1Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
1Ja Issand rääkis Moosesega, öeldes:
2Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafiya oo saytuun ah oo loo tumay laambadda, in laambad lagu shido had iyo goorba.
2'Käsi Iisraeli lapsi, et nad tooksid sulle valgustuse jaoks puhast tambitud õlipuuõli, et saaks üles seada alaliselt põlevaid lampe!
3Oo daaha markhaatiga dibaddiisa oo teendhada shirka gudaheeda ah Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa had iyo goorba ku hagaajiyaa tan iyo fiidkii iyo ilaa subaxdii, oo kaasu waa inuu ahaadaa qaynuun weligiis idiin jiri doona tan iyo ab ka ab.
3Kogudusetelgis, väljaspool seaduselaeka eesriiet peab Aaron seda alaliselt korraldama õhtust hommikuni Issanda palge ees. See olgu igaveseks seaduseks teie tulevastele põlvedele!
4Oo isagu waa inuu had iyo goorba laambadaha ku kor hagaajiyaa laambadda saafiga ah oo Rabbiga hortiisa taal.
4Ta seadku alalised lambid puhtast kullast lambijalale Issanda ees!
5Oo waa inaad bur soo qaadataa, oo aad ka dubtaa laba iyo toban xabbadood oo kibis ah, oo xabbaddiiba waa inuu eefaah toban meelood loo dhigo labadiis meelood ku jiraa.
5Ja võta peent jahu ning küpseta sellest kaksteist kooki; iga kook olgu kahest kannust jahust!
6Oo waa inaad laba saf u dhigtaa oo safkiiba waxaad ka dhigtaa lix xabbadood, oo waxaad saartaa miiska saafiga ah oo Rabbiga hortiisa yaal.
6Siis aseta need kahte ritta, kuus kumbagi ritta, puhtast kullast laua peale Issanda ees!
7Oo saf kastaba waxaad ku shubtaa foox saafi ah, si uu kibista ugu noqdo xusuus, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
7Ja pane kummalegi reale puhast viirukit: see olgu lisaks leivale kui meenutusohver, kui tuleohver Issandale!
8Oo isagu had iyo goorba sabti kasta waa inuu Rabbiga hortiisa ku hagaajiyaa; waayo, kaasu wuxuu reer binu Israa'iil u yahay axdi weligiis ah.
8Igal hingamispäeval seadku ta need alati Issanda ette kui and Iisraeli lastelt igavese lepingu kohaselt!
9Oo kibistaas waxaa iska yeelan doona Haaruun iyo wiilashiisa, oo waa inay meel daahir ah ku cunaan, waayo, taasu isaga waa ugu wada quduusan tahay qurbaannada Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo qaynuun weligiis ah loo amray.
9See olgu Aaroni ja ta poegade oma ning nad söögu seda pühas paigas; sest väga pühana Issanda tuleohvritest kuulub see igavese seaduse kohaselt temale!'
10Oo naag reer binu Israa'iil ah wiilkeed, oo aabbihiis uu Masri ahaa ayaa reer binu Israa'iil dhex galay, oo wiilkii naagta reer binu Israa'iil iyo nin reer binu Israa'iil ah ayaa xerada dhexdeedii ku diriray.
10Keegi Iisraeli naise poeg, kelle isaks oli egiptlane, läks välja Iisraeli laste sekka; ja nad hakkasid leeris riidlema, see Iisraeli naise poeg ja üks Iisraeli mees.
11Markaasaa naagtii reer binu Israa'iil wiilkeedii magicii Rabbiga caayay oo habaaray, oo isagii waxaa loo keenay Muuse. Oo wiilkaas hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Shelomiid ina Dibrii, waxayna ahayd qabiilka Daan.
11Iisraeli naise poeg pilkas Nime ja needis seda. Siis viidi ta Moosese juurde. Tema ema nimi oli Selomit, Dibri tütar Daani suguharust.
12Oo isagiina way xidheen ilaa xukunkiisu ka soo baxo afka Rabbiga.
12Ja nad panid ta seniks vahi alla, kuni neile langeb otsus Issanda suust.
13Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
13Ja Issand rääkis Moosesega, öeldes:
14Kii caytamay xerada ka soo bixi, oo intii isaga maqashay oo dhammu gacmahooda madaxiisa ha kor saareen, oo dabadeedna ururka oo dhammu ha dhagxiyeen.
14'Vii needja väljapoole leeri; kõik kuuljad pangu oma käed tema pea peale ja terve kogudus visaku ta kividega surnuks!
15Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii Ilaahiisa caayaa waa inuu dembigiisa qaadaa.
15Ja räägi Iisraeli lastega ning ütle: Kes neab oma Jumalat, see peab oma pattu kandma!
16Kii magaca Rabbiga caaya sida xaqiiqada ah waa in la dilaa. Ururka oo dhammu hubaal waa inay isaga dhagxiyaan, oo hadduu shisheeye yahay iyo hadduu waddani yahayba, markuu magaca Rabbiga caayo waa in la dilaa.
16Ja kes pilkab Issanda nime, seda karistatagu surmaga; terve kogudus visaku ta kividega surnuks! Olgu võõras või päriselanik, kes Nime pilkab, surmatagu!
17Oo ku alla kii qof kale dila, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa.
17Ja kui keegi lööb maha mõne inimese, siis karistatagu teda surmaga!
18Oo ku alla kii neef xoolo ah dilaana waa inuu magaa, oo neef neef ku gudaa.
18Aga kui keegi lööb maha karilooma, siis ta andku asemele: hing hinge vastu!
19Oo haddii nin deriskiisa wax yeelo, wax alla wixii uu yeelay oo kale waa in isagana la yeelaa.
19Ja kui keegi teeb viga oma ligimesele, siis tehtagu temale, nagu tema tegi:
20Jabniin jabniin ha ku mago, ilna il ha ku mago, iligna ilig ha ku mago, oo isagu siduu qofka wax u yeelay, saasoo kale isagana ha loo yeelo.
20murre murde vastu, silm silma vastu, hammas hamba vastu; missuguse vea ta tegi teisele, niisugune tehtagu temale!
21Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana la dilaa.
21Kes lööb maha karilooma, andku asemele, aga kes lööb maha inimese, surmatagu!
22Oo waa inaad sharci qudha u haysataan shisheeyaha iyo waddanigaba, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil, oo iyana waxay xerada ka soo bixiyeen kii caytamay, oo way dhagxiyeen. Oo reer binu Israa'iil waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.
22Ühesugune õigus olgu teil niihästi võõrale kui päriselanikule! Sest mina olen Issand, teie Jumal!'
23Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil, oo iyana waxay xerada ka soo bixiyeen kii caytamay, oo way dhagxiyeen. Oo reer binu Israa'iil waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.
23Ja Mooses rääkis nõnda Iisraeli lastele. Siis nad viisid needja väljapoole leeri ja viskasid ta kividega surnuks. Iisraeli lapsed tegid nõnda, nagu Issand oli Moosesele käsu andnud.