Norwegian

Somali

Psalms

144

1Av David. Lovet være Herren, min klippe, han som oplærer mine hender til strid, mine fingrer til krig,
1Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah, Oo gacmahayga dagaalka bara, Farahaygana dirirta bara,
2min miskunn og min festning, min borg og min redningsmann, mitt skjold og den jeg tar min tilflukt til, den som tvinger mitt folk under mig.
2Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.
3Herre, hvad er et menneske, at du kjenner ham, et menneskebarn, at du akter på ham!
3Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga?
4Et menneske er lik et åndepust, hans dager er som en skygge som farer forbi.
4Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.
5Herre, bøi din himmel og far ned, rør ved fjellene så de ryker!
5Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac, Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan.
6La lynet lyne og spred dem*, send dine piler og skrem dem! / {* fiendene.}
6Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi, Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi.
7Rekk ut dine hender fra det høie, fri mig og frels mig fra store vann, fra fremmedes hånd,
7Gacantaada kor ka soo fidi, Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan, Iyo gacanta shisheeyayaasha,
8de hvis munn taler svik, og hvis høire hånd er en løgnens hånd.
8Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
9Gud! En ny sang vil jeg synge dig, til tistrenget harpe vil jeg lovsynge dig,
9Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.
10du som gir kongene frelse, som redder David, din tjener, fra det onde sverd.
10Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa, Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
11Frels mig og fri mig fra fremmedes hånd, de hvis munn taler svik, og hvis høire hånd er en løgnens hånd,
11I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha, Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
12forat våre sønner må være som planter, høit vokset i sin ungdom, våre døtre som hjørnestolper, hugget som til et slott,
12Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray, Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka,
13forat våre forrådshus må være fulle og gi av alle slag, at vårt småfe må øke sig i tusentall, ja i titusentall på våre gater,
13Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah, Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga,
14at våre kuer må ha kalv, at det ingen skade må være og intet tap og intet klageskrik på våre gater.
14Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan, Markaan la arag weerarid iyo qaxid, Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay, Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.
15Salig er det folk som det går således; salig er det folk hvis Gud Herren er.
15Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay, Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.