Paite

Somali

Jeremiah

11

1Jeremia kianga TOUPA thu hongtung:
1Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
2Hiai thukhun thute ngaikhia unla, Juda mite leh Jerusalema tengte kiangah gen un;
2Axdigan erayadiisa dhegayso, oo dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba la hadal.
3Huan, nang a kiang uah, TOUPA Israel Pathianin hichiin a chi: Hiai thukhun thute ngaikhe loumi hamse thuakin om hen:
3Oo adigu waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Inkaaru ha ku dhacdo ninkii aan dhegaysan erayada axdigan
4Huai bel na pipute uh, Aigupta gam, sik haltuina a kipana ka pikhiak nia, ka pau kamsuak mang unla, thu ka honpiak tengteng hih un, chia ka thupiak tak ahi: huchiin ka mite nahi ding ua, kei na Pathian uh ka hi ding:
4ee aan awowayaashiin ku amray waagii aan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar iyo foornadii birta, oo aan ku idhi, Codkayga addeeca, oo wixii aan idinku amro oo dhan yeela, oo sidaasaad dadkaygii ku noqon doontaan, oo aniguna Ilaahiin baan idiin ahaan doonaa,
5Na pipute uh kianga khuaiju leh nawituia luang gam kichiama piak ka chiam tak ka tangun theihna dingin tunia a om bangin, hichiin achia. Huan, ken, Amen, Aw TOUPA, chiin ka dawng a.
5si aan u oofiyo dhaartii aan awowayaashiin ugu dhaartay inaan siin doono dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sida ay maantadan tahay. Markaasaan u jawaabay oo waxaan idhi, Aamiin, Rabbiyow.
6Huan TOUPAN ka kiangah, Juda khopite ah leh Jerusalem kholakte ah hiai thu tengteng puang inla, Hiai thukhun thute ngaikhia unla, jui un.
6Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.
7Na pipute un Aigupta gam a kipan ka pi khiak nia kipana tu tanin ka paukam suak mang un, chiin ka theisak seka.
7Waayo, si aad ah ayaan awowayaashiin ugu digay tan iyo waagii aan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, anigoo goor wanaagsan u digaya oo ku leh, Codkayga addeeca.
8Himahleh a mang kei ua, bil a doh sam kei ua, mi chih, amau lungtang gilou bang jelin a omjaw uh. Huaijiakin hiai thukhun thu, hih dinga thu ka piak, a hih louh tengteng uh a tunguah ka hontungsakta ahi, achia.
8Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.
9Huan, TOUPAN ka kiangah, Juda mite leh Jerusalema tengte lakah phialgukna a om.
9Oo waxaa Rabbigu igu yidhi, Dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaa laga dhex helay shirqool.
10A pipute uh, ka thu ngaikhe nuam loute thulimlouhna lamah a kilehhei nawn ua; pathian dangte na sem ding in a kuan ua: Israel inkote leh Juda inkoten a pipute uh kianga ka thukhun bawl pen a hihseta uh.
10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.
11Huaijiakin TOUPAN hichiin a chi: Ngaidih ua, a tunguah thil hoihlou, a pelh het louh ding uh ka hontungsak ding; a honsam ding ua, himahleh ka dawng kei ding.
11Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono.
12Huan, Juda khopite leh Jerusalem a tengten pathian, a kiang ua gimlim a hal seknate uh a sam ding ua, himahleh a buai hun chiang un huaiten amau a humbit het kei ding hi.
12Oo markaasaa magaalooyinka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganuba waxay u tegi oo u qayshan doonaan ilaahyadii ay fooxa u shidi jireen, laakiinse iyagu innaba ma ay badbaadin doonaan wakhtiga ay dhibaataysan yihiin.
13Aw Juda, na pathiante lah nakhopi zah ahi ngal ua: thil zumhuai tak, Baal kianga gimlim halna ding maitam hialleng Jerusalem kongzing zah takin na nading sakta a.
13Dadka Yahuudah ahow, ilaahyadiinnu waxay tiro le'eg yihiin magaalooyinkiinna, oo jidadka Yeruusaalem intay tiro le'eg yihiin oo kale ayaad meelo allabaryo u qotomiseen waxaas ceebta miidhan ah, waana meelo allabaryo oo aad foox ugu shiddaan Bacal.
14Huaijiakin hiaite thumsak kenla, amau dingin ngetna hiam aw hiam suah sam ken; a buai hun chiang ua a hon sap uh leh ka ngaikhe sin ngal keia.
14Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo iyaga aawadood kor ha ugu qaadin qaylo iyo salaad toona, waayo, anigu dheg uma dhigi doono wakhtigii ay ii soo qayshadaan dhibkooda aawadiis.
15Thil kihhuai tak hih kawmin, ka deih mahmahin ka in ah tantuam bang ahia a neih? thukichiamte leh sa tanin na siatna ding uh a honpelsak thei ding ahia? Na suang thei ua hia?
15Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.
16TOUPAN na min dingin oliv sing hing, gah hoih kilawmpi, a honchia, lum honhonin a tungah mei a toha, ahiangte leng a kitan khinta.
16Rabbigu wuxuu magacaaga u bixiyey Geed saytuun oo cagaar ah, oo qurxoon, oo midho wanaagsan. Cod buuq weyn ayuu dab kula daayay, oo laamihiisiina way wada jajabeen.
17Sepaihte TOUPA, nang honphutpan, Israel inkote leh Juda inkote khelhna, Baal kianga gimlim lana, honhehsakna thil uh, amau adia a sepkhiak tung ua thil hoihlou ding thu na tungah a phuang kheta hi.
17Waayo, Rabbiga ciidammada oo adiga ku beeray ayaa masiibo kaaga hadlay, waana xumaanta dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah aawadeed, taasoo ay qudhoodu isku sameeyeen markay igaga cadhaysiiyeen fooxii ay Bacal u shideen.
18TOUPAN hontheisaka, ka theita: huchiin nang mahmahin a thilhihte uh na honkawkmuhta.
18Oo Rabbiguna taas wuu i ogeysiiyey, waanan ogaaday. Markaasaad falimahooda i tustay.
19Kei bel belamnou nunnem tak, goh dinga pi bang ka hi, sing pen a gah toh, hihsia ni e, mihing gam a kipan amah jaw i hihmang vengveng ding uh, a min mawngmawng theih a hih louhna dingin, chia ka tunga a thil sawm uh ka nathei het kei.
19Laakiinse anigu waxaan la mid ahaa neef baraar ah oo loo soo kexeeyo in la gowraco, oo mana aan ogayn inay shirqool ii hindiseen, oo ay yidhaahdeen, Geedka iyo midhihiisaba aynu wada baabbi'inno, oo aynu isaga ka gooyno dalka kuwa nool, si aan magiciisa mar dambe loo soo xusuusan.
20Himahleh, aw sepaihte TOUPA, dik taka vaihawm sekpa, sunggil lam leh lungtang entel sekpa, a tung ua na phulak honmu sakin, ka tungtangthu lah na kiangah ka hon kemsak ngala.
20Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo ban dhigay.
21Huaijiakin sepaihte TOUPAN Anathoth mi, na hinna zongpa, Ka khut ua na sih louhna dingin TOUPA minin thu gen ken, chimite tungtangah hichiin a chi:
21Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay dadka Canaatood oo doondoonaya inay naftaada kaa qaadaan, oo kugu yidhaahda, Yaadan gacantayada ku dhimanine Rabbiga magiciisa waxba ha ku sii sheegin,
22Ngai un, amau ka gawt dinga, tangvalte namsauin a si ding ua, a tanute uh, a tapate uh kialin a si ding uh;si val himhim a om kei ding uh: Anathoth mite tungah lah thil hoihlou ka tun sin ngala, a gawtna kum ding mahmah uh.
22Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan.Oo innaba iyaga midna kama hadhi doono, waayo, dadka Canaatood masiibaan ku soo dayn doonaa sannadda ciqaabiddooda.
23si val himhim a om kei ding uh: Anathoth mite tungah lah thil hoihlou ka tun sin ngala, a gawtna kum ding mahmah uh.
23Oo innaba iyaga midna kama hadhi doono, waayo, dadka Canaatood masiibaan ku soo dayn doonaa sannadda ciqaabiddooda.