Norwegian

Somali

Luke

18

1Og han sa en lignelse til dem om at de alltid skulde bede og ikke bli trette.
1Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh,
2Der var en dommer i en by, som ikke fryktet Gud og ikke undså sig for noget menneske.
2Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin.
3Og det var en enke der i byen, og hun kom til ham og sa: Hjelp mig til å få rett over min motstander!
3Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii.
4Og lenge vilde han ikke; men til sist sa han ved sig selv: Om jeg enn ikke frykter Gud og ikke undser mig for noget menneske,
4Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn,
5vil jeg dog hjelpe denne enke til å få rett fordi hun gjør mig uleilighet, så hun ikke til slutt skal komme og legge hånd på mig.
5weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin.
6Og Herren sa: Hør hvad den urettferdige dommer sier!
6Markaasaa Rabbigu yidhi, Maqla wixii xaakinkii xaqa darnaa yidhi.
7Men skulde da ikke Gud hjelpe sine utvalgte til deres rett, dem som roper til ham dag og natt, og er han sen når det gjelder dem?
7Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?
8Jeg sier eder at han skal skynde sig å hjelpe dem til deres rett. Men når Menneskesønnen kommer, mon han da vil finne troen på jorden?
8Waxaan idinku leeyahay, Dhaqsoba wuu u xaq siin doonaa; hase ahaatee goortuu Wiilka Aadanahu yimaado, markaas rumaysad ma ka heli doonaa dhulka?
9Han sa også denne lignelse til nogen som stolte på sig selv at de var rettferdige, og foraktet de andre:
9Masaalkan ayuu kula hadlay qaar ismoodayay inay xaq yihiin oo kuwa kale quudhsaday.
10To menn gikk op til templet for å bede; den ene var en fariseer og den andre en tolder.
10Laba nin ayaa tegey inay macbudka ku tukadaan; mid Farrisi buu ahaa, kan kalena cashuurqaade.
11Fariseeren stod for sig selv og bad således: Gud! jeg takker dig fordi jeg ikke er som andre mennesker: røvere, urettferdige, horkarler, eller og som denne tolder.
11Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahad naqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha, ama xataa sida cashuurqaadahan.
12Jeg faster to ganger om uken, jeg gir tiende av all min inntekt.
12Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa.
13Og tolderen stod langt borte og vilde ikke engang løfte sine øine mot himmelen, men slo sig for sitt bryst og sa: Gud! vær mig synder nådig!
13Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh.
14Jeg sier eder: Denne gikk rettferdiggjort ned til sitt hus fremfor den andre; for hver den sig selv ophøier, skal fornedres, og den sig selv fornedrer, skal ophøies.
14Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
15De bar også sine små barn til ham, forat han skulde røre ved dem; men da disiplene så det, truet de dem.
15Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, laakiin goortii xertii aragtay, ayay canaanteen.
16Men Jesus kalte dem til sig og sa: La de små barn komme til mig, og hindre dem ikke! for Guds rike hører sådanne til.
16Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.
17Sannelig sier jeg eder: Den som ikke tar imot Guds rike som et lite barn, han skal ingenlunde komme inn i det.
17Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.
18Og en rådsherre spurte ham: Gode mester! hvad skal jeg gjøre for å arve evig liv?
18Taliye ayaa weyddiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?
19Jesus sa til ham: Hvorfor kaller du mig god? Ingen er god uten én, det er Gud.
19Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.
20Budene kjenner du: Du skal ikke drive hor, du skal ikke slå ihjel, du skal ikke stjele, du skal ikke si falskt vidnesbyrd, hedre din far og din mor.
20Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.
21Men han sa: Alt dette har jeg holdt fra min ungdom av.
21Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray.
22Da Jesus hørte det, sa han til ham: Ett fattes dig ennu: selg alt det du har, og del det ut til fattige, så skal du få en skatt i himmelen; kom så og følg mig!
22Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.
23Men da han hørte det, blev han meget bedrøvet; for han var meget rik.
23Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa.
24Og da Jesus så det, sa han: Hvor vanskelig det er for de rike å komme inn i Guds rike!
24Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan,
25For det er lettere for en kamel å gå gjennem et nåleøie enn for en rik å gå inn i Guds rike.
25waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso.
26Da sa de som hørte det: Hvem kan da bli frelst?
26Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?
27Men han sa: Det som er umulig for mennesker, er mulig for Gud.
27Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan.
28Og Peter sa: Se, vi har forlatt alt vårt og fulgt dig.
28Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.
29Da sa han til dem: Sannelig sier jeg eder: Det er ingen som har forlatt hus eller hustru eller brødre eller foreldre eller barn for Guds rikes skyld
29Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur,
30uten at han skal få mangefold igjen her i tiden, og i den kommende verden evig liv.
30oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
31Men han tok de tolv til sig og sa til dem: Se, vi går op til Jerusalem, og alt det som er skrevet av profetene om Menneskesønnen, skal fullbyrdes.
31Laba-iyo-tobankii ayuu watay oo ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem, oo wax walba oo nebiyadu qoreen ayaa Wiilka Aadanaha u noqon doona.
32For han skal overgis til hedningene og bli spottet og hånet og spyttet på,
32Waayo, isaga waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, waana lagu kajami doonaa, oo la caayi doonaa, oo lagu tufi doonaa,
33og de skal hudstryke ham og slå ham ihjel, og på den tredje dag skal han opstå.
33wayna karbaashi doonaan oo dili doonaan, maalinta saddexaadna wuu soo sara kici doonaa.
34Og de forstod ikke noget av dette, og dette ord var skjult for dem, og de skjønte ikke det han sa.
34Laakiin waxyaalahaas waxba kama ay garan, hadalkaasna waa ka qarsoonaa, mana ay garan wixii la yidhi.
35Og det skjedde da han kom nær til Jeriko, at en blind mann satt ved veien og tigget.
35Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,
36Da han hørte folk gå forbi, spurte han hvad dette var.
36oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen.
37De fortalte ham da at Jesus fra Nasaret gikk forbi.
37Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo.
38Og han ropte: Jesus, du Davids sønn! miskunn dig over mig!
38Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.
39Og de som gikk foran, truet ham at han skulde tie. Men han ropte enda meget mere: Du Davids sønn! miskunn dig over mig!
39Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.
40Da stod Jesus stille, og bød at han skulde føres til ham; og da han kom frem, spurte han ham:
40Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,
41Hvad vil du jeg skal gjøre for dig? Han sa: Herre! at jeg må bli seende!
41Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.
42Og Jesus sa til ham: Bli seende! din tro har frelst dig.
42Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.
43Og straks fikk han sitt syn igjen, og fulgte ham og lovet Gud; og alt folket som så det, priste Gud.
43Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.