1Markii reer Efrayim hadleen waxaa jiray gariir, oo dalka Israa'iil ayay isku dhex sarraysiiyeen, laakiinse markay Bacal ku gardarnaadeen ayay dhinteen.
1Kui Efraim kõneles, värisesid kõik, ta oli Iisraelis ülistatud; aga ta sai Baali pärast süüdlaseks ja pidi surema.
2Oo haatan aad bay u sii dembaabaan, oo waxay lacagtooda ka samaysteen taswiiro la shubay kuwaasoo ah xataa sanamyo ay u samaysteen sida ay waxgarashadoodu tahay, oo dhammaantoodna waxaa weeye nin saanac ah sancadiis, oo waxay ka sheegaan, Dadka allabariga bixiya weylaha sanamyada ah ha dhunkadeen.
2Nüüd teevad nad edasi pattu ja valmistavad enestele hõbedast valatud kujud, ebajumalate kujud oma kujutluse järgi - kõik sepatöö. Nad ütlevad neile: 'Ohverdajad suudelgu vasikaid!'
3Haddaba sidaas daraaddeed waxay noqon doonaan sida daruurta subaxnimo, iyo sida sayaxa aroor hore baabba'a, iyo sida buunshaha dabayshu ka kaxayso goobta hadhuudhka lagu tumo, iyo sida qiiqa sholadda ka baxa.
3Seepärast on nad nagu hommikune pilv, nagu kaste, mis varakult kaob, nagu aganad, mis rehealusest tuulatakse, nagu unkast tõusev suits.
4Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waa inaydaan aqoonsan ilaah kale aniga mooyaane, oo badbaadiye kale ma jiro innaba aniga mooyaane.
4Aga mina olen Issand, su Jumal, Egiptusemaalt alates; sa ei tohi tunda minu kõrval muud jumalat ja ei ole muud päästjat kui mina.
5Anigu waan idin iqiin markii aad dhex joogteen cidladii ahayd dalka abaarta badan.
5Mina hoidsin sind kõrbes, palaval ja põuasel maal.
6Markii ay wax daaqeen ayay dhergeen, oo markay dhergeen dabadeed ayaa qalbigoodii kor u kacay, haddaba sidaas daraaddeed bay ii illoobeen.
6Kui nad käisid karjas, sai nende kõht täis; kui nende kõht sai täis, läks nende süda ülbeks - sellepärast nad unustasid minu.
7Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku ahay sida libaax oo kale, oo sida shabeel ayaan jidka ku ag dhawri doonaa.
7Aga minust sai neile otsekui noor lõvi, ma luuran tee ääres nagu panter.
8Oo waxaan iyaga uga hor iman doonaa sida orso gabneheedii laga gablamiyey, oo waxaan jeexjeexi doonaa xuubkii wadnahooda, oo halkaasaan iyaga ku baabbi'in doonaa sidii gool libaax oo kale, oo waxaa iyaga dildillaacsan doona dugaagga.
8Ma tulen neile kallale nagu karu, kellelt on röövitud pojad, ja ma rebestan nende rinnakorvi; nagu emalõvi sööb neid seal ja metsloomad kisuvad nad lõhki.
9Dadka Israa'iilow, baabbi'inna waxaa sabab u ah cadownimada aad ii qabtaan anoo caawiyihiinna ah.
9See on su hukutanud, Iisrael, et sa olid minu, oma abi vastu.
10Haddaba magaalooyinkiinna oo dhan ha idinku badbaadiyee meeh boqorkiinnii? Oo meeye xaakinnadiinnii aad ka tidhaahdeen, Na sii boqor iyo amiirro?
10Kus on siis su kuningas, kes päästaks sind kõigis su linnades, ja kus on su kohtumõistjad, kelle kohta sa ütlesid: 'Anna mulle kuningas ja vürste!'?
11Anigoo xanaaqsan ayaan boqor idin siiyey, oo haddana anigoo cadhaysan ayaan idinka qaaday.
11Oma vihas ma annan sulle kuninga ja oma raevus ma võtan ta ära.
12Xumaantii reer Efrayim waa xidhxidhan tahay, oo dembigoodiina meel baa lagu kaydiyey.
12Efraimi süütegu on kokku seotud, tema patt on tallele pandud.
13Oo waxaa iyaga ku soo kor degi doonta murugtii naag foolanaysa. Iyagu waa sida wiil aan caqli lahayn, waayo, haatan waa wakhtigii uusan ku sii raagin meeshii carruurtu ka soo dhalan jireen.
13Tema pärast tulevad sünnitusvalud: ta on mõistmatu laps, sest ta ei asu õigel ajal emakasuudmesse.
14Anigu waxaan iyaga ka soo furan doonaa xoogga She'oolka, oo waxaan ka soo badbaadin doonaa dhimashada. Dhimashoy, meeye belaayooyinkaagii? She'oolow, meeday baabbi'intaadii? Toobaddu indhahayga way ka qarsoonaan doontaa.
14Kas peaksin nad vabastama põrgu käest? Kas peaksin nad lunastama surmast? Surm, kus on su okkad? Põrguhaud, kus on su astel? Kaastunne on peidus mu silme eest.
15In kastoo uu walaalihiis dhexdooda ku dhal badan yahay, waxaa iman doonta dabayl bari ka timid, taasoo ah neefta Rabbiga oo cidlada ka soo baxaysa, oo ishiisa biyood way engegi doontaa, oo durdurkiisuna wuu iska gudhi doonaa, oo waa laga wada dhici doonaa khasnadda alaabta qaaliga ahu ugu jirto.Reer Samaariya gardarradooda way qaadi doonaan, waayo, way ku caasiyowdeen Ilaahoodii. Seef baa lagu layn doonaa, dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa, oo naagahooda uurka lehna waa la dooxi doonaa.
15Kuigi ta vendade keskel kannab vilja, tõuseb idatuul, tõuseb kõrbest Issanda tuul: tema kaev kuivab ja allikas taheneb; temalt riisutakse ta varandus, kõik ta väärtasjad.
16Reer Samaariya gardarradooda way qaadi doonaan, waayo, way ku caasiyowdeen Ilaahoodii. Seef baa lagu layn doonaa, dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa, oo naagahooda uurka lehna waa la dooxi doonaa.