1Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi.
1Ja Issand rääkis Moosese ja Aaroniga, öeldes neile:
2Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,
2'Rääkige Iisraeli lastega ja öelge: Need on loomad, keda te võite süüa kõigist loomadest maa peal:
3Wax alla wixii xayawaan ah oo raafkoodu kala jeexan yahay, oo qanjaafilo leeyahay, oo calyanaqsiga raamsado waa inaad cuntaan.
3iga looma, kellel on sõrad, täielikult lõhestatud sõrad, ja kes mäletseb mälu, võite süüa.
4Habase yeeshee, kuwan oo ka mid ah kuwa calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela, maxaa yeelay, calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.
4Ometi ärge sööge neist, kes mäletsevad mälu või kellel on lõhestatud sõrad: kaamelit, sest ta mäletseb küll mälu, aga tal ei ole sõrgu - ta olgu teile roojane;
5Oo waladana ha cunina, maxaa yeelay, iyadu calyanaqsiga way raamsataa, laakiinse raafkeedu ma kala jeexna, haddaba iyadu waa idinka nijaas.
5kaljumäkra, sest ta mäletseb küll mälu, aga tal ei ole sõrgu - ta olgu teile roojane;
6Oo bakaylahana ha cunina, maxaa yeelay, isagu calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.
6jänest, sest ta mäletseb küll mälu, aga tal ei ole sõrgu - ta olgu teile roojane;
7Oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, oo qanjaafiluu leeyahay, laakiinse calyanaqsiga ma raamsado, sidaas daraaddeed isagu waa idinka nijaas.
7siga, sest tal on küll sõrad, täielikult lõhestatud sõrad, aga ta ei mäletse mälu - ta olgu teile roojane!
8Haddaba kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, oo baqtigoodana waa inaydaan taaban, maxaa yeelay, iyagu waa idinka nijaas.
8Nende liha ärge sööge ja nende korjuseid ärge puudutage, need olgu teile roojased!
9Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla wixii baalal iyo qolfo leh oo ku dhex jira biyaha iyo badaha iyo webiyada cuna.
9Kõigist vees elavaist võite süüa neid: kõiki neid vees, niihästi meres kui jõgedes, kellel on uimed ja soomused, võite süüa.
10Laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn oo ku dhex jira badaha iyo webiyada, iyo waxa biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa oo dhan, iyo kulli waxyaalaha noolnool oo biyaha ku dhex jira oo dhammu waa idinka karaahiyo.
10Aga meres ja jõgedes kõik, kellest vesi kihab, kõik elavad hinged vees, kellel ei ole uimi ja soomuseid, olgu teile jälgid!
11Haddaba iyagu waa inay karaahiyo idinka ahaadaan; idinku waa inaydaan hilibkooda cunin, oo baqtigoodana waa inuu karaahiyo idinka ahaadaa.
11Jah, need olgu teile jälgid, nende liha ärge sööge ja nende raibe olgu teile jälk!
12Wax alla wixii biyaha ku dhex jira oo aan lahayn baalal iyo qolfo waa idinka karaahiyo.
12Kõik need vees, kellel ei ole uimi ja soomuseid, olgu teile jälgid!
13Oo haaddana waxaa idinka karaahiyo ah kuwan, oo iyaga waa inaan la cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo, waana baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,
13Ja lindudest olgu teile jälgid need, neid ärge sööge, need on jälgid: kotkas, lambakotkas, must raisakotkas,
14iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,
14harksabakull, raudkull oma liikidega,
15iyo cayn kasta oo tuke ah,
15kõik kaarnad oma liikidega,
16iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag,
16jaanalind, kägu, kajakas, haugas oma liikidega,
17iyo guumaysta yar, iyo xeebajoogta iyo guumaysta weyn,
17kakuke, kormoran, kassikakk,
18iyo guumaysgeesaleyda, iyo cantalyaaga, iyo gorgorka,
18öökull, puguhani, raisakull,
19iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelajoogjoogta, iyo fiidmeerta.
19toonekurg, haigur oma liikidega, vaenukägu ja nahkhiir.
20Oo wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waa idinka karaahiyo.
20Kõik tiivulised putukad, kes käivad neljal jalal, olgu teile jälgid!
21Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waxaad ka cuni kartaan kuwa addimmada ku leh cagahooda ka kor, oo dhulka ku kor boodbooda,
21Kõigist tiivulisist putukaist võite süüa ainult neid, kes käivad neljal jalal, kellel jalgadest ülalpool on sääred maa peal hüppamiseks;
22iyaga waxaad ka cuntaan kuwa caynkan ah oo ah ayaxa iyo caynkiisa, iyo kabajaanka iyo caynkiisa, iyo jiriqsiga iyo caynkiisa, iyo koronkorrada iyo caynkeeda.
22neist võite süüa järgmisi: rändrohutirts oma liikidega, solaam oma liikidega, hargol oma liikidega ja hagab oma liikidega.
23Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta cagood lahu, waa idinka karaahiyo.
23Aga kõik muud tiivulised putukad, kellel on neli jalga, olgu teile jälgid
24Oo kuwaas idinku waad ku nijaasoobaysaan, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii,
24ja neist te saate roojaseks; igaüks, kes puudutab nende raibet, on õhtuni roojane.
25oo ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
25Ja igaüks, kes nende raipest midagi kannab, peab oma riided pesema ja olema õhtuni roojane.
26Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo aan qanjaafilo lahayn ama aan calyanaqsiga raamsan waa idinka nijaas, oo ku alla kii iyaga taabtaana wuu nijaasoobayaa.
26Kõik loomad, kellel on sõrad, aga kelle sõrad ei ole täiesti lõhestatud ja kes ei mäletse mälu, olgu teile roojased; igaüks, kes neid puudutab, saab roojaseks.
27Oo xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
27Ja kõik, kes käivad käppadel kõigist neljal jalal käivatest loomadest, olgu teile roojased; igaüks, kes puudutab nende raibet, on õhtuni roojane.
28Oo kii baqtigooda qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, waayo, iyagu waa idinka nijaas.
28Ja kes nende raibet kannab, peab oma riided pesema ja olema õhtuni roojane; need olgu teile roojased!
29Oo waxa dhulka ku gurguurta oo dhan kuwanu waa kuwa idinka nijaas ah, waana fadhanfadhka, iyo jiirka, iyo amuurka iyo caynkiisa oo dhan,
29Ja need olgu teile roojased väikeloomadest, kes maa peal roomavad: mutt, hiir, sisalik oma liikidega,
30iyo ilweynta iyo maansalugaleyda, iyo qorratada, iyo mulaca, iyo jirjirroolaha.
30karihiir, okassisalik, müürisisalik, liivasisalik ja kameeleon.
31Oo waxa gurguurta oo dhan kuwaasu waa kuwa idinka nijaas ah, oo ku alla kii taabtaa markay dhintaan nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii.
31Need olgu teile roojased kõigist roomajaist; igaüks, kes neid puudutab, kui nad on surnud, on õhtuni roojane.
32Oo wax alla wixii ay ku dhacaan markay dhintaan, nijaas bay ahaan doonaan, hadday yihiin weel qori ah, ama dhar, ama harag, ama joonyad, weelkaasu wax kasta ha ahaadee haddii wax loogu isticmaalo waa in biyo la dhex geliyaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, oo markaas dabadeedna daahir buu ahaanayaa.
32Ja kõik asjad, mille peale mõni neist langeb, kui ta on surnud, saavad roojaseks, nii iga puuriist või riie või nahk või kott - kõik riistad, millega tehakse tööd: need tuleb panna vette ja need on õhtuni roojased, siis need saavad puhtaks.
33Oo weelkii dhoobo ah oo mid iyaga ka mid ahu gudihiisa ku dhaco, wax alla wixii weelkaas gudihiisa ku jiraaba way nijaasoobi doonaan, oo weelkiina waa inaad jebisaan.
33Ja kui mõni neist on langenud mõnesse saviastjasse, siis saab kõik, mis selles on, roojaseks ja te lööge see astja puruks!
34Oo waxa la cuno oo ku jira oo biyo gaadhaanba way nijaasoobi doonaan, oo weelka caynkaas ah waxa la cabbo oo ku jira oo dhammuna way nijaasoobi doonaan.
34Iga roog, mida süüakse, millesse niisugune vesi satub, ja iga jook, mida juuakse, on igas niisuguses astjas roojane.
35Oo wax alla wixii wax baqtigooda ahu ku dhacaanba way nijaasoobi doonaan, hadday yihiin foorno ama sholad, waa in la burburiyaa, waayo, iyagu waa nijaas, waana inay nijaas idinka ahaadaan.
35Iga asi, mille peale langeb neist mõne raibe, saab roojaseks; küpsetusahi ja tulekolded tuleb maha kiskuda, need on roojased ja jäävad teile roojaseks.
36Habase yeeshee il amase god ay biyo badanu ku jiraan daahir bay ahaanayaan, laakiinse wixii baqtigooda taabtaa way nijaasoobayaan.
36Aga allikas või kaev, millesse koguneb vett, on puhas; ometi, kes puudutab neis olevat raibet, saab roojaseks.
37Oo wax baqtigooda ahu hadday ku dhacaan abuur la abuurayo, kaasu waa daahir.
37Ja kui neist mõne raibe langeb mingi külviseemne peale, mida külvatakse, siis see jääb puhtaks.
38Laakiinse abuurka haddii biyo lagu shubo oo wax baqtigooda ahu ay ku dhacaan markaas waa idinka nijaas.
38Aga kui seeme on veega kastetud ja mõni raibe langeb selle peale, siis seeme saab teile roojaseks.
39Oo xayawaanka aad cuni kartaan midkood hadduu dhinto, kii baqtigiisa taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
39Kui mõni neist loomadest, kes teile on toiduseks, sureb, siis on see, kes puudutab tema raibet, õhtuni roojane.
40Oo neefkaas baqtigiisa qofkii cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii, oo kii neefka baqtigiisa qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
40Kes tema raibet sööb, see peab oma riided pesema ja olema õhtuni roojane; ja kes tema raibet kannab, peab oma riided pesema ja olema õhtuni roojane!
41Oo wax kasta oo dhulka ku gurguurtaaba waa karaahiyo, oo waa inaan la cunin.
41Ja kõik roomajad, kes maa peal roomavad, on jälgid, neid ärgu söödagu!
42Wax alla wixii bogga ku socda, iyo wax alla wixii afar addin ku socda, amase wax alla wixii addimmo badan leh, kuwaas oo ah waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, waa inaydaan cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo.
42Mitte ühtegi neist, kes liiguvad kõhu peal, ega ühtegi neist, kes käivad neljal või rohkemal jalal kõigist roomavaist väikeloomadest maa peal, ei tohi te süüa, sest need on jälgid.
43Idinku waa inaydaan karaahiyo iskaga dhigin waxa dhulka ku gurguurta oo dhan, oo waa inaydaan iyaga isku nijaasayn si aydaan iyaga ugu nijaasoobin.
43Ärge tehke endid vastikuks mitte ühegi roomava roomaja pärast; ärge roojastage endid nendega, et saate nende läbi roojaseks!
44Waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, maxaa yeelay, anigu quduus baan ahay. Oo waa inaydaan isku nijaasayn cayn kasta oo ah waxa gurguurta oo dhulka ku kor dhaqdhaqaaqa.
44Sest mina olen Issand, teie Jumal. Pühitsege siis endid ja olge pühad, sest mina olen püha! Ja ärge roojastage oma hingi mitte ühegi roomaja pärast, kes maa peal roomab,
45Waayo, anigu waxaan ahay Rabbigii dalkii Masar idinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad quduus ahaataan, waayo, anba quduus baan ahay.
45sest mina olen Issand, kes tõi teid ära Egiptusemaalt, et olla teile Jumalaks. Olge siis pühad, sest mina olen püha!
46Haddaba intaasu waa sharciga ku saabsan xayawaanka, iyo haadda, iyo wax kasta oo nool oo biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa, iyo wax kasta oo dhulka ku gurguurta;si loo kala duwo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah, iyo waxa nool oo la cuni karo iyo waxa nool ee aan la cuni karin.
46See on seadus loomade ja lindude ja kõigi elavate hingede kohta, kellest vesi kihab, ja iga olendi kohta, kes maa peal roomab,
47si loo kala duwo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah, iyo waxa nool oo la cuni karo iyo waxa nool ee aan la cuni karin.
47et te teeksite vahet roojase ja puhta vahel, looma vahel, keda tohib süüa, ja looma vahel, keda ei tohi süüa.'