1Haddaba Wiilka Aadamow, Juuj wax ka sii sheeg, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.
1Ja sina, inimesepoeg, kuuluta prohvetlikult Googile ning ütle: Nõnda ütleb Issand Jumal: Vaata, ma tulen sulle kallale, Goog, Meseki ja Tubali vürst.
2Dib baan kuu soo celin doonaa, waanan ku soo kaxaysan doonaa, oo waxaan kaa soo kicin doonaa meelaha woqooyi ugu shisheeya, oo buuraha reer binu Israa'iil ayaan ku keeni doonaa.
2Ma talutan sind ringi ja kõnnitan sind, toon su kõige kaugemast põhjast ja viin su Iisraeli mägedele.
3Oo qaansadaada gacantaada bidix waan ka tuuri doonaa, oo fallaadhahaagana gacantaada midig baan ka ridi doonaa.
3Aga ma löön su ammu sinu vasakust käest ja lasen su nooled langeda sinu paremast käest.
4Waxaad ku kor le'an doontaa buuraha reer binu Israa'iil, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan iyo dadka kula jiraaba, oo haadka adag ee cayn kasta ah iyo dugaagga duurka ayaan cunto ahaan kuu siin doonaa inay ku cunaan.
4Iisraeli mägedele langed sa maha, sina ja kõik su jõugud ja rahvad, kes on koos sinuga; ma annan su roaks röövlindudele, kõigile tiivulistele, ja metsloomadele.
5Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ku le'an doontaa berrin bannaan, waayo, aniga ayaa saas ku hadlay.
5Sa langed lagedale väljale. Sest mina olen rääkinud, ütleb Issand Jumal.
6Oo waxaan dab ku soo dayn doonaa Maajuuj iyo kuwa gasiiradaha ammaanka isaga degganba, oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
6Ja mina läkitan tule Maagoogi ja nende kallale, kes elavad julgesti saartel. Ja nad saavad tunda, et mina olen Issand.
7Oo waxaan ka dhigi doonaa in magacayga quduuska ah dadkayga reer binu Israa'iil dhexdooda lagu ogaado, oo iyaga uma aan dayn doono inay magacayga mar dambe nijaaseeyaan, oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
7Ja ma teen tuntuks oma püha nime mu Iisraeli rahva keskel ega lase enam teotada oma püha nime. Ja paganad saavad tunda, et mina olen Issand, kes on Iisraelis püha.
8Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wuu imanayaa oo wuu ahaan doonaa, kaasu waa wakhtigii aan ka sii hadlay.
8Vaata, see tuleb ja see sünnib, ütleb Issand Jumal; see on see päev, millest ma olen rääkinud.
9Oo kuwa magaalooyinka reer binu Israa'iil degganu way soo bixi doonaan, oo waxay dab ku shidan doonaan oo ay gubi doonaan hubka dagaalka, kuwaasoo ah gaashaammada yaryar iyo gaashaammada waaweynba, iyo qaansooyinka iyo fallaadhaha, iyo budhadhka iyo warmaha, oo intii toddoba sannadood ah ayay dab ku shidan doonaan.
9Iisraeli linnade elanikud lähevad välja ning süütavad ja põletavad relvi, väikesi ja suuri kilpe, ambusid ja nooli, nuiasid ja piike; ja nad teevad nendega tuld seitse aastat.
10Sidaas daraaddeed iyagu duurka qoryo kama ay soo guran doonaan, oo kayntana waxba kama ay soo goosan doonaan, waayo, waxay dab ku shidan doonaan hubka dagaalka, oo waxay boobi doonaan kuwii iyaga boobay, wayna dhici doonaan kuwii iyaga dhacay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
10Nad ei kanna puid väljalt ega korja metsadest, sest nad teevad tuld relvadega; nad võtavad saaki neilt, kes neid röövisid, ja riisuvad neilt, kes neid riisusid, ütleb Issand Jumal.
11Oo wakhtigaas waxaan Juuj meel lagu aaso ka siin doonaa dalka reer binu Israa'iil, taasoo ah dooxada badda dhankeeda bari loo maro, oo taasuna way joojin doontaa socotooyinka mara. Oo halkaasaa lagu aasi doonaa Juuj iyo dadkiisa faraha badan oo dhan, oo waxaa loo bixin doonaa dooxadii Hamoonjuuj.
11Ja sel päeval ma annan Googile seal, Iisraelis, hauapaiga Ränduriorus ida pool merd; see suleb ränduritele tee ja sinna maetakse Goog ja kogu ta väehulk, ja seda nimetatakse 'Googi vägede oruks'.
12Oo intii toddoba bilood ah ayaa reer binu Israa'iil iyaga aasi doonaan, si ay dalka u nadiifiyaan aawadeed.
12Ja Iisraeli sugu matab neid seitse kuud, et puhastada maad.
13Oo waxaa iyaga wada aasi doona dadka dalka deggan oo dhan, oo wakhtiga lay ammaani doono ayaa taasu sharaf iyaga u noqon doontaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
13Kogu maa rahvas on matmas ja see on neile kiituseks päeval, kui ma ilmutan oma au, ütleb Issand Jumal.
14Oo waxay gooni ahaan u sooci doonaan rag had iyo goorba dalka dhex mara inay meydadka dhulka ku hadhay aasaan, si ay dalka u nadiifiyaan, oo toddoba bilood dabadeed ayay wax baadhi doonaan.
14Nad valivad kindlad mehed, kes käivad maa läbi, et seda puhastada, ja matavad läbiläinuist need, kes on veel jäänud maa peale; seitsme kuu pärast hakkavad nad seda läbi uurima.
15Oo dalkay dhex marayaan oo markii qof dad lafihiis arko, wuxuu ka ag taagi doonaa calaamad, ilamaa kuwa wax aasaa ay dooxada Hamoonjuuj ku dhex aasaan.
15Kui need käivad maa läbi ja keegi neist näeb inimese luud, siis peab ta selle kõrvale panema märgikivi, seniks kui matjad matavad selle 'Googi vägede orgu'.
16Waxaana jiri doonta magaalo magaceeda la yidhaahdo Hamoonaah. Oo sidaasay dalka u nadiifin doonaan.
16Ka ühe linna nimi on 'Vägede linn'. Nõnda nad puhastavad maa.
17Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad la hadashaa haadka cayn kasta ah iyo dugaagga duurka oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Isa soo urursada, oo kaalaya, oo waxaad dhinac kasta uga soo ururtaan allabarigayga aan idiin qalay, kaasoo ah allabari weyn oo aan buuraha reer binu Israa'iil dul dhigay inaad hilib cuntaan oo aad dhiig cabtaan aawadeed.
17Ja sina, inimesepoeg! Nõnda ütleb Issand Jumal: Ütle igasugu tiivulistele lindudele ja kõigile metsloomadele: Kogunege ja tulge, tulge kokku igalt poolt minu tapaohvriks, mida ma teie jaoks ohverdan, suureks tapaohvriks Iisraeli mägedel; sööge liha ja jooge verd!
18Waxaad cuni doontaan ragga xoogga badan hilibkooda, oo waxaad cabbi doontaan amiirrada dunida dhiiggooda, kuwaasoo ah wanan waaweyn, iyo baraar, iyo orgi, iyo dibi, oo kulligood Baashaan lagu cayiliyey.
18Sööge sangarite liha ja jooge maa vürstide verd, jäärasid, tallesid, sikke ja härjavärsse - neid kõiki on Baasanis nuumatud!
19Oo allabarigayga aan idiin qalay ayaad ilamaa aad ka dheregtaan baruur ka cuni doontaan, oo ilamaa aad ku sakhraantaan dhiig ka cabbi doontaan.
19Sööge rasva küllastuseni ja jooge verd joobumiseni mu tapaohvrist, mida ma teile ohverdan!
20Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miiskayga ayaad waxaad kaga dhergi doontaan fardo iyo fardooley, iyo rag xoog badan, iyo kuwa dagaalyahanka ah oo dhanba.
20Küllastuge mu lauas hobustest ja ratsanikest, sangaritest ja igasugu sõjameestest, ütleb Issand Jumal.
21Oo ammaantaydana waxaan dhex dhigi doonaa quruumaha, oo quruumaha oo dhammuna waxay wada arki doonaan xukunkayga aan sameeyey iyo gacantayda aan iyaga dul saaray.
21Ja ma ilmutan oma au paganate keskel ning kõik paganad saavad näha minu kohut, mida ma mõistan, ja minu kätt, mille ma panen nende peale.
22Oo maalintaas iyo wixii ka dambeeyaba reer binu Israa'iil sidaasay u ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.
22Aga Iisraeli sugu saab tunda, et mina, Issand, olen nende Jumal, alates sellest päevast ja edaspidi.
23Oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan in reer binu Israa'iil ay maxaabiis u noqdeen xumaantooda aawadeed, iyo in xadgudubkii ay igu sameeyeen aawadiis aan wejigayga uga qariyey, oo aan iyaga gacantii cadaawayaashooda ugu riday, oo ay kulligood seef ugu le'deen.
23Ja paganad saavad teada, et Iisraeli sugu on vangi läinud omaenese süü pärast, sellepärast et nad olid minu vastu truuduseta ja et mina peitsin nende eest oma palge ning andsin nad nende vaenlaste kätte, nõnda et nad kõik langesid mõõga läbi.
24Waxaan iyaga ku sameeyey oo aan wejigayga uga qariyey sidii ay wasakhdoodu ahayd iyo sidii ay xadgudubyadoodu ahaayeen.
24Mina talitasin nendega nende rüvedust ja üleastumist mööda ja peitsin nende eest oma palge.
25Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa.
25Seepärast ütleb Issand Jumal nõnda: Nüüd pööran ma Jaakobi vangipõlve ja halastan kogu Iisraeli soo peale ning olen kiivas oma püha nime pärast.
26Waxay illoobi doonaan ceebtoodii iyo xadgudubyadii ay igu xadgudbeen oo dhan markay si ammaan ah dalkooda u degganaan doonaan, oo aan ciduna ka cabsiin doonin,
26Ja nad peavad unustama oma teotuse ja kõik oma truudusetuse, mida nad on osutanud minu vastu, kui nad julgesti elavad oma maal ja ükski ei hirmuta neid.
27markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan.
27Kui ma toon nad tagasi rahvaste seast ja kogun nad nende vaenlaste maadest, siis ma ilmutan nende kaudu oma pühadust paljude paganate silme ees.
28Kolkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin.Oo wejigaygana innaba mar dambe iyaga kama aan qarin doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ruuxaygii ayaan reer binu Israa'iil ku dul shubay.
28Ja nad saavad tunda, et mina, Issand, olen nende Jumal, kes saatis nad vangi paganate juurde, aga kes kogub nad jälle nende oma maale ega jäta enam ühtegi neist sinna.
29Oo wejigaygana innaba mar dambe iyaga kama aan qarin doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ruuxaygii ayaan reer binu Israa'iil ku dul shubay.
29Ma ei peida enam oma palet nende eest, sest ma valan oma Vaimu Iisraeli soo peale, ütleb Issand Jumal.'