1Zvino shoko raJehovha rakasvika kwandirizve, richiti,
1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid oo wuxuu igu yidhi,
2Rega kuwana mukadzi kana kuva navanakomana kana vanasikana panzvimbo ino.
2Naag ha guursan, oo wiilal iyo gabdho toona meeshan ha ku yeelan.
3nekuti zvanzi naJehovha pamusoro pavanakomana napamusoro pavanasikana vanoberekerwa panzvimbo ino, napamusoro pamadzimai avo akavabereka, napamusoro pamadzibaba avo akavabereka panyika ino,
3Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay wiilasha iyo gabdhaha meeshan ku dhalan doona, iyo hooyooyinka iyaga dhali doona, iyo aabbayaasha iyaga dalkan ku dhex dhali doonaba,
4Vachafa norufu rwakaipa kwazvo; havangachemwi kana kuvigwa; vachava somupfudze panyika; vachapedzwa nomunondo uye nenzara; zvitunha zvavo zvichava zvokudya zveshiri dzokudenga nezvikara zvenyika.
4Waxay u dhiman doonaan dhimasho xun, oo looma barooran doono, lamana xabaali doono, laakiinse sidii digo dhulka daadsan oo kale ayay noqon doonaan, oo waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo baqtigooduna cunto buu u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulkaba.
5nekuti zvanzi naJehovha, Usapinda muimba yokuchema, usavawungudzira kana kuvachema; nekuti zvanzi naJehovha, Ndabvisa rugare rwangu pavanhu ava, ihwo hunyoro hwangu nenyasha dzangu.
5Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Gurigii tacsiyu taal ha gelin, iyaga ha u barooran, hana u tacsiyayn, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan nabaddaydii waan ka fogeeyey iyo xataa raxmad iyo naxariisba.
6Vakuru navaduku vose vachafa munyika ino; havangavigwi, navanhu havangavachemi, kana kuzvicheka nokuzviveura nokuda kwavo;
6Oo kuwa waaweyn iyo kuwa yaryaruba dalkanay ku dhex dhiman doonaan. Lama xabaali doono, loomana barooran doono, laysumana googooyn doono, oo iyaga aawadoodna laysuma xiiri doono.
7vanhu havangavameduriri chingwa pakuchema kwavo, vachiti vavanyaradze pamusoro pavakafa, uye vanhu havangavapi mukombe wokunyaradza vamwe pamusoro pababa vavo kana mai vavo.
7Oo ciduna iyaga uma jejebin doonto kibistii axanka inay uga tacsiyeeyaan kii dhintay, oo ciduna iyaga ma siin doonto koobkii tacsida inay aabbahood ama hooyadood u cabbaan.
8Newe usapinda muimba yomutambo, kuti ugare navo, uchidya nokumwa.
8Oo weliba waa inaadan innaba u gelin gurigii diyaafadu taal inaad iyaga la fadhiisatid oo aad wax la cuntid, waxna la cabtid.
9nekuti zvanzi naJehovha wehondo, Mwari waIsiraeri, Tarirai, ndichagumisa panzvimbo ino, muchizviona pamazuva enyu, inzwi rokuseka, nenzwi romufaro, nenzwi rechikomba nenzwi romwenga.
9Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, indhahaaga hortooda iyo wakhtiga aad nooshahay qudhiisa waxaan meeshan ka joojin doonaa codka rayraynta iyo codka farxadda, iyo codka arooska iyo codka aroosaddaba.
10Zvino kana uchizivisa vanhu ava mashoko awa ose, vachati kwauri, Jehovha wakarevereiko zvakaipa izvi zvikuru zvose pamusoro pedu? Kutadza kwedu ndokwei? Zvivi zedu ndezvei, zvatakaitira Jehovha Mwari wedu?
10Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?
11Ipapo iwe uti kwavari, Zvanzi naJehovha, nekuti madzibaba enyu akandisiya, vakatevera vamwe vamwari, nokuvashumira nokuvanamata, vakandisiya ini, vakasachengeta murayiro wangu;
11markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin way iga tageen, oo waxay daba galeen ilaahyo kale, wayna u adeegeen oo caabudeen, oo anigana way iga tageen, oo sharcigaygiina ma ay dhawrin,
12zvino imwi makaita zvakaipa kupfuura madzibaba enyu; nekuti tarirai, munofamba mumwe nomumwe nohukukutu hwomoyo wake wakaipa, muchiramba kunditeerera.
12oo idinkuna waxaad samayseen shar ka sii daran kii ay awowayaashiin sameeyeen, waayo, bal eega, midkiin kastaaba wuxuu daba socdaa caasinimada qalbigiisa sharka ah, anigana ma aydaan maqlin.
13Saka ndichakudzingai panyika ino ndichikuisai kunyika yamakanga musingazivi, kunyange imwi kunyange madzibaba enyu; ipapo muchashumira vamwe vamwari masikati novusiku, nekuti handingakunzwiriyi tsitsi.
13Oo sidaas daraaddeed dalkan waan idinka xoori doonaa oo waxaan idinku dhex tuuri doonaa dal aydaan aqoonin idinka iyo awowayaashiin toona, oo halkaasaad ilaahyo kale ugu adeegi doontaan habeen iyo maalinba, oo aniguna innaba raalli idinkama ahaan doono.
14Naizvozvo zvanzi naJehovha, Tarirai, mazuva anouya, avachasazoti, NaJehovha mupenyu, wakabvisa vana vaIsiraeri panyika yeEgipita;
14Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey,
15asi NaJehovha mupenyu, wakabvisa vana vaIsiraeri kunyika yokumusoro, nokunyika dzose dzaakanga avadzingira kwadziri. Ndichavadzoserazve kunyika yavo yandakapa madzibaba avo.
15laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii woqooyi iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan. Oo aniguna waxaan iyaga mar kale ku soo celin doonaa dalkoodii aan awowayaashood siiyey.
16Zvanzi naJehovha, Tarirai, ndichandodana vabati vazhinji vehove, ivo vachavabata sehove; pashure ndichandodana vavhimi vazhinji, ivo vachavavhima pamakomo ose nezvikomo zvose, napamapako ose amatombo.
16Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga u soo diri doonaa kalluumaystayaal badan oo iyana way soo qabsan doonaan, oo haddana waxaan u soo diri doonaa ugaadhsadayaal badan, oo iyana way ka ugaadhsan doonaan buur kasta, iyo kur kasta, iyo boholaha dhagaxyada oo dhan.
17nekuti meso angu anoona nzira dzavo dzose, hazvina kuvanzika pamberi pangu, zvakaipa zvavo hazvina kuvanziwa pameso angu.
17Waayo, jidadkooda oo dhan indhahaan ku hayaa, oo igamana ay qarsoona, xumaantooduna kama ay daboolna indhahayga.
18Ndichatanga kuvatsivira zvakaipa zvavo nezvivi zvavo kaviri, nekuti vakasvibisa nyika yangu nezvitunha zvezvinhu zvavo zvinosemesa, nokuzadza nhaka yangu nezvinonyangadza zvavo.
18Marka ugu horraysa waxaan laba jibbaar uga abaal marin doonaa xumaantoodii iyo dembigoodii, maxaa yeelay, dalkaygii waxay ku nijaaseeyeen bakhtiyada sanamyadoodii la nacay, oo dhaxalkaygiina waxay ka buuxiyeen karaahiyadooda.
19imwi Jehovha, simba rangu, nenhare yangu, nohutiziro hwangu pazuva rokutambudzika, marudzi achauya kwamuri achibva kumigumo yenyika, achiti, Madzibaba edu akagara nhaka yenhema dzoga, zvinhu zvisina maturo, nezvinhu zvisingabatsiri.
19Rabbiyow, xooggaygii, iyo qalcaddaydii, iyo magangalkaygii aan maalinta dhibaatada magan galow, quruumuhu way kaaga iman doonaan dhulka darafyadiisa ugu shisheeya, oo waxay odhan doonaan, Sida xaqiiqada ah awowayaashayo waxba ma dhaxlin been, iyo wax aan waxtar lahayn, iyo waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn mooyaane.
20Ko munhu ungazviitira vamwari vasati vari vamwari here?
20Bal nin miyuu samaysan karaa ilaahyo aan Ilaah ahayn?Sidaas daraaddeed bal ogaada, waxaan iyaga ogeysiin doonaa gacantayda iyo xooggayga, markan keliya ayaan ogeysiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan in magacaygu Rabbi yahay.
21Naizvozvo, tarirai, ndichavazivisa, ndichavazivisa panguva ino chete ruoko rwangu nesimba rangu; vachaziva kuti zita rangu ndiJehovha.
21Sidaas daraaddeed bal ogaada, waxaan iyaga ogeysiin doonaa gacantayda iyo xooggayga, markan keliya ayaan ogeysiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan in magacaygu Rabbi yahay.