Somali

Estonian

Ezekiel

14

1Markaasaa waxaa ii yimid qaar odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ah oo hortayday fadhiisteen.
1Minu juurde tuli mehi Iisraeli vanemate hulgast ja nad istusid mu ees.
2Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2Ja mulle tuli Issanda sõna; ta ütles:
3Wiilka Aadamow, nimankanu qalbigooday sanamyadoodii dabaggeliyeen, oo wejigoodana waxay hor dhigeen waxa ay ku turunturoodaan ee xumaantooda ah. Haddaba miyey waajib igu tahay inaan u jawaabo markay wax i weyddiistaan?
3'Inimesepoeg, need mehed on võtnud oma ebajumalad südamesse ja on pannud oma süü komistuskivi oma palge ette. Kas ma tõesti pean laskma ennast nende poolt küsitleda?
4Sidaas daraaddeed iyaga la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah oo sanamkiisa qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ahna wejigiisa hor dhiga, oo haddana nebiga u yimaada, aniga Rabbiga ah ayaa kii u yimaada u jawaabi doona sida sanamyadiisa faraha badan,
4Seepärast räägi nendega ja ütle neile: Nõnda ütleb Issand Jumal: Igale Iisraeli soost mehele, kes võtab oma ebajumalad südamesse, paneb oma süü komistuskivi oma palge ette ja tuleb siis prohveti juurde, temale kostan mina, Issand ise, tema paljude ebajumalate pärast,
5si aan reer binu Israa'iil qalbigooda ugu qabto, maxaa yeelay, iyagu sanamyadooda aawadood ayay kulligood iiga shisheeyoobeen.
5et saaksin haarata Iisraeli sugu nende südamest, sellepärast et nad kõik on minust võõrdunud oma ebajumalate tõttu!
6Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Soo noqda, oo sanamyadiinna ka soo noqda, oo wejigiinnana waxyaalihiinna karaahiyada ah oo dhan ka sii jeediya.
6Seepärast ütle Iisraeli soole: Nõnda ütleb Issand Jumal: Pöörduge ümber ja taganege oma ebajumalaist ning pöörake ära oma palged kõigist oma jäledatest häbitegudest!
7Waayo, mid kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah ama mid kasta oo shisheeyayaasha reer binu Israa'iil dhex deggan ka mid ah oo iska kay sooca, oo sanamyadiisana qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ah wejigiisa hor dhiga, haddana nebiga ugu yimaada inuu wax i weyddiisto, aniga Rabbiga ah qudhaydaa u jawaabi doona.
7Sest kes iganes Iisraeli soost või Iisraelis asuvaist võõraist loobub minust ja võtab oma ebajumalad enesele südamesse ja kes paneb oma komistuskivi oma palge ette ning tuleb siis prohveti juurde, küsima minult enesele nõu, sellele vastan mina, Issand, ise.
8Oo ninkaas wejigaygaan u jeedin doonaa, oo waxaan isaga ka dhigi doonaa yaab iyo calaamad iyo maahmaah, oo dadkaygaan ka dhex gooyn doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
8Mina pööran oma palge selle mehe vastu ning teen ta märklauaks ja pilkesõnaks, ja ma hävitan tema oma rahva seast; ja te saate tunda, et mina olen Issand.
9Oo haddii nebi intuu wax ku hadlo la khiyaaneeyo, nebigaas aniga Rabbiga ah ayaa khiyaaneeyey, oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa, oo dadkayga reer binu Israa'iil dhexdiisa ayaan ka baabbi'in doonaa.
9Ja kui prohvet laseb ennast eksitada ning ütleb sõna, siis olen mina, Issand, selle prohveti eksitaja; ja ma sirutan oma käe tema vastu ning hävitan tema oma Iisraeli rahva seast.
10Oo iyana ciqaabta xumaantooday qaadan doonaan. Nebiga ciqaabtiisuna waxay ahaan doontaa sidii ciqaabta kan isaga wax weyddiista,
10Nad peavad kandma oma süüd - nagu küsija süü, nõnda on ka prohveti süü -,
11si ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
11et Iisraeli sugu enam ei eksiks ära minu juurest ega rüvetaks ennast enam kõigi oma üleastumistega, vaid et nad oleksid mulle rahvaks ja mina oleksin neile Jumalaks, ütleb Issand Jumal.'
12Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
12Ja mulle tuli Issanda sõna; ta ütles:
13Wiilka Aadamow, marka dalku xadgudub xun iigu dembaabo, oo aan gacantayda ku soo dul fidiyo, oo aan usha cuntadiisa jebiyo, oo aan abaar ku soo daayo, oo aan dad iyo duunyaba ka dhex gooyo,
13'Inimesepoeg! Kui maa teeb pattu minu vastu, olles täiesti truudusetu, ja kui ma sirutan oma käe tema vastu ja murran katki tema leivatoe, läkitan sinna nälja ja hävitan sealt inimesed ja loomad,
14Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, xataa haddii saddexdaas nin oo ah Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, xaqnimadooda waxay ku samatabbixin lahaayeen naftooda oo keliya.
14ja selle keskel oleksid ka need kolm meest: Noa, Taaniel ja Iiob, siis päästaksid nad oma õiguse tõttu ainult omaenese hinged, ütleb Issand Jumal.
15Haddaan dalka dugaag baas ku soo dhex daayo, oo ay dadka ka baabbi'iyaan si uu meel cidla ah u noqdo, oo aan ciduna dugaagga aawadiis u soo dhex marin,
15Või kui ma lasen kurjad metsloomad käia mööda maad ja selle lastetuks teha, ja see muutub lagedaks, nõnda et see pole läbitav metsloomade tõttu,
16xataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen. Iyaga keligood ayaa samatabbixi lahaa, laakiinse dalku waa cidloobi lahaa.
16siis need kolm meest selle keskel, nii tõesti kui ma elan, ütleb Issand Jumal, ei päästaks oma poegi ega tütreid, vaid nad pääseksid ainult ise ja maa jääks lagedaks.
17Amase haddaan dalkaas seef ku soo daayo, oo aan ku idhaahdo, Seefay, dalka dhex mar, si aan dhexdiisa dad iyo duunyaba uga wada gooyo,
17Või kui ma lasen mõõga tulla üle selle maa ja ütlen: 'Mõõk, käi maa läbi!' ning hävitan sealt inimesed ja loomad,
18Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Xataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagoo keliya ayaa samatabbixi lahaa.
18ja need kolm meest oleksid selle keskel, siis nii tõesti kui ma elan, ütleb Issand Jumal, ei päästaks nad oma poegi ega tütreid, vaid nemad üksi pääseksid.
19Amase haddaan dalkaas belaayo ku soo dhex daayo, oo aan cadhadaydana dhiig ugu kor shubo, si aan dad iyo duunyoba uga gooyo,
19Või kui ma läkitan sellele maale katku ja valan oma viha selle peale verena, et hävitada sealt inimesi ja loomi,
20xataa haddii Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiil iyo gabadh toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagu xaqnimadooda ayay naftooda oo keliya ku samatabbixin lahaayeen.
20ja Noa, Taaniel ja Iiob oleksid selle keskel, nii tõesti kui ma elan, ütleb Issand Jumal, ei päästaks nad oma poega ega tütart, nad päästaksid omaenese hinged oma õiguse tõttu.
21Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddaba intee in le'eg bay ka sii darnaan doontaa markaan Yeruusaalem ku soo daayo afartayda xukun ee baas, kuwaasoo ah seef, iyo abaar, iyo dugaag baas, iyo belaayo, si aan dhexdeeda dad iyo duunyoba uga wada gooyo?
21Sest nõnda ütleb Issand Jumal: Jah, kui ma läkitan oma neli kurja nuhtlust: mõõga, nälja, kurjad metsloomad ja katku Jeruusalemma kallale, et sealt hävitada inimesi ja loomi,
22Laakiinse bal ogaada, waxaa dhexdeeda ku hadhi doona kuwa la soo bixin doono, oo wiilal iyo gabdhoba leh. Oo bal ogaada, idinkay idiin soo bixi doonaan, oo waxaad arki doontaan jidkooda iyo falimahoodaba, oo belaayada aan Yeruusaalem ku soo daayay, kuwaasoo ah xataa waxyaalaha aan iyada ku soo dejiyey oo dhan waa laydiinka qalbi qabowjin doonaa.Oo markaad jidkooda iyo falimahoodaba aragtaan way idiin qalbi qabowjin doonaan, oo Sayidka Rabbiga ahuna wuxuu leeyahay, Idinku waxaad ogaan doontaan inaanan sababla'aan ugu samayn wixii aan dhexdeeda ku sameeyey oo dhan.
22vaata, siis jääb sinna järele pääsenuid, kes toovad sealt välja oma poegi ja tütreid; vaata, need tulevad välja teie juurde ja te näete nende viise ja tegusid, ja te võite endid trööstida õnnetuse pärast, mis ma Jeruusalemmale olen toonud, kõige pärast, mis ma talle olen toonud.
23Oo markaad jidkooda iyo falimahoodaba aragtaan way idiin qalbi qabowjin doonaan, oo Sayidka Rabbiga ahuna wuxuu leeyahay, Idinku waxaad ogaan doontaan inaanan sababla'aan ugu samayn wixii aan dhexdeeda ku sameeyey oo dhan.
23Ja nemad trööstivad teid, kui te näete nende viise ja tegusid; ja te saate tunda, et ma ei ole mitte asjata teinud kõike, mis ma seal olen teinud, ütleb Issand Jumal.'