1Dabadeed Ciise ayaa dadkii badnaa iyo xertiisii la hadlay,
1Then Jesus spake to the multitudes, and to his disciples,
2oo wuxuu ku yidhi, Culimmada iyo Farrisiinta waxay ku fadhiistaan kursiga Muuse.
2saying, `On the seat of Moses sat down the scribes and the Pharisees;
3Haddaba wax walba oo ay idiin sheegaan inaad dhawrtaan, dhawra oo yeela, laakiin siday sameeyaan ha samaynina, waayo, wax bay yidhaahdaan, mana sameeyaan.
3all, then, as much as they may say to you to observe, observe and do, but according to their works do not, for they say, and do not;
4Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan.
4for they bind together burdens heavy and grievous to be borne, and lay upon the shoulders of men, but with their finger they will not move them.
5Laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko, waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan;
5`And all their works they do to be seen by men, and they make broad their phylacteries, and enlarge the fringes of their garments,
6waxay jecel yihiin meelaha hore oo diyaafadaha, iyo kursiyada hore oo sunagogyada,
6they love also the chief couches in the supper, and the chief seats in the synagogues,
7iyo salaanta suuqa, iyo in dadku ugu yeedhaan, Macallin.
7and the salutations in the market-places, and to be called by men, Rabbi, Rabbi.
8Laakiin yaan laydiinku yeedhin, Macallin, waayo, mid baa macallinkiinna ah, idinkuna kulli walaalo baad tihiin.
8`And ye — ye may not be called Rabbi, for one is your director — the Christ, and all ye are brethren;
9Ninna dhulka ha ugu yeedhina aabbe, waayo, mid baa Aabbihiin ah, kaasu waa kan jannada ku jira.
9and ye may not call [any] your father on the earth, for one is your Father, who is in the heavens,
10Yaan laydiinku yeedhin sayiddo, waayo, mid baa sayidkiinna ah, kaasu waa Masiixa.
10nor may ye be called directors, for one is your director — the Christ.
11Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkinna.
11And the greater of you shall be your ministrant,
12Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
12and whoever shall exalt himself shall be humbled, and whoever shall humble himself shall be exalted.
13Laakiin waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay oo labawejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan.
13`Wo to you, Scribes and Pharisees, hypocrites! because ye shut up the reign of the heavens before men, for ye do not go in, nor those going in do ye suffer to enter.
14Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad laasataan guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayaad istusid u tukataan, sidaa darteed waxaad heli doontaan xisaab aad u daran.
14`Wo to you, Scribes and Pharisees, hypocrites! because ye eat up the houses of the widows, and for a pretence make long prayers, because of this ye shall receive more abundant judgment.
15Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, badda iyo dhulka waxaad u wareegtaan inaad mid soo hadaysaan, oo kolkuu sidaas noqdo, waxaad ka dhigtaan wiilka jahannamada laba kol in idinka badan idinka.
15`Wo to you, Scribes and Pharisees, hypocrites! because ye go round the sea and the dry land to make one proselyte, and whenever it may happen — ye make him a son of gehenna twofold more than yourselves.
16Waa idiin hoog, hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo leh, Ku alla kii macbudka ku dhaarta, waxba ma aha, laakiin ku alla kii dahabkii macbudka ku dhaarta, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay.
16`Wo to you, blind guides, who are saying, Whoever may swear by the sanctuary, it is nothing, but whoever may swear by the gold of the sanctuary — is debtor!
17Doqonno yahow indhaha la'u, kee baa weyn, dahabka iyo macbudka dahabka quduus ka dhiga?
17Fools and blind! for which [is] greater, the gold, or the sanctuary that is sanctifying the gold?
18Oo weliba waxaad leedihiin, Ku alla kii meesha allabariga ku dhaarta waxba ma aha, laakiin ku alla kii ku dhaarta hadiyadda dul saaran, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay.
18`And, whoever may swear by the altar, it is nothing; but whoever may swear by the gift that is upon it — is debtor!
19Indhoolayaal yahow, haddaba kee baa weyn, hadiyadda iyo meesha allabariga oo hadiyadda quduus ka dhigta?
19Fools and blind! for which [is] greater, the gift, or the altar that is sanctifying the gift?
20Haddaba kan meesha allabariga ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa iyada iyo wixii dul saaran oo dhanba.
20`He therefore who did swear by the altar, doth swear by it, and by all things on it;
21Oo kii macbudka ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa isaga iyo kan dhex degganba.
21and he who did swear by the sanctuary, doth swear by it, and by Him who is dwelling in it;
22Oo kii jannada ku dhaartaana, wuxuu ku dhaartaa carshiga Ilaah iyo kan ku dul fadhiyaba.
22and he who did swear by the heaven, doth swear by the throne of God, and by Him who is sitting upon it.
23Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo kamuunta toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaafteen wixii sharciga ugu cuslaa, waxaa weeye xukunka iyo naxariista iyo iimaanka. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin.
23`Wo to you, Scribes and Pharisees, hypocrites! because ye give tithe of the mint, and the dill, and the cumin, and did neglect the weightier things of the Law — the judgment, and the kindness, and the faith; these it behoved [you] to do, and those not to neglect.
24Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa.
24`Blind guides! who are straining out the gnat, and the camel are swallowing.
25Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan.
25`Wo to you, Scribes and Pharisees, hypocrites! because ye make clean the outside of the cup and the plate, and within they are full of rapine and incontinence.
26Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato.
26`Blind Pharisee! cleanse first the inside of the cup and the plate, that the outside of them also may become clean.
27Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan.
27`Wo to you, Scribes and Pharisees, hypocrites! because ye are like to whitewashed sepulchres, which outwardly indeed do appear beautiful, and within are full of bones of dead men, and of all uncleanness;
28Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi.
28so also ye outwardly indeed do appear to men righteous, and within ye are full of hypocrisy and lawlessness.
29Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, oo waxaad qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa;
29`Wo to you, Scribes and Pharisees, hypocrites! because ye build the sepulchres of the prophets, and adorn the tombs of the righteous,
30oo waxaad tidhaahdaan, Haddii aannu waagii awowayaashayo joogi lahayn, annagu kala ma aannan qayb galneen kuwii dhiigga nebiyada qabay.
30and say, If we had been in the days of our fathers, we would not have been partakers with them in the blood of the prophets.
31Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay.
31So that ye testify to yourselves, that ye are sons of them who did murder the prophets;
32Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin.
32and ye — ye fill up the measure of your fathers.
33Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada?
33`Serpents! brood of vipers! how may ye escape from the judgment of the gehenna?
34Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,
34`Because of this, lo, I send to you prophets, and wise men, and scribes, and of them ye will kill and crucify, and of them ye will scourge in your synagogues, and will pursue from city to city;
35inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda.
35that on you may come all the righteous blood being poured out on the earth from the blood of Abel the righteous, unto the blood of Zacharias son of Barachias, whom ye slew between the sanctuary and the altar:
36Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona.
36verily I say to you, all these things shall come upon this generation.
37Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn.
37`Jerusalem, Jerusalem, that art killing the prophets, and stoning those sent unto thee, how often did I will to gather thy children together, as a hen doth gather her own chickens under the wings, and ye did not will.
38Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah.Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan hadda dabadeed ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.
38Lo, left desolate to you is your house;
39Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan hadda dabadeed ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.
39for I say to you, ye may not see me henceforth, till ye may say, Blessed [is] he who is coming in the name of the Lord.`