1Meeshayda aan wax ka dhawro ayaan istaagi doonaa, qalcaddana waan isa saari doonaa, waanan u fiirin doonaa bal waxa uu igula hadli doono, iyo waxa aan uga jawaabi doono cabashadayda.
1Mina seisan oma vahipostil, asun linnusel ja vaatan, et näha, mida ta mulle räägib ja mida ta mulle vastab mu etteheite peale.
2Oo Rabbigu wuu ii jawaabay, oo wuxuu igu yidhi, Waxa lagu tusay qor, oo looxyo ku caddee, si kii akhristaaba u ordo.
2Ja Issand vastas mulle ning ütles: Kirjuta üles nägemus ja tähenda selgesti lauakeste peale, et see, kes seda loeb, võiks lugeda soravalt.
3Waayo, wixii lagu tusay waa weli, oo waxay iman doonaan wakhtigii la yidhi, wayna u degdegaan ugudambaysta, oo innaba been ma sheegi doonaan. In kastoo ay raagaan waa inaad sugtaa, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah way noqon doonaan, oo innaba ma raagi doonaan.
3Sest nägemus ootab küll oma aega, aga ta ruttab lõpu poole ega peta. Kui ta viibib, siis oota teda, sest ta tuleb kindlasti ega kõhkle.
4Bal eega, kan madaxa weynaaday naftiisii way kibirtay, oo ma toosna, laakiinse kii xaq ahu rumaysadkiisa buu ku noolaan doonaa.
4Vaata, kes on isemeelne, selle hing ei ole siiras ta sees; aga õige elab oma usust.
5Haah, oo weliba khamrigu wax buu khiyaanaa, oo nin isla weynu gurigiisa kuma xasillo. Wuxuu xiisihiisa u ballaadhiyaa sida She'ool oo kale, oo isagu waa sida geerida oo kale oo innaba lama dherjin karo, laakiinse wuxuu soo urursadaa quruumaha oo dhan, oo wuxuu isu geeystaa dadyowga oo dhan.
5Ning veel enam: vein on petlik - ei jõua sihile hoopleja mees, kes avab oma kurgu nagu haua ja on täitmatu otsekui surm, kes korjab enesele kõik paganad ja kogub enese juurde kõik rahvad.
6Kuwan oo dhammu sow isaga kuma halqabsan doonaan? Oo sow maahmaahyo kuma quudhsan doonaan? Waxay odhan doonaan, Waxaa iska hoogay kan urursada wax uusan isagu lahayn! Bal ilaa goorma? Waxaa iska hoogay kan rahaamado isku rara!
6Eks nad kõik tee tema kohta pilkelaule ja osatavaid mõistukõnesid ning ütle: Häda sellele, kes kuhjab kokku, mis ei ole tema oma - kui kauaks? - ja koormab ennast võlaga.
7Kuwii ku qaniini lahaa sow haddiiba ma kici doonaan? Oo kuwii ku dhibi lahaa sow ma toosi doonaan? Oo adna booli baad iyaga u noqon doontaa.
7Kas viimaks su võlausaldajad ei tõuse äkitselt ja su vintsutajad ei ärka? Jah, ja sina jääd neile saagiks!
8Quruumo badan baad dhacday, haddaba sidaas daraaddeed dadyowga intooda hadhay oo dhammu aday ku dhici doonaan, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.
8Sest sa oled riisunud paljusid rahvaid, nüüd riisuvad kõik rahvad sind inimeste vere ja kõige vägivalla pärast, mis sa oled teinud maale ja linnale ning kõigile selle asukaile.
9Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo!
9Häda sellele, kes ahnitseb oma kojale ülekohtust kasu, et paigutada oma pesa kõrgele ja päästa ennast kurja käest.
10Dadyowga badan oo aad baabbi'isay daraaddood waxaad reerkaagii ugu arrimisay ceeb, oo waxaad ku dembaabtay naftaadii.
10Sa oled oma kavatsustega häbistanud oma koja, oled hävitanud paljusid rahvaid ja oled teinud pattu oma hinge vastu.
11Waayo, dhagax baa ka qaylin doona derbiga dhexdiisa, oo loox alwaaxda ku dhex jira ayaa u jawaabi doona.
11Sest kivi müüris kisendab ja sarikapuu vastab temale.
12Waxaa iska hoogay kii magaalo dhiig ku dhisa, oo magaalo xumaan ku adkeeya!
12Häda sellele, kes ehitab verega linna ja rajab ülekohtuga linnust!
13Bal eeg in dadku ay dabka aawadiis u hawshoodaan, oo quruumuhuna ay waxtarla'aan isu daaliyaan sow ma aha mid Rabbiga ciidammada xaggiisa ka timid?
13Vaata, eks seegi ole vägede Issandalt, et rahvaste vaev saab tuleroaks ja rahvahõimud väsitavad endid ilmaaegu?
14Waayo, sida biyuhu badda u daboolaan oo kale ayaa dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta sharafta Rabbiga.
14Sest maa saab täis Issanda au tundmist - otsekui veed katavad merepõhja.
15Waxaa iska hoogay kaaga deriskiisa khamri cabsiiya, oo cadho ugu shuba, oo weliba u sakhraamiya si uu cawradooda u fiirsada aawadeed!
15Häda sellele, kes joodab ligimest, pannes joogi hulka oma viha, et jooja joobnuks jääks ja jootja saaks vaadata tema alastiolekut.
16Adigu intaad sharaf heli lahayd waxaa ka buuxsantay ceeb, oo weliba adiguna khamri cab, oo waxaad noqotaa sida mid buuryaqab ah. Rabbiga gacantiisa midig koobka ku jira adiguu kugu soo rogman doonaa, oo sharaftaadana waxaa ku dhici doonta ceeb xun.
16Au asemel sa küllastud häbist: joo sinagi ja näita oma eesnahka! Issanda parema käe karikas jõuab ringiga sinuni, ja su au kaetakse häbiga.
17Waayo, waxaa ku dabooli doona dulmigii Lubnaan lagu sameeyey, iyo halligaaddii ku dhacday xayawaankii iyaga ka cabsiiyey, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.
17Sest Liibanonile tehtud vägivald katab sind ja loomade hävitus teeb sulle hirmu inimeste vere, samuti maale, linnale ja kõigile selle asukaile tehtud vägivalla pärast.
18Bal muxuu taraa sanamka xardhan, oo muxuu kii sameeyey u xardhay? Oo muxuu taraa sanamka la shubay oo ah macallinka beenta bara, oo kii sameeyey muxuu haddana isugu halleeyaa, waayo, waa sanamyo carrab la'.
18Mis kasu on nikerdatud kujust, mille meister nikerdab, valatud kujust ja valeõpetajast, et meister kuju peale loodab, valmistades keeletuid ebajumalaid?
19Waxaa iska hoogay kii qoriga ku yidhaahda, Toos! oo dhagax carrab la' ku yidhaahda, Sara joogso! Kanu miyuu wax bari doonaa? Bal eega, waxaa lagu dahaadhay dahab iyo lacag, laakiinse innaba neefu kuma jirto.Laakiinse Rabbigu waa ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, haddaba inta dhulka joogta oo dhammu ha ku hor aamuseen.
19Häda sellele, kes ütleb puule: 'Ärka!' või liikumatule kivile: 'Liigu!' Ons see õpetaja? Vaata, see on kulla ja hõbedaga kaetud, ometi pole vaimu tema sees.
20Laakiinse Rabbigu waa ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, haddaba inta dhulka joogta oo dhammu ha ku hor aamuseen.
20Aga Issand on oma pühas templis, tema palge ees vaikigu kogu maa!'