Somali

Estonian

Ecclesiastes

1

1Kuwanu waa erayadii wacdiyihii ahaa ina Daa'uud oo Yeruusaalem boqorka ku ahaa.
1Koguja, Taaveti poja, Jeruusalemma kuninga sõnad.
2Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.
2'Tühisuste tühisus,' ütleb Koguja, 'tühisuste tühisus, kõik on tühine!'
3Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?
3Mis kasu on inimesel kogu oma vaevast, millega ta ennast vaevab päikese all?
4Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa, laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa.
4Rahvapõlv läheb ja rahvapõlv tuleb, aga maa püsib igavesti.
5Oo qorraxduna way soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxay ku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo.
5Ja päike tõuseb ja päike loojub ning läheb tagasi oma paika, kust ta jälle tõuseb.
6Dabayshu waxay tagtaa xagga koonfureed, oo haddana waxay u soo rogmataa xagga woqooyi, oo had iyo goorba way wareegtaa, oo dabayshu waxay ku soo noqotaa wareeggeedii.
6Tuul puhub lõuna poole ja keerutab põhja poole; keereldes, keerutades puhub tuul ja alustab taas oma ringkäiku.
7Webiyaasha oo dhammu waxay ku shubmaan badda, oo weli badduna ma buuxsanto, oo webiyaashu meeshii ay ku socdaan ayay haddana ku sii socdaan.
7Kõik jõed voolavad merre, aga meri ei saa täis; paika, kuhu jõed on voolanud, sinna voolavad need üha.
8Wax kastaaba waa daal miidhan, dadku ma sheegi karo innaba. Ishu wax arag kama dheregto, dhegtuna waxmaqlid kama buuxsanto.
8Kõigist asjust, mis väsitavad, ei suuda ükski rääkida: silm ei küllastu nägemast ja kõrv ei täitu kuulmast.
9Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko.
9Mis on olnud, see saab olema, ja mis on tehtud, seda tehakse veel - ei ole midagi uut päikese all.
10Miyey jiraan wax la odhan karo, Bal eeg, waxanu waa cusub yihiine? Way jiri jireen tan iyo waayihii inaga horreeyey.
10Või on midagi, mille kohta võiks öelda: Vaata, see on uus? Kindlasti oli see olemas juba muistsetel aegadel, mis on olnud enne meid.
11Waxyaalihii hore lama xusuusto, oo waxyaalaha iman doonana innaba laguma xusuusan doono kuwa dabadeed iman doona.
11Ei ole vaid mälestust endisist asjust ja nõnda ei ole ka mälestust tulevasist asjust neil, kes saavad olema veelgi hiljem.
12Anigan wacdiyaha ahu boqor baan reer binu Israa'iil ugu ahaa Yeruusaalem.
12Mina, Koguja, olin Iisraeli kuningas Jeruusalemmas.
13Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan.
13Ma pühendasin oma südame teadlikult otsima ja uurima kõike, mis taeva all sünnib: see on õnnetu ülesanne, mille Jumal on andnud inimlastele nende vaevamiseks.
14Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
14Ma nägin igasugu tegusid, mis päikese all tehakse, ja vaata, see kõik on tühi töö ja vaimunärimine.
15Wixii qalloocan lama toosin karo, oo wixii dhimmanna lama tirin karo.
15Kõverat ei saa teha sirgeks ega loendada seda, mida pole.
16Qalbigaygaan la hadlay, oo waxaan ku idhi, Bal eeg, anigu waxaan helay xigmad ka sii badan tii kuwii hortaydii Yeruusaalem u talin jiray oo dhan, oo qalbigaygu aad buu u arkay xigmad badan iyo aqoon dheer.
16Ma mõtlesin oma südames ja ütlesin: Mina, vaata, olen hankinud suure tarkuse ja olen ületanud kõik need, kes enne mind on valitsenud Jeruusalemma üle, ja mu süda on näinud palju tarkust ja teadmisi.
17Waxaan qalbigayga siiyey inaan xigmad ogaado iyo inaan waalli iyo nacasnimo ogaado, oo waxaan gartay inay taasuna tahay dabagalka dabaysha oo kale.Waayo, xigmaddii badan caloolxumo badan baa ku jirta, oo kii aqoon korodhsadaana murug buu sii korodhsadaa.
17Ja ma pühendasin oma südame tarkuse mõistmisele, ka meeletuse ja sõgeduse mõistmisele: ma mõistsin, et ka see oli vaimunärimine.
18Waayo, xigmaddii badan caloolxumo badan baa ku jirta, oo kii aqoon korodhsadaana murug buu sii korodhsadaa.
18Sest kus on palju tarkust, seal on palju meelehärmi, ja kes lisab teadmisi, see lisab valu.