1Waxaan idin barayaa walaasheen Foybi oo ah mid u adeegta kiniisadda ku taal Kenekhreya,
1And I commend you to Phebe our sister — being a ministrant of the assembly that [is] in Cenchrea —
2inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida quduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda.
2that ye may receive her in the Lord, as doth become saints, and may assist her in whatever matter she may have need of you — for she also became a leader of many, and of myself.
3Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix,
3Salute Priscilla and Aquilas, my fellow-workmen in Christ Jesus —
4oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahad naqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahad naqayaan.
4who for my life their own neck did lay down, to whom not only I give thanks, but also all the assemblies of the nations —
5Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa.
5and the assembly at their house; salute Epaenetus, my beloved, who is first-fruit of Achaia to Christ.
6Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay.
6Salute Mary, who did labour much for us;
7Igu salaama Andaronikos iyo Yuniyas oo xigaalkayga ah oo layla xidhay, kuwa caanka ku ah rasuullada dhexdooda, kuwa hortayna Masiixa ku jiray.
7salute Andronicus and Junias, my kindred, and my fellow-captives, who are of note among the apostles, who also have been in Christ before me.
8Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama.
8Salute Amplias, my beloved in the Lord;
9Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama.
9salute Arbanus, our fellow-workman in Christ, and Stachys, my beloved;
10Abellees kan Masiixu u bogayna igu salaama. Kuwa reer Aristobulosna igu salaama.
10salute Apelles, the approved in Christ; salute those of the [household] of Aristobulus;
11Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira.
11salute Herodion, my kinsman; salute those of the [household] of Narcissus, who are in the Lord;
12Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama.
12salute Tryphaena, and Tryphosa, who are labouring in the Lord; salute Persis, the beloved, who did labour much in the Lord.
13Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah.
13Salute Rufus, the choice one in the Lord, and his mother and mine,
14Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.
14salute Asyncritus, Phlegon, Hermas, Patrobas, Hermes, and the brethren with them;
15Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan.
15salute Philologus, and Julias, Nereus, and his sister, and Olympas, and all the saints with them;
16Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.
16salute one another in a holy kiss; the assemblies of Christ do salute you.
17Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga.
17And I call upon you, brethren, to mark those who the divisions and the stumbling-blocks, contrary to the teaching that ye did learn, are causing, and turn ye away from them;
18Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta.
18for such our Lord Jesus Christ do not serve, but their own belly; and through the good word and fair speech they deceive the hearts of the harmless,
19Warkii addeeciddiinnu wuxuu gaadhay dadka oo dhan. Sidaas daraaddeed aad baan idiinku faraxsanahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad garaad u lahaataan waxa wanaagsan, oo aad ka eedla'aataan waxa sharka ah.
19for your obedience did reach to all; I rejoice, therefore, as regards you, and I wish you to be wise, indeed, as to the good, and harmless as to the evil;
20Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa.
20and the God of the peace shall bruise the Adversary under your feet quickly; the grace of our Lord Jesus Christ [be] with you. Amen!
21Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.
21Salute you do Timotheus, my fellow-workman, and Lucius, and Jason, and Sosipater, my kindred;
22Anigoo Tertiyos ah oo warqaddan qoray, Rabbigaan idinku salaamayaa.
22I Tertius salute you (who wrote the letter) in the Lord;
23Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan.
23salute you doth Gaius, my host, and of the whole assembly; salute you doth Erastus, the steward of the city, and Quartus the brother,
24Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.
24the grace of our Lord Jesus Christ [be] with you all. Amen.
25Haddaba ammaanu ha u ahaato kan kara inuu idinku xoogeeyo injiilkayga iyo wacdiga ku saabsan Ciise Masiix iyo muujinta qarsoodiga oo qarsoonaa tan iyo weligiis,
25And to Him who is able to establish you, according to my good news, and the preaching of Jesus Christ, according to the revelation of the secret, in the times of the ages having been kept silent,
26laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka.Ilaaha keligiis ah oo xigmadda leh, Ciise Masiix ammaanu ha ugu ahaato weligiis. Aamiin.
26and now having been made manifest, also, through prophetic writings, according to a command of the age-during God, having been made known to all the nations for obedience of faith —
27Ilaaha keligiis ah oo xigmadda leh, Ciise Masiix ammaanu ha ugu ahaato weligiis. Aamiin.
27to the only wise God, through Jesus Christ, to him [be] glory to the ages. Amen.