke op, og ingen lukke til, og lukke til, og ingen lukke op.
22Oo furihii guriga Daa'uudna garbihiisaan saari doonaa, oo wuu furi doonaa, oo ninna ma xidhi doono, wuu xidhi doonaa, oo ninna ma furi doono.
23Og jeg vil feste ham som en nagle på et sikkert sted, og han skal bli et æressete for sin fars hus.
23Oo waxaan isaga u dhuujin doonaa sida dhidib meel adag haysta, oo isna wuxuu reerka aabbihiis u noqon doonaa carshi sharaf badan.
24Og de skal henge på ham hele tyngden av hans fars hus, de edle og de ville skudd, alle småkarene, både fatene og alle krukkene*. / {* d.e. hele hans ætt.}
24Oo waxaa korkiisa laga lalmin doonaa sharaftii reerka aabbiihiis oo dhan, dhasha iyo farcanka, iyo weelasha yaryar oo dhan, koobabka iyo xataa sibraarrada waaweyn oo dhanba.Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintaas dhidibkii meesha adag ku dhuuqsanaa wuu ka siibmi doonaa, oo intuu jabo ayuu dhici doonaa, oo culayskii saarnaana waa la baabbi'in doonaa, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
25På den dag, sier Herren, hærskarenes Gud, skal den nagle som var festet på et sikkert sted, løsne; den skal hugges av og falle ned, og den byrde som hang på den, skal ødelegges; for Herren har talt.
25Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintaas dhidibkii meesha adag ku dhuuqsanaa wuu ka siibmi doonaa, oo intuu jabo ayuu dhici doonaa, oo culayskii saarnaana waa la baabbi'in doonaa, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.