1Juda kumpipa Josia tapa Jehoiakim lal laia TOUPA kianga kipan a Jeremia kianga thu hongtungin,
1Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi,
2Rekab inkote kiangah hohin va houpih inla, TOUPA ina dantan khat ah pi lut inla, uain dawn ding piain, a chi a.
2Waxaad u tagtaa reer Reekaab, oo la hadal, oo guriga Rabbiga qolladihiisa middood geli, waxaanad siisaa khamri ay cabbaan.
3Huan, Habazzini tapa, Jeremia tapa, Jaazani leh a unaute, a tapa tengteng Rekab inkote tengteng toh ka pia;
3Markaasaan soo kaxaystay Ya'asanyaah ina Yeremyaah oo ahaa ina Habasinyaah, iyo walaalihiis, iyo wiilashiisii oo dhan, iyo qooyskii reer Reekaab oo dhan,
4Huan Pathian mi Igdali tapa Hanan tate dantan, TOUPA in ah ka pi luta; huai dantan bel heutute dantan chiin kongpi ngakmi Shallum tapa Maaseia dantan tunga om ahi:
4oo gurigii Rabbigana waan keenay, oo waxaan soo geliyey qolladdii ilma Xaanaan kaasoo ahaa ina Yigdalyaah oo ahaa nin Ilaah u go'ay, taasoo ku dhinac tiil qolladdii amiirrada, oo ka sii korraysay qolladdii Macaseeyaah ina Shalluum ee iridjooge ahaa.
5Huan, Rekab suante pate maah belhbute, noute uain dim ka tunga, a kiang uah, Uain dawn un ka chia.
5Markaasaan wiilashii reer Reekaab soo hor dhigay weelal khamri ka buuxo iyo koobab, oo waxaan ku idhi, Khamrigan cabba.
6Amau bel, Uain ka dawn kei hial ding uh; kou hon suangpa Rekab tapa Jonadabin, Noumah leh na suan te un leng khantawna uain na dawn ding uh ahi kei;
6Laakiinse waxay yidhaahdeen, Innaba khamri cabbi mayno, waayo, awowgayo Yoonaadaab oo ahaa ina Reekaab ayaa nagu amray oo nagu yidhi, Weligiin idinka iyo wiilashiinnuba waa inaydaan khamri cabbin.
7In te na lam un haichi na tuh un, grep huan te leng na bawl un na nei ding uh ahi sam kei hi: na damsung nite un puanin khawnga na ten zawk ding uh ahi, na omna gam ua na damsawt theihna ding un, chiin thu a honpia hi.
7Oo innaba guri ha dhisanina, abuurna ha daadinina, oo beercanabna ha beeranina, hana yeelanina, laakiinse cimrigiinna oo dhan waxaad degganaataan teendhooyin si aad wakhti dheer u sii joogtaan dalka aad deggan tihiin.
8Huchiin kou honsuangpa Rekab tapa Jonadabin paukama thu honthukhah tengteng, ka damsung ua kou leh ka jite uh, ka tapa te uh leh ka tanute un uain dawn louh ding khawng,
8Oo annagu waannu addeecnay codkii awowgayo Yoonaadaab ina Reekaab oo nagu amray inaannan innaba khamri cabbin cimrigayaga oo dhan, annaga, iyo naagahayaga, iyo wiilashayada, iyo gabdhahayaguba,
9Ka tenna in uh lam louh ding khawng, grep huan hiam lou hiam haichi hiam neih louh ding tanin ka jui uhi:
9iyo inaannan guryo aan ku degnona innaba dhisan, oo weliba annagu ma aannu lihin beercanab, ama beer kale, amase abuurba,
10Puanin ahte ka teng jaw ua, kou honsuangpa Jonadab thupiak tengteng mangin ka jui vek uhi.
10laakiinse teendhooyin baannu ku degganayn, oo waannu addeecnay, waanan wada samaynay sidii awowgayo Yoonaadaab uu nagu amray oo dhan.
11Huan, hichi ahia, Babulon kumpipa Nebukadnezzarin gam a hongsual laiin kou, Kisa un, Kaldai sepaih honte leh Suria sepaih honte lau jiakin Jerusalem ah i hoh ding uh, ka chi ua, huchiin Jerusalem ah ka natengta uh ahi, a chi ua.
11Laakiinse markii Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu dalka yimid ayaannu isnidhi, Ina keena aynu Yeruusaalem u guurnee, waana cabsida aannu ciidanka reer Kaldayiin, iyo ciidanka reer Suuriya ka cabsannay aawadeed, oo sidaas daraaddeed ayaannu Yeruusaalem ku deggan nahay.
12Huan, TOUPA thu Jeremia kiangah a hongtung nawna:
12Markaasaa eraygii Rabbigu Yeremyaah u yimid, isagoo leh,
13Israel Pathian sepaihte TOUPAN hichiin a chi: Juda gama mite leh Jerusalema mi tengte kiangah vagen inla, Ka thute ngaikhe dingin sinsakna na sang kei ding uh maw? chih TOUPA thu pawt ahi.
13Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag, oo dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, War, tacliin miyeydaan qaadanayn inaad erayadayda maqashaan?
14Rekab tapa Jonadab thu, a tapate kianga a piak, uain dawn louh ding pen a jui ua, tuni tanin bangmah a dawn kei ua, amau suangpa thupiak a zui mahmah uh hi: ken bel jing pipia thouin na kiang uah thu ka gena, non ngaikhe kei uh.
14Yoonaadaab ina Reekaab erayadiisii uu wiilashiisa ku amray inayan innaba khamri cabbin waa la wada oofiyey, oo ilaa maantadan la joogo iyagu khamrina ma cabbaan, waayo, waxay addeecaan amarkii awowgood, aniguse waan idinla hadlay, anigoo goor wanaagsan idinla hadlaya, laakiinse innaba ima aydaan dhegaysan.
15Ka nasem jawlneite jing pipia thouin na kiang uah ka sawla, mi chih na omdan gilou ua kipan hongkik vek unla, na thilhihte uh bawl hoih unla, pathian dangte jaw a na uh sem dingin jui kei unla; huan, nou leh na pipute ih kiang a gam ka piak ah na teng ding uh chiin; himahleh na bil uh na doh kei ua, non ngaikhe sam kei uh.
15Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo falimihiinnana hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelina inaad u adeegtaan aawadeed, oo markaas waxaad iska degganaan doontaan dalkii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse idinku dheg iima aydaan dhigin, oo innaba ima aydaan dhegaysan.
16Rekab taba Jonadab suanten amau suangpa thupiak a jui ua, hiai miten jaw a honngaikhe ngal kei uh;
16Yoonaadaab ina Reekaab wiilashiisii way wada oofiyeen amarkii awowgood uu iyaga ku amray, laakiinse dadkanu aniga ima ay dhegaysan,
17Huaijiak TOUPA Israel Pathian sepaihte Pathianin hichiin a chi: Ngai un, Juda leh Jerusalem a teng tengteng tungah thil hoihlou a tung ua hongtung ding ka gen khiaksate ka hontun ding: a kiang uah thu ka gena, lah a ngaikhe ngal kei ua, amau ka sap leh lah hondawng sam kei uh, chiin.
17sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, waan la hadlay, laakiinse ima dhegaysan, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin.
18Huan, Jeremiain Rekab suante kiangah, Sepaihte TOUPA, Israel Pathianin hichiin a chi: Na pa Jonadab thupiak na jui ua, a thu pawt tengteng bangbanga na hih jiak un;Rekab tapa Jonadabin khantawnin ka maa ding ding mi a tasam ngei kei ding, chiin sepaihte TOUPA, Israel Pathianin a chi hi.
18Markaas Yeremyaah wuxuu reer Reekaab ku yidhi, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinku waxaad addeecdeen amarkii awowgiin Yoonaadaab, oo qaynuunnadiisii oo dhanna waad dhawrteen, oo waxaad wada samayseen wixii uu idinku amray oo dhan,haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Yoonaadaab ina Reekaab marnaba weligiis ma waayi doono nin hortayda istaaga.
19Rekab tapa Jonadabin khantawnin ka maa ding ding mi a tasam ngei kei ding, chiin sepaihte TOUPA, Israel Pathianin a chi hi.
19haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Yoonaadaab ina Reekaab marnaba weligiis ma waayi doono nin hortayda istaaga.