Somali

Estonian

Leviticus

1

1Rabbigu wuxuu Muuse uga yeedhay teendhadii shirka oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi,
1Ja Issand kutsus Moosese ning rääkis kogudusetelgist temaga, öeldes:
2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha.
2'Räägi Iisraeli lastega ja ütle neile: Kui keegi teist tahab tuua Issandale ohvrianni kariloomadest, siis ta toogu oma ohvriand veistest või lammastest ja kitsedest!
3Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo.
3Kui tema ohvrianniks on põletusohver veistest, siis ta toogu üks veatu isaloom; ta toogu see kogudusetelgi ukse juurde, et ta leiaks armu Issanda ees!
4Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa inuu isaga u ahaado kafaaraggud.
4Ja ta pangu oma käsi põletusohvri pea peale, et see leiaks armu tema heaks ja tooks temale lepituse!
5Oo dibiga waa inuu Rabbiga hortiisa ku gowraco, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga keenaan, oo ay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga ee teendhada shirka horteeda taal.
5Siis ta tapku mullikas Issanda ees ja Aaroni pojad, preestrid, toogu veri ning piserdagu verd ümberringi altarile, mis on kogudusetelgi ukse ees!
6Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa.
6Ta nülgigu põletusohver ja raiugu see tükkideks!
7Oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay meesha allabariga dab ku shubaan oo haddana waa inay qoryo ku dul hagaajiyaan dabka,
7Ja preester Aaroni pojad tehku altarile tuli ja pangu puid tulle!
8oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran,
8Ja preestrid, Aaroni pojad, seadku tükid koos pea ja rasvaga puude peale, mis on altaril olevas tules!
9laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
9Sisikond ja jalad pestagu veega, ja preester süüdaku see kõik altaril põlema: see on põletusohver, healõhnaline tuleohver Issandale!
10Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ah ahaado wan ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn.
10Ja kui ta ohvriand põletusohvriks on lammastest või kitsedest, siis ta toogu selleks veatu isaloom
11Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha meesha allabariga.
11ja tapku see Issanda ees altari põhjapoolses küljes; ja preestrid, Aaroni pojad, piserdagu selle verd altarile ümberringi!
12Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran,
12Ja ta raiugu see tükkideks koos pea ja rasvaga, ja preester seadku need puude peale, mis on altaril olevas tules!
13laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku dhammaantiis ha bixiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
13Sisikond ja jalad pestagu veega, ja preester toogu kõik see ning süüdaku altaril põlema: see on põletusohver, healõhnaline tuleohver Issandale!
14Oo haddii qurbaankiisa uu Rabbiga u bixinayo uu yahay haad qurbaan la gubo ah, markaas qurbaankiisa ha u bixiyo qoolleyo ama xamaam yaryar.
14Ja kui tema ohvrianniks Issandale on põletusohver lindudest, siis ta toogu oma ohver turteltuvidest või muudest tuvidest!
15Oo wadaadku ha keeno meesha allabariga agteeda, oo madaxa ha ka maroojiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, oo dhiiggana ha lagaga miiro meesha allabariga agteeda.
15Preester viigu see altari juurde ja näpistagu sellelt pea ning süüdaku see altaril põlema; ja selle veri pigistatagu altari seina peale!
16Oo waa inuu ka soo bixiyaa gulgulada iyo baalasheeda oo ha ku tuuro meesha allabariga dhinaceeda bari, kaasoo ah meeshii dambaska.Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
16Ta eemaldagu selle pugu koos sulestikuga ja visaku see altari kõrvale, idapoolsesse külge, tuhaasemele!
17Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
17Siis ta lõigaku see lõhki tiibade juurest, ilma neid eraldamata, ja preester süüdaku see altaril põlema puude peal, mis on tules: see on põletusohver, healõhnaline tuleohver Issandale!