1Derefter drog Jesus bort til hin side av den Galileiske Sjø, Tiberias-sjøen;
1Waxaas dabadeed Ciise wuxuu u kacay dhinaca kale oo badda Galili oo ahayd baddii Tiberiyas.
2og meget folk fulgte ham, fordi de så de tegn han gjorde på de syke.
2Dad badanna way raaceen, waayo, waxay arkeen calaamooyinkii uu ku sameeyey kuwii bukay.
3Men Jesus gikk op i fjellet, og han satte sig der med sine disipler.
3Kolkaasaa Ciise buurta u baxay, halkaasna ayuu xertiisii la fadhiistay.
4Og påsken, jødenes høitid, var nær.
4Markaasna waxaa dhowayd Iiddii Kormaridda ee ahayd iiddii Yuhuudda.
5Da nu Jesus løftet sine øine og så at meget folk kom til ham, sa han til Filip: Hvor skal vi kjøpe brød, så disse kan få mat?
5Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan?
6Men dette sa han for å prøve ham; for han visste selv hvad han vilde gjøre.
6Wuxuu waxaas ugu yidhi inuu jirrabo isaga, waayo, isaga qudhiisu waa ogaa wuxuu samayn lahaa.
7Filip svarte ham: Brød for to hundre penninger er ikke nok for dem så hver av dem kan få et lite stykke.
7Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato.
8En av hans disipler, Andreas, Simon Peters bror, sier til ham:
8Markaasaa xertiisii midkood oo Andaros la odhan jiray oo Simoon Butros walaalkiis ahaa wuxuu ku yidhi,
9Her er en liten gutt som har fem byggbrød og to småfisker; men hvad er det til så mange?
9Halkan waxaa jooga wiil qaba shan kibsood oo shaciir ah iyo laba kalluun, laakiin waxaasi maxay u tarayaan dad sidan u badan?
10Jesus sa: La folket sette sig ned! Det var meget gress på stedet, og mennene satte sig da ned, omkring fem tusen i tallet.
10Markaasaa Ciise yidhi, Dadka fadhiisiya. Meeshaasina waxay lahayd doog badan. Haddaba nimankii waa fadhiisteen, tiradooduna qiyaastii waxay ahayd shan kun.
11Da tok Jesus brødene og takket, og delte dem ut til dem som satt der, likeledes av småfiskene, så meget de vilde ha.
11Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahad naqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen.
12Men da de var blitt mette, sier han til sine disipler: Sank sammen stykkene som er blitt tilovers, forat ikke noget skal spilles!
12Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.
13Da sanket de sammen, og de fylte tolv kurver med stykker av de fem byggbrød, som var blitt tilovers efter dem som hadde ett.
13Sidaa aawadeed ayay ururiyeen, oo laba iyo toban dambiilood ayay ka buuxiyeen jajabkii ka hadhay kuwii shantii kibsood oo shaciirka ahayd cunay.
14Da nu folket så det tegn han gjorde, sa de: Dette er i sannhet profeten som skal komme til verden.
14Haddaba dadkii markay arkeen calaamadii uu sameeyey, waxay yidhaahdeen, Runtii, kanu waa nebigii dunida iman lahaa.
15Da nu Jesus skjønte at de vilde komme og ta ham med makt for å gjøre ham til konge, gikk han fra dem og op i fjellet igjen, han selv alene.
15Ciise wuxuu gartay inay imanayaan inay qabtaan oo boqor ka dhigaan, sidaas daraaddeed ayuu mar kale keligiis buurta u baxay.
16Men da det blev aften, gikk hans disipler ned til sjøen,
16Markii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii badda u baxday.
17og de gikk i en båt og fór over til hin side av sjøen, til Kapernaum. Og det var allerede blitt mørkt, og Jesus var enda ikke kommet til dem.
17Waxayna fuuleen doonni, oo badday ka tallaabayeen ilaa Kafarna'um. Oo markiiba gudcur bay ahayd, Ciisena weli uma uu iman.
18Og sjøen gikk høit, for det blåste en sterk vind.
18Badduna way isku kacday, dabayl weyn oo dhacday aawadeed.
19Da de nu hadde rodd en fem og tyve eller tretti stadier, ser de Jesus gå på sjøen og komme nær til båten, og de blev redde.
19Haddaba markay seeb ku wadeen qiyaas shan iyo labaatan ama soddon istaadiyon, waxay arkeen Ciise oo badda ku dul socda oo doonnida u soo dhowaanaya, wayna baqeen.
20Men han sa til dem: Det er mig, frykt ikke!
20Laakiin wuxuu ku yidhi, Waa aniga ee ha baqina.
21Nu vilde de ta ham op i båten, og straks kom båten til landet som de fór til.
21Sidaa aawadeed waxay doonayeen inay doonnida ku qaadaan, oo markiiba doonnidu waxay joogtay dhulkay u socdeen.
22Den næste dag så folket som stod på hin side av sjøen, at det ikke var nogen annen båt der, og visste at det bare hadde vært én, og at Jesus ikke var gått i båten sammen med sine disipler, men at hans disipler hadde faret bort alene.
22Maalintii labaad dadkii badnaa oo badda dhankeeda kale taagnaa, waxay arkeen inaan doonni kale joogin mid maahee, oo aan Ciisena taas la fuulin xertiisii, laakiin in xertiisii keligood baxeen.
23Imens kom det andre båter fra Tiberias nær til det sted hvor de hadde fått mat efter Herrens takkebønn.
23Laakiin waxaa Tiberiyas ka yimid doonniyo, wayna u soo dhowaadeen meeshii kibistii lagu cunay markuu Rabbigu mahad naqay dabadeed.
24Da nu folket så at Jesus ikke var der, og heller ikke hans disipler, gikk de i båtene, og kom til Kapernaum og søkte efter Jesus.
24Markii dadkii badnaa arkeen inaan Ciise halkaas joogin iyo xertiisiiba, waxay fuuleen doonniyihii, wayna yimaadeen Kafarna'um, iyagoo Ciise doondoonaya.
25Og da de fant ham på hin side av sjøen, sa de til ham: Rabbi! når er du kommet hit?
25Oo markay isaga ka heleen badda dhinaceeda kale, waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, goormaad halkan timid?
26Jesus svarte dem og sa: Sannelig, sannelig sier jeg eder: I søker mig, ikke fordi I så tegn, men fordi I åt av brødene og blev mette.
26Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Iima doondoontaan calaamooyinkii aad aragteen aawadood ee waa kibistii aad cunteen oo aad ka dheregteen aawadeed.
27Arbeid ikke for den mat som forgår, men for den mat som varer ved til evig liv, den som Menneskesønnen skal gi eder! for på ham har hans Fader, Gud, satt sitt innsegl.
27Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey.
28De sa da til ham: Hvad skal vi gjøre for å gjøre Guds gjerninger?
28Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Maxaannu yeelnaa si aannu shuqullada Ilaah u samayno?
29Jesus svarte og sa til dem: Dette er Guds gjerning at I skal tro på den han har utsendt.
29Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.
30De sa da til ham: Hvad tegn gjør da du, så vi kan se det og tro dig? hvad gjerning gjør du?
30Sidaa darteed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba calaamadee baad samaynaysaa inaannu aragno oo ku rumaysanno? Maxaad, samaynaysaa?
31Våre fedre åt manna i ørkenen, som skrevet står: Han gav dem brød fra himmelen å ete.
31Awowayaasheen waxay cidlada ku cuneen maannada sidii loo qoray, Wuxuu samada ka siiyey kibis ay cunaan.
32Jesus sa til dem: Sannelig, sannelig sier jeg eder: Moses har ikke gitt eder brødet fra himmelen, men min Fader gir eder det sanne brød fra himmelen;
32Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Muuse samada idinkama siin kibistii, laakiin Aabbahay baa samada idinka siiya kibista runta ah.
33for Guds brød er det som kommer ned fra himmelen og gir verden liv.
33Waayo, kibista Ilaah waa kan samada ka soo degay oo dunida nolosha siiya.
34De sa da til ham: Herre, gi oss alltid dette brød!
34Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kibistan mar walba na sii.
35Jesus sa til dem: Jeg er livsens brød; den som kommer til mig, skal ikke hungre, og den som tror på mig, skal aldri nogensinne tørste.
35Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis.
36Men jeg har sagt eder at I har sett mig og tror dog ikke.
36Laakiin waxaan idiin sheegay inaad i aragteen, mase rumaysataan.
37Alle de som Faderen gir mig, kommer til mig, og den som kommer til mig, vil jeg ingenlunde støte ut;
37Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono.
38for jeg er kommet ned fra himmelen, ikke for å gjøre min vilje, men for å gjøre hans vilje som har sendt mig,
38Waayo, waxaan samada uga soo degay ma aha inaan doonistayda yeelo, laakiinse inaan yeelo doonista kii i soo diray.
39og dette er hans vilje som har sendt mig, at jeg ikke skal miste noget av alt det han har gitt mig, men opreise det på den ytterste dag.
39Tanu waa doonistii kii i soo diray in kuwii uu dhammaan i siiyey aanan midna ka lumin, laakiin inaan maalinta u dambaysa soo sara kiciyo.
40For dette er min Faders vilje at hver den som ser Sønnen og tror på ham, skal ha evig liv, og at jeg skal opreise ham på den ytterste dag.
40Waayo, tanu waa doonistii Aabbahay in mid kasta oo Wiilka arka oo rumaysta uu nolosha weligeed ah lahaado, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
41Da knurret jødene over ham fordi han sa: Jeg er det brød som er kommet ned fra himmelen,
41Sidaas aawadeed Yuhuuddu way gunuuneceen, maxaa yeelay, wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay kibista samada ka soo degtay.
42og de sa: Er ikke dette Jesus, Josefs sønn, hvis far og mor vi kjenner? Hvorledes kan han nu si: Jeg er kommet ned fra himmelen?
42Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay?
43Jesus svarte og sa til dem: Knurr ikke eder imellem!
43Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ha ka gunuunecina dhexdiinna.
44Ingen kan komme til mig uten at Faderen, som har sendt mig, drager ham, og jeg skal opreise ham på den ytterste dag.
44Ninna iima iman karo hadduusan Aabbihii i soo diray soo jiidin, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
45Det står skrevet i profetene: Og de skal alle være lært av Gud. Hver den som hører av Faderen og lærer, han kommer til mig.
45Waxaa ku qoran kitaabbadii nebiyada, Kulligood Ilaah baa wax bari doona. Mid kasta oo Aabbaha wax ka maqlay oo ka bartay waa ii yimaadaa.
46Ikke så at nogen har sett Faderen; bare han som er fra Gud, han har sett Faderen.
46Ma aha in nin arkay Aabbaha, kii Ilaah ka yimid mooyaane. Isagu waa arkay Aabbaha.
47Sannelig, sannelig sier jeg eder: Den som tror, har evig liv.
47Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah.
48Jeg er livsens brød.
48Anigu waxaan ahay kibista nolosha.
49Eders fedre åt manna i ørkenen og døde;
49Awowayaashiin waxay cidlada ku cuneen maannada, oo ay dhinteen.
50dette er det brød som kommer ned fra himmelen, forat en skal ete av det og ikke dø.
50Tanu waa kibistii samada ka soo degtay, in qof kasta cuno oo uusan dhiman.
51Jeg er det levende brød, som er kommet ned fra himmelen; om nogen eter av dette brød, skal han leve evindelig; og det brød jeg vil gi, er mitt kjød, som jeg vil gi for verdens liv.
51Anigu waxaan ahay kibista nool ee samada ka soo degtay. Haddii qof uun kibistan cuno, weligiis wuu noolaan doonaa. Oo kibistaan siin doonaa waa jidhkayga, nolosha dunida aawadeed.
52Jødene trettet da med hverandre og sa: Hvorledes kan han gi oss sitt kjød å ete?
52Sidaa aawadeed Yuhuuddu way isla murmeen iyagoo leh, Kanu sidee buu jidhkiisa inoo siin karaa inaannu cunno?
53Jesus sa da til dem: Sannelig, sannelig sier jeg eder: Dersom I ikke eter Menneskesønnens kjød og drikker hans blod, har I ikke liv i eder.
53Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan jidhkii Wiilka Aadanaha cunin oo dhiiggiisa cabbin nolosha kuma lihidin gudihiinna.
54Den som eter mitt kjød og drikker mitt blod, har evig liv, og jeg skal opreise ham på den ytterste dag;
54Oo kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, oo maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
55for mitt kjød er i sannhet mat, og mitt blod er i sannhet drikke.
55Waayo, runtii jidhkaygu waa cunto, dhiiggayguna runtii waa wax la cabbo.
56Den som eter mitt kjød og drikker mitt blod, han blir i mig og jeg i ham.
56Kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuu igu jiraa, anna waan ku jiraa isaga.
57Likesom den levende Fader har utsendt mig, og jeg lever ved Faderen, således skal også den som eter mig, leve ved mig.
57Sida Aabbaha nool ii soo diray, aniguna Aabbahaan u noolahay daraaddiis, sidaasaa kii i cunaa isaguna u nolaan doonaa daraadday.
58Dette er det brød som er kommet ned fra himmelen; ikke således som fedrene åt og døde; den som eter dette brød, skal leve evindelig.
58Tanu waa kibista samada ka soo degtay, ma aha sida tii awowayaashiin cuneen oo ay dhinteen. Kii kibistan cunaa, weligiis wuu noolaan doonaa.
59Dette sa han mens han lærte i en synagoge i Kapernaum.
59Waxyaalahaas ayuu sunagogga kaga dhex hadlay intuu Kafarna'um wax ku barayay.
60Mange av hans disipler sa nu, da de hørte det: Dette er en hård tale; hvem kan høre den?
60Sidaa aawadeed xertiisii badidood markay maqleen, waxay yidhaahdeen, Hadalkaasu waa adag yahay. Yaa maqli kara?
61Men da Jesus visste med sig selv at hans disipler knurret over dette, sa han til dem: Volder dette eder anstøt?
61Laakiin Ciise qudhiisu wuu ogaa in xertiisu taas ka gunuunacday, wuxuuna ku yidhi, Taas ma ka xun tihiin?
62Enn når I får se Menneskesønnen fare op dit hvor han var før?
62Haddaba maxay noqon haddaad aragtaan Wiilka Aadanaha oo kor ugu baxaya meeshuu markii hore joogi jiray?
63Det er Ånden som gjør levende, kjødet gagner intet; de ord som jeg har talt til eder, er ånd og er liv.
63Waa ruuxa kan wax nooleeyaa, jidhkuse waxba ma taro. Erayadii aan idinkula hadlayna waxay yihiin ruux iyo nololba.
64Men det er nogen av eder som ikke tror. For Jesus visste fra først av hvem det var som ikke trodde, og hvem det var som skulde forråde ham.
64Laakiin waxaa dhexdiina jira qaar idinka mid ah oo aan rumaysan. Waayo, tan iyo bilowgii Ciise waa garanayay kuway ahaayeen kuwa aan rumaysan iyo kuu ahaa kii gacangelin lahaa.
65Og han sa: Det var derfor jeg sa eder at ingen kan komme til mig uten at det er gitt ham av Faderen.
65Markaasuu yidhi, Taas aawadeed waxaan idinku idhi, Qofna iima iman karo haddaan Aabbuhu awood siin.
66Derfor drog mange av hans disipler sig tilbake og gikk ikke lenger omkring med ham.
66Taas dabadeed xertiisii intii badnayd dib bay uga noqdeen, oo mar dambe lama ay socon.
67Jesus sa da til de tolv: Vil også I gå bort?
67Haddaba Ciise wuxuu laba-iyo-tobankii ku yidhi, Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan?
68Simon Peter svarte ham: Herre! hvem skal vi gå til? Du har det evige livs ord,
68Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe.
69og vi tror og vet at du er Guds hellige.
69Annaguna waa rumaysannay, waana og nahay inaad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah.
70Jesus svarte dem: Har ikke jeg utvalgt eder tolv? Og én av eder er en djevel.
70Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanan idin dooran idinkoo laba iyo toban ah? Mid idinka mid ahna waa cifriid.Wuxuu ka hadlay Yuudas ina Simoon Iskariyod, waayo, isaguu ahaa kan gacangelin lahaa, isagoo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa.
71Men han talte om Judas, Simon Iskariots sønn; for det var han som skulde forråde ham, enda han var en av de tolv.
71Wuxuu ka hadlay Yuudas ina Simoon Iskariyod, waayo, isaguu ahaa kan gacangelin lahaa, isagoo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa.